Monday, December 13, 2010

wesley snipes ayaa la xidhay 3sano

Actorka weyn ee caanka ku ah filimada ,wesley snipes ayaa la dhigay xabsi lagu magacaabo Mckean oo ku yaal magaalada Pennsylvania, usa. jilaagan caanka ayaa 3sano ku dhamaysan doonaa jeelkan isaga oo lagu haysto cashuur uu la dhuuntay sanadihii 1999 ilaa 2001.

laakiin fanaanka ayaa ka cawday maalinkii arbacadii ina aanu helin maxkamad cadaalad ah. Waxa kale uu waydiistay maxkamada in xadhigiisa la bilaabo ciidahan sanadka ka dib waayo waxa uu ku dooday inuu haysto 4caruurah oo uu dhalay, rabana in uu la ciido.laakiin xaakinka ayaa sheegay in SNIPES, waa actirka e in xadhigiisan la ogeysiiyay labo sano ka hor isla markaana uu diyaar u yahay.
Todobaadka horaantiisii ayuu actorku ka sheegay barnaamij maalinla ah oo la yidhaa larry king live inuu rajaynayo inay wax aan la filayn dhacaan oo mucjisa ah si ay uga baajiso xadhigan ku beegmay maalmahan ciida ah.
Waxyar hadii an ku daro ,lacagtan lagu haysto ayaa ah mid gaadhaysa i2malyuun oo doolar oo looga yeeshay cashuur uu bixin waayay intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2001dii oo u dhigan ta 9,6 malyuun yuuro.
Xaga filimada, jilaagan filimada ee wesley waxa uu leeyahay filimaan aad dadku u xiiseeyaan waxaana ka mida inta aan xasuusto ,demolition man , drop zone , money train , u .s.a marshals, blade 1, 2, 3. , game of death iyo qaar faro badan oo aan la soo koobi karin. Actorku waxa uu ku dhashay magaalada Orlando, Florida, 31 juli 1962 . waxaan actorka u rajaynaynaa in si uun wax uga baaqdaan.

No comments:

Post a Comment