Monday, December 27, 2010

Booliiska Netherlands oo dambi ku waayay shan Soomaali ah

Dacwad soo oogayaasha dalka Netherland ayaa sheegay in ay dambi ku waayeen shan ka mid ah laba iyo toban Soomaali ah oo Jimcihii lagu xiray magaalada Rotterdam iyadoo looga shakiyay qorshaynta weeraro argagixiso.
Saraakiisha ayaa sheegay in aysan jirin cadayn dambiilenimo oo ka dhan ah shanta qof oo la hayay.
Todobada Soomaalida ah ee kale ayaa wali xiran.
Dadkan ayaa laga soo qabtay magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands maalintii Jimcaha kadib markii sirdoonka dalkaasi ay heleen warar sheegaya in laga yaabo in ay weeraro argagixiso sida cad ku talojireen.

No comments:

Post a Comment