Monday, September 20, 2010

heestii suuldhabaale oo inoo qaadayo alfanaan yaasiin .......dhageysi haboon

Sunday, September 5, 2010

WE ARE ALL MALCOLM X

Friday, September 3, 2010

Waryatv Nin aan lagu lahayn oo oo soo bandhigay ciyaar layaableh Copy

Thursday, September 2, 2010

Guddoomiyaha G/Awdal Oo Jawaab Ka Bixiyey Xadhigga Xildhibeenada Soomaaliya Iyo Masuulyiinta Udub Ee Dhawaanta La Sii DaayeyMa

Ma aqbali karno inaan daawanno siyaasiyiin ku hadlaya magac beeleed iyo mid xisbi”
Muwaadin kasta wuu i caayi karaa, loona qabsan maayo laakiin marka qarannimada qiilqiil la gelinayo……”

Borama-(Lug)-Guddoomiyaha G/Awdal Maxamed Daahir Cabdalle ayaa ka hadlay jawaabna ka bixiyey xadhigga masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB ee dhawaanta lasii daayey iyo xildhibeenada xukuumadda Sh.Shariif ee weli ku xidhan magaalada Boorama kuwaasoo uu ku tilmaamay inay Boorama ama Somaliland u yimaaddeen arrimo ka baxsan danaha dalka iyo dadweynaha reer Awdalba sidaa darteedna la hubsanayo ujeedada socdaalkooda Somaliland iyo Boorama wakhtigan.

Guddoomiyaha gobolka oo war arrintaasi ku saabsan siiyey Lughayanews ayaa waxa uu ku yidhi “’Waxa indhawaaleba la hadalhayaa xadhigga masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo kuwa ka tirsan xisbiga UDUB ee dalkeenna oo xadhigooda la buunbuuniyo , lagana dhigo wax sharcidarro, Cid kasta oo dawlad sheegataa waxay xaq u leedahay inay ka hor tegto wax kastoo khatar ku ah qarannimada dalka iyo amnigiisa, sidaa darteedna wax la daawado noqon maayaan ragga qirtay inay ka dambeeyeen mudaaharaadyadii qarandumiska ahaa ee Boorama ka dhacay dhawaanta, maantana ku faanaya inay ka dambeeyeen, welibana kuwa kale sii samayn doonaan, Cid kastoo akhrisata waxyaalaha lagu baahiyo shabakadaha Harowo iyo kuwa la mid ahiba waxay ogaanaysaa inuu jiro xidhiidh qaran dumisnimo ah oo ka dhexeeya kooxo marna qabiil sheeganaya, marna xisbi sheeganaya oo Boorama jooga sida uu caddaystay guddoomiyaha xisbiga UDUB ee degmada Boorama oo marna xisbinimo sheeganaya, marna beel, Kaa waxa kasii daran kan sheeganaya magaca xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ee G/Awdal ee daafacaya ragga ka yimid muqdisho ee aan la ogeyn waxay Boorama u yimaaddeen .Baroortu orgiga ka weynbaan leehay.waa raggii miudaaharadyadaasi dabada ka riixayey iyagoo dalka ka maqan, weligoodna loogu ‘taag la’aa Somalilandnimada , Somaliland oo dal madax bannaan ahna, aan doonayn inay arkaan”


Aniga xaqbaa la iigu leeyahay in la caayo, cambaareeyo ,laakiin ma aqbali karaynno in dawladdii shalay uun xilka la wareegtay la mijaxaabiyo, loona adeegsadao shaadhah kala duwan, siyaasado kala duwan iyo amnidarro kala duwan oo ay noo hoosaasiyaan cadowga aan iska eegeynno, Ciddii wax ka maqan yihiin ay Somaliland kaga maqan yihiin ama xil beeleedyo ka maqan yihiin si waddaninimo leh ha u raadsato, jidkii iyo dawladdii loo marayeyba way jiraan, laakiin calammo aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen dadweynaha Somaliland lagu cabudhiyo, ceebna reer Awdal ku tahay inay kale taageeraan”.


Shacbiga reer Boorama waa dad wanaagsan oo jecel nabadgelyada iyo dawladnimada, balse waa lagu dhex jiraa, loomana baahna in durba qaybo ka mid dadweynaha lagu kiciyo waxbaa inaga maqane aan rabshado ku raadinno, 8 sannadood ayey reer Awdal soo xukumayeen Somaliland, kana yeeli maynno in cid an aaminsanayn Somaliland isku dirto dadka walaalaha ah ee dalka ku wada nool, cidina afgembi xukunka inagama qaadan ee doorashaa la innagaga qaaday, wakhtigeedana waad sugi kartaan , cid kastaana ha ogaato inaanaan cidna ka yeelayn aflagaadooyin, qaran iyo xasiloonidarro, waxanse aqbalaynaa mucaaradnimo ka madaxbannaan qabyaalad, gobolaysi iyo cadaawad siyaasadeed oo qarandumisnimo ah iyo xasiloonidarro siyaasadeed “.

Wednesday, September 1, 2010

Ururka Dhalinyarada Belaha Jibriir Yoonis Oo Taageeray Madaxwayne Ku Xigeenka JSL. Mud. Cabdiraxmaan Saylici

Kulan balaadhan oo ay maalmahan wada qaadanayeen dhalnyarada beelaha Jibriir Yoonis oo ah urur cusub oo la aasaasay horaantii sanadan 2010 ayaa waxa ka soo baxay go’aamo wax ku ool ah oo lagu taageerayo xukuumada uu gobolka Awdal u matalayo madaxwayne ku xigeenka JSL Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, hadaba kulankaas go’aamadii ka soo baxay oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay shabakada wararka ee Lughayanews ayaa u qornaa sidan:.



Anaga oo ah Ururka Dhalinyarada Belaha Jibriir Yoonis waxaanu si wada jir ah hambalyo buuxda ugu diraynaa Madaxwayne ku xigeenka JSL Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxana aan leenahay Mudane Madaxwayne ku xigeen waxa aan kugu hambalyaynaynaa xilkaasi cusub ee laguu doortay ee hogaaanka geedi socodka nabada, waxana aan eebe kaaga rajaynaynaa inuu xilkaasi eebe kuu fududeeyo.

Mudane Madaxwayne ku xigeen waxa aan kuu balan qaadaynaa inaan siwada jir ah kuula shaqayn doono anaga oo kuu hurayna maal naf iyo maalba, waxana aan kugu amaanaynaa kartida aad muujisay ee ragganimoda leh, aqoonta iyo taarriikhda dheer ee aad ku leedahay gobolka Awdal iyo dhamaan Jamhuuriyada Somaliland.
Mudane Madaxwayne ku xigeen waxa aan kaa rajaynaynaa inaad hawl-karnimadaaada iyo aqoonta lagugu yaqaan ee gobolku kaaga bartay inaad muujiso adiga oo gobolka wax ugu qabanaya isla markaana aan dhamantayo kula garabtaaganahay inaan buuxino kaalintii dhalinyaranimo.



Nuqulkan qoraalka ah ayaa waxa ku saxeexnaa

Muumin Xasan Sh. Muumin (Gudoomiye)
Cabdinaasir Aadan Dugsiiye (Xubin)
Cabiqaadir Sh. Cilmi Talan (Xubin)
Idiris Aadan Isaaq (Xubin)
Xasan Cabdi Xasan Tukaale (Xubin)
Sakariye Axmed Yuusuf (Xubin)
Aadan Cumar Muumin (Xubin)