Tuesday, January 25, 2011

HADHWANAAGNEWS OO NOQOTAY GOOB LAGA CAAYO MADAXDA QARANKA IYO BEELAHA SOMALILAND

Shabakadan edebta daran oo lagu yaqaanay  manaafaq iyo qas ay ka dhex abuurto fanaaniinta iyo abwaanada soomaliyeed ayaa waxay ku darsatay aflagaadeynta qaar ka mida madaxda qaranka  iyo beelaha somaliland iyada oo bishan january 23dii 2011 daabacday maqaalo ay u bixisay 'u fiirsashada todobaadka ee hadhwanaag'' . Maqaalkaas oo ahaa mid caato ah,  qof aqoontu ku yartahayna qorey ayaa waxay canbaareyn kula beegsadeen waxqabadka ,kartida  madaxweyne ku xigeenka eng. cabdiraxmaan saylici iyo beesha uu ka soo jeedo ee samaroon. Maqaalku waxa uu ku durayaa dadyowga degan goboladda awdal iyo salal inay masuul ka ahaayeen kooxihii hubaysnaa ee ka soo degay Lughaya iyo madaxdii xiligaas oo si gaar ah farta ugu fiiqay gen.XUDHUUN.

Hadaba maqaalkan oo sida ka muuqata ay hadhwanaag ula badheedhay qas iyo qalalaase ka abuurma gobolada awdal iyo salal iyo iska horkeen dadyowga wada degan somaliland ayaa mid xaqiiqada ka fog , naca badanina ka muuqdo. dhanka kale CABDIRAXMAN saylici maaha nin tolkii qori loogu soo dhiibo , amarkana ka qaata kooxo dhiiga dadka iyo hantida muslimiinta xalaashada ee waa nin ku socda garaad , iimaan iyo sharci .

Mulkiilaha shabakadan oo ka soo jeeda beel  ay aad u yaraystaan beelaha dhexe ayaa waxa uu bilaabay in uu ku dagaalamo shabakadan  ay runtu kuyar tahay  si uu ugu hiiliyo beel aan waxbadan ka helin dawlada uu soo dhisay madaxweyne Siilaanyo.

 Taariikh ahaan shabakadan waxay mashquul ku tahay iska horkeenka fananiinta iyo heesaha ay kala qaadaan iyada oo murano ka dhex abuurtay sanadihi aynu soo dhaafnay  fanaaniin faro badan sida Cabdijaibaar khaliiji iyo Cali burco , Xasan aadan iyo Fuaad  cumer , Shamis qardajeex , Kooshin iyo Cabdijibaar iyo Somali dj oo markii dambena munaaqadaas ku so laabatay shabakadan bugta .

 W axa taas u dheer shabakadan hadhwanaag hinaasaha iyo xumaanta ay u hayso shabakada kale ee soomaali land sida OOdweynenews, asraar, somaliland .org iyo dhamaanba shabakadaha wararka ee somaliland iyada oo isku aragtaba inay masuul ka tahay fananiinta iyo hawlahooda . fadeexadii ugu dambaysay waxay ka raacday shabakadan hiliblaha ah  somali achievement awards markii ay ka dhexwaayeen magacda fanaaniin iyo abwaano ay isku qabiil yihiin mulkiilaha taas oo keentay iany cambaareeyaan madaxa ugu sareeya hayda HAYA ee somali achievement awards rashiid aadan jaamac .
  
hadi anay shabakadan ka digtoonaan maqaalada  nacaybka iyo xasadku ka buuxo ee lala beegasano belaha kala ee soomaaliland masuuliyaadas waxa qaadi doona ninkii faraha la galay meel aan la taaban
 ..............la socda qaybta labaad

No comments:

Post a Comment