Wednesday, September 1, 2010

Ururka Dhalinyarada Belaha Jibriir Yoonis Oo Taageeray Madaxwayne Ku Xigeenka JSL. Mud. Cabdiraxmaan Saylici

Kulan balaadhan oo ay maalmahan wada qaadanayeen dhalnyarada beelaha Jibriir Yoonis oo ah urur cusub oo la aasaasay horaantii sanadan 2010 ayaa waxa ka soo baxay go’aamo wax ku ool ah oo lagu taageerayo xukuumada uu gobolka Awdal u matalayo madaxwayne ku xigeenka JSL Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, hadaba kulankaas go’aamadii ka soo baxay oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay shabakada wararka ee Lughayanews ayaa u qornaa sidan:.



Anaga oo ah Ururka Dhalinyarada Belaha Jibriir Yoonis waxaanu si wada jir ah hambalyo buuxda ugu diraynaa Madaxwayne ku xigeenka JSL Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxana aan leenahay Mudane Madaxwayne ku xigeen waxa aan kugu hambalyaynaynaa xilkaasi cusub ee laguu doortay ee hogaaanka geedi socodka nabada, waxana aan eebe kaaga rajaynaynaa inuu xilkaasi eebe kuu fududeeyo.

Mudane Madaxwayne ku xigeen waxa aan kuu balan qaadaynaa inaan siwada jir ah kuula shaqayn doono anaga oo kuu hurayna maal naf iyo maalba, waxana aan kugu amaanaynaa kartida aad muujisay ee ragganimoda leh, aqoonta iyo taarriikhda dheer ee aad ku leedahay gobolka Awdal iyo dhamaan Jamhuuriyada Somaliland.
Mudane Madaxwayne ku xigeen waxa aan kaa rajaynaynaa inaad hawl-karnimadaaada iyo aqoonta lagugu yaqaan ee gobolku kaaga bartay inaad muujiso adiga oo gobolka wax ugu qabanaya isla markaana aan dhamantayo kula garabtaaganahay inaan buuxino kaalintii dhalinyaranimo.



Nuqulkan qoraalka ah ayaa waxa ku saxeexnaa

Muumin Xasan Sh. Muumin (Gudoomiye)
Cabdinaasir Aadan Dugsiiye (Xubin)
Cabiqaadir Sh. Cilmi Talan (Xubin)
Idiris Aadan Isaaq (Xubin)
Xasan Cabdi Xasan Tukaale (Xubin)
Sakariye Axmed Yuusuf (Xubin)
Aadan Cumar Muumin (Xubin)

No comments:

Post a Comment