Monday, December 13, 2010

SHIRWEYNAHA BEESHA MAXAMED CASE EE DEN HAAG, NEDERLAND

(lowyacado)Shirweyne ay beeshu dib ugu eegayso wixii u qabsoomay sanadkan 2010 iyo u diyaargarowga sanadka cusub ee 2011 ayay beeshu ku qabsatay magaalada Den haag ee wadanka Holland habeenkii sabtida ee 11 dec 2010.
Shirka ayaa ku bilowday warbixin dheer oo uu kasoo diyaariyay Haybe ciise (dhameeye) wadamada somaliland iyo jabuuti oo uu socdaal shaqo ugu maqaan. warbixiintaas oo taabanaysay dhinacyo farobadan sida siyaasada , arimaha bulshada , xiisadaha ka taagan gobolka iyo guud ahaan ba hurumarka ka socda gobolada ay beeshu degto ayaa dadku aad ula dhaceeen nuxurka ay xambaarsanayd warbixintaas.
Waxa isna markiisa hadalka qaatay Muuse Aadan Ducaale oo ah xubin aad u firfircoon oo ka tirsan guddida beelaha m/ case ee holland isaga oo ku tiiqtiiqsaday taariikhdii kala duwanayd ee ay soo martay tayo galinta waxbarashada gobolka awdal/salal iyo abaabulkii iyo halgankii dheeree ay u galeen ka midho dhalinta hawlihii IQRA iyo qurbajoogto iska kaashadeeen ee abuurista dugsiyo waxbarasho iyo macalimiin mushahar joogta ah hela taas oo maanta ardaydii lagu bilaabay ay marayaan ilaa heer jaamacadeed.

Waxa kale oo lagaga hadlay shirka iskuxidhka gudaha iyo dibadda iyo xidhiidho ay beeshu la yeelatao ururada kala duwan ee ku abtirsada beelweynta samaroon sida , ururka TOL ee beelweynta samaroon , ARDAA iyo talan foundation iyo dhamaanba ururada wadaniga ee ka shaqeeya horumarka gobolada salal/ awdal.
Waxaa halkaas lagaga dhawaaqay waliba , inay beelaha maxamed case ee holland ay diyaar u yihiin ka qayb galka dhismaha marsada Lughaya iyo dhismaha jidadka isku xidha goboladda awdal /salal iyo gobolada kale ee dalka.
Gabo gabadii, waxa la isku raacay in taageero loo fidiyo siyaasiyiinta gudaha joogta wada shaqayn buuxdana lala yeesho sidii gobolku horumar u gaadhi lahaa . shirkan kiisa xiga ayaa la iskugu iman doonaa bilowga sanadka cusub ee 2011ka

No comments:

Post a Comment