Tuesday, December 7, 2010

M/wayne Ku Xigeenka JSL Ahna Kusimaha M/weynaha Eng.C/raxmaan Saylici Waxa Uu Munaasibada Sannadka Cusub Ee Islaamka (01/01/1432) Hambalyo & Boogaadin

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL MUDANE: CABDIRAXMAAN CABDILAAHI ISMAACIIL (SAYLICI) Waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka oo maanta oo Salaasa ah Kowsanaaya (01/01/1432) ee Hijriyada) Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Shacbiga soomaaliland Meelkasta oo ay Jooganba Sidoo kale waxa u Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Guud ahaanba Shucuubta Islaamka oo dhan. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in Shacbiga Somaliland sanadkan Sanadkiisa uu ku gaadhsiiyo Baadhaadhe iyo Barwaaqo sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ILLAAHAY uga baryey inta Bukta in uu ka Dulqaado Xanuunka inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo. Ugu dambayn waxa uu Madaxweyne ku xigeenku shacbiga somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo jeedaan oo ay u illaashadaan sidii ay hore-ba ugu feejignaayeen

No comments:

Post a Comment