Saturday, June 11, 2011

Bescheiden Rochelle wint X Factor 2011


Rochelle is op het podium allesbehalve bescheiden. © ANP
De 19-jarige Rochelle is de winnares van X Factor 2011. De zangeres versloeg de groep Adlicious in 'de beste finale ooit'.
Stiekem was Rochelle al weken de publieksfavoriet, maar Adlicious was een sterke tegenstander. De groep, bestaande uit Laise, Jordy en Shirley, was de eerste formatie die kansmaakte op de titel en onder andere een platencontract.

Rochelle betrad vanavond het podium op blote voeten en beschrijft zichzelf als een 'bescheiden meisje'. 'Ik ben wie ik ben, ik heb er altijd van gehouden om een beetje op de achtergrond te blijven', liet ze weten. Blijkbaar werd deze nuchterheid door Nederland helemaal goedgekeurd, want de Helmondse kon rekenen op 73% van de stemmen. Overigens was Rochelle ook de favoriet van The Voice of Holland-winnaar Ben Saunders. 'Ze leert waanzinnig snel', is de mening van coach Eric van Tijn.

Aanstaande maandag wordt Rochelle in haar woonplaats gehuldigd, waarna een optreden volgt. En dan is het wachten op de release van haar single, 'No Air'. (Suzanne Borgdorff)
10/06/11 23u46

Thursday, June 9, 2011

DANI MA UGU JIRTAA FURITAANKA XISBIYO BADAN GOBOLADAN AWDAL IYO SALAL



Waxaan shaki ku jirin goaankan adag ee ay  ku dhawaaqday gudidii loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan  suurtogalnimada furashada xisbiyo siyaasadeed inay naxdin iyo welwel ku abuurto xisbiyo siyaasadeed oo maanta jira, qabiilo iyo degaano kala duwan oo ku yaal jamhuuriyada Somaliland.
 Waxaynu markiiba maqalay afkaarta kala duwen ee ka soo yeedhaysa xisbiyadii jirey ee saddexda ahaa oo ku kala aragti duwan natiijadan lagu dhawaaqay oo kala ah diidmo ay ka muujiyeen xisbigii talada laga tuurey ee UDUB iyada oo magacooda uu ku hadlayo gudoomiye ku xigeenkii udub Axmed Yuusuf Yaasiin.
 Waxa sidoo kale oo welwel ka muujiyay , mugdi iyo horseed jaahwareer ku tilmaamay goaankaas gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee  UCID Faysal Cali Waraabe, xisbiga kaliya ee ilaa hada taageeray goaankan ayaa ah xisbul xaakimka Kulmiye isagana ay qasab ay kaga dhigtay fulinta  balantii uu  qaaaday  markii ay ku jireen  ololihii doorashooyinka madaxtinimo ee jamhuuriyada somaliland inkasta oo aan ilaa hadda siyaasiyiin faro badan aanay ka hadal goaankan.
 SI kastaba ha ahaatee ,aynu u daadegno khasaaraha iyo faaiidada ugu jiri karta goboladdan Awdal iyo Salal furashada xisbiyo siyaasadeed oo ka soo jeeda goboladan iyo suurtogalnimada xisbi ay ku mideysan yihiin umaddaha degan goboladan.

Waxa la isku raacsan yahay inay Boorame ka soo bixi doonaan xisbiyo ku salaysan qabaaiil guud aahaan sida laga filaya gobolada iyo degmooyinka kale ee somaliland ba . Waayo ilaaa hadda Reer Awdal ma aanay sameysan ilaa hada xisbi qaran oo ka turjuma ama ay feker ahaan ku  mideysan yihiin xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo waliba xag bulsho intaba.Xisbiyadaas  Boorame ka dhalan doonaa mustaqbalka,  waxay marwalba u baahnaan doonaan taageerada xisbiyada kale ee laga dhisi doono hargeysa iyo nawaaxigeeda, sobob dhaqaale iyo tiro awgeed iyada oo cadka ama qaybta ay helaan noqon doonto waxa uu uu soo gooyo xisbigaas daciifka ee qabiilka ku salaysan ee aan taageero badan heli karin . Waxa taas ka sii daran, murano xoogan oo ka dhici doona xadadka degmooyinka lakala degan yahay, dhalashada iyo kala sheegasho dhul imikaba lagu muransanyahay ka codeyntiisa.
 Intaas waxaa gadaal socon doona xisbiyo Diin ku qadhaabta oo ay waxiskugu urursadaan kuwii muddoba u haraadanaa maamulka dalka, madaarista iyo maqaamyadana  kaga xidhnaa siyaasada. Isku wada geeyoo ,aragti ahaan, waxa adag in la saadaaliyo qaabka urur-siyaasadeed reer Boorame oo ay ku mideysan yihiin dhamaan ama inta badan beelaha degaanka u leh Gobolada awdal iyo salal iyo gabiley  iyo  heshiiska ay la gali doonaan xisbiyada kale ee kadhalan doona somaliland inteeda kale.
 Waxa kale oo adag, in saadaal laga bixiyo ku si ekaanshaha xisbiyada jira maanta iyo isbedelka ku dhici doonaa ?
     la soco qaybaha  kale waxaan ku eegi doonaa saadaasha  qaabdhismeedka ay yeelan karaan xisbiyada somaliland ee soo socda iyo cida wax a heli karta!