Friday, December 10, 2010

Somaliland ayaa sheegtay inay qabatay dayuurad hub sidday


Dayuraddu saaka barqadii ayay soo fariisatay garoonka Hargeysa ee Cigaal International Airport iyadoo aan wax oggolaansho ah haysan hase ahaatee sheegtay in shidaalku ku yar yahay markii dambana ay baareen ciidanka ammaanka ee halkaas jooga, ayna ogaadeen inay qalab milateri siddo.
Dayuuradda waxaa saaran lix qof oo shaqaale ah iyo labo nin oo u dhashay dalka South Africa, waxaana mas'uuliyiinta Somaliland ay sheegayaan inay ku socotay dhinaca Puntland. faahfaahin lagama bixin nooca hubka la sheegay inuu dayuuradda saaran yahay.
Dadkii dayuuradda la socday waa la kaxeeyay, waxaana maamulayaasha Somaliland ay sheegayaan inay tafaasiil soo saari doonaan.
Dayuuraddan oo ah Antanov ee nooca Ruush-ka lagu sameeyo waxaa la sheegay inay ka soo duushay dalka Uganda, waxaana maamulayaasha Somaliland ay sheegayaan inay qalabka milateri u sidday xagga Puntland iyadoo hore ay Somaliland walaac uga muujisay sharikad gaar ah oo Puntland u tababaraysa ciidan la dagaallanka burcad-badeedda.

No comments:

Post a Comment