Tuesday, August 31, 2010

kulanka Daahir iyo Meles sanawi iyo shakiga dawlada Siilaanyo

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay kulanka Magaalada Addis ababa ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland


Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo wax laga weydiiyay kulanka Addis ababa ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya waxay kala socdaan wuxuu yidhi “Waxaanu ka maqalay Saxaafadda in Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan xukuumadiisii ay ku sugan yihiin Addis ababa, laakiin arrintaasi waa arrin iyaga u gaar ah haddii ay booqasho ku marayaan Itoobiya. Hawlo xukuumaddan ay kaga wakiil yihiin oo ay u hayaana ma jirto. Laakiin waa muwaadiniin xor ah oo mari kara dalalka jaarka. Laakiin arrin aanu isku ognahay ma jirto. Anagu waxaanu rajaynaynaa in Madaxweynihii hore ee Somaliland waa nin masuul ah oo dalkan xil illaa Madaxweyne ka hayay. Waxaanu filaynaa haddii uu fursad u helo inuu masuuliyiin kale oo wadamo aynu jaar nahay ama kuwo kale uu la kulmo inuu kollayba danaha qaranka wax waxtar u leh kala hadlayo oo ku saabsan sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka labada geesood.”
“Waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya in mad madow soo galay warkaasi wuxuu ka imanayay ilo-wareedyo aan rasmi ahayn. Warkani kama uu soo bixin dawlada Itoobiya iyo Somaliland-ba. Labada dawladoodba arrintan way ka hadleen oo way beeniyeen. Waxa jiray warar qolooyin isku sheegayay inay warbixino ka soo saaraan arrimaha Somaliland iyo Geeska Afrikaba oo meel loogu hagaago iyo cidday yihiin aanay jirin ayaa warkaasi keenay. Warkaasi war jirra ma aha xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya halkiisii iyo meel ka sii wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanay labada geesoodba diyaar u yihiin inay sii balaadhiyaan xidhiidhkaasi,”ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu sii xumaanayo.
Wasiirka oo saaka u waramayay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, waxa la weydiiyay in arrinta Kaybalka isgaadhsiinta ee badda hoostiisa la marinayo ay ka dambeeyaan dawlado shisheeye waxaanu isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ma jiraan dawlado kale oo ku lug leh arrinta kaybalka isgaadhsiinta badda hoosteeda la marinayo ee Somaliland laga hirgalinayo, ganacsigu sidiisaba waa xor Somaliland waxaanay dawladeenu ku dhaqantaa Ganacsiga suuqa xorta ah, oo Ganacsatadu ay suuqa dhexdiisa ku dhex tartanto. Arrintan kaybalka waxa u taallaa ganacsatada iyo dawlada Somaliland.”

Monday, August 30, 2010

madaxweyne Ismaaciil cumer ma cadowga somaliland baa mise waa saaxiib dhab ah?



Sunday, August 29, 2010

Halkan ka akhriso magacyada beelaha ay soo kala jeedaan masuuliinta dawladda ee shalay Siilaanyo magacaabay

Hargeysa (lowyacado) Halkan ka akhri magacyada beelaha ay ka soo kala jeedaan masuuliyiinta dawlada ee shalay Siilaanyo magacaabay.



Habar awal

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani (Sacad-muuse)



Agaasimaha Guud Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Bada iyo Maamulka Dekedaha Cabdiraxmaan Cawil Xasan (Ciise Muuse)

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Nabadgelyada Saleebaan Cumar Kujoog (Ciise Muuse)

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur (Sacad-muuse)

Ku-xigeenka Taliyaha Police ” Galbeedka” Cabdiraxaam Liibaan Axmed Fooxle (ciise Muuse)

Ku xigeenka Taliyaha Police “Bariga” Axmed Muxumed Guutaale (ciise Muuse)

Diaspora Agency Saleebaan Maxamed Faarax (Ciise Muuse)

Gudoomiyaha Gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa iyo illaalinta dawlad wanaaga (National Integrity Commission) Axmed Muxumed Madar (Sacad-muuse)

Director of Clinic Service Sahra Adan Yaanyo (Ciise Muuse)

Xoghayaha Fulinta ee Komishanka Aidska ee SOLNAC (AIDS Commission) Maxed Dahir Khayre (Sacad-muuse)

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahin Siyaad Yoonis (Sacad-muuse)

Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir (Ciise Muuse)

Guddoomiyaha Guddida Hay’ada Dibu habaynta shuruucda Xasan Aw Aadan Cabdi (sacad Muuse)

Maareeyaha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Maxamed Muuse Cawaale (Ciise Muuse)

Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha (Civil service commission) Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil (Chairman) (Sacad-muuse)



Habarjeclo(Muuse sh isaxaaq)

Agaasimaha Guud Wasaarada Maaliyada Jaamac Axmed Maxamed “Jaamac oday” (Solamadow Habar-jeclo)

Gudoomiyaha Gudiga Ilaalinta Tayada (Quality Control Commission) Siciid Saleebaan Mire (solamadow Habar Jeclo)

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad (Muuse Abokor Habar/jeclo)

Director of Admin & Finance Cabdikariin Axmed Xinif ( Yeesif Habar-jeclo)

Gudoomiyaha Gudiga Qandaraaska Qaranka (National Tender Board) Aadan Nugaal X. Xasan (Reer Dood Habar-jeclo)

Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal (Reer Yoonis Habar-jeclo)

Maareeye-Xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac (Xasan Daahir, Habar-jeclo)

Madaxa Hay’ada Sirdoonka Qaranka Xuseen Xasan Rooble (Kenyaate) (Faahiye Faarax, Habar-jeclo)



Habaryoonis

Guddoomiyaha Baanka Dhexe (Chairman of the Central Bank) Cabdi Dirir Cabdi (Habar-yoonis)

Agaasimaha Guud Wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Shiriif Libaax Muuse (Habar-yoonis)

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali (Habar-yoonis)

ICT Commission Cali Cabdilaahi Daahir (Habar Yoonis)

Director of Capacity Building Yuusuf Nuur Guruje (Habar-yoonis)

Ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise Shiine (Habar-yoonis)

Hantidhawrka guud ee Qaranka (Auditor General) Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Habar-yoonis)

ku-xigeenka Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Axmed Cali (Habaryoonis, Sulub)

DG: Agaasimaha guud ee Hay’ada shaqalaha Ibraahin X. Nuur Diiriye (reer Xuseen, Habaryoonis)



Arab

Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax (Arab)

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada Cabdi najax Siyaad Aw Cabdi (Arab)

Gudoomiyaha Gudiga xuquuqal Insaanka (Human Rights Commission) Aamina Cabdilaahi Axmed (Arab)

Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) Jamaal Caydiid Ibraahin (Arab)



Ciidagale

Taliyaha Ciidanka Bada Axmed Aw Cismaan (Ciidagale)

Maareeye-ku-xigeenka Wakaalada Biyaha Cabdi Ibraahim Cabdillaahi (Ciidagale)

Maareeyaha Hay’adda Korontada Xasan Cusmaan Adan (Ciidagale)

Samaroon

Taliyaha Ciidanka Police-ka Cilmi Rooble Furre (Kabaal) (Samaroon)

Gudoomiyaha Gudiga Diwaanka Sakada (National Charity Commission) Sh. Cabdilaahi Cali Jawhar (Samaroon)

Xisaabiyaha Guud (Accounting General) Ibraahin Aadan Qaalib (samaroon b. cabdalo)

National M&E Officer Aadan Jaamac Hoori. (Akarraa)

Establishment (Xubin Ka tirsan Hay’adda Axmed Cabdillaahi Ibraahim (bahabar abokor)

Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibedda Siciid Cali Wayrax (Cali Madoobe)

Warsangeli

Agaasimaha Guud Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori (Warsengeli)



Ayuub

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Maxamed Xasan Siciid (Ayuub)

Agaasimaha Guud Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed. (Ayuub)



Toljeclo

Xeer-ilaaliyaha guud (Attorney General) Xasan Axmed Adan (Tol-jeclo)



Dhulbahante

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gobolada Bari Fuaad Aadam Cade (Dhulbahante)

Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) (Dhulbahante)

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Ibraahin Caydiid Dhabdhable (Dhulbahante)

Recruitment (Xubin ka tirsan hay;adda Cabdirashiid Ducaale Qambi (Dhulbahante)

Fiqishini

Cabdiraxmaan (Fiqishinni)



Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka (Raod Authority) Cabdiwaaxid Cabdiqaadir

Al-Shabaab claims capture of major militant base

(lowyacado.com) Somali Islamist fighters on Saturday claimed they captured the largest Mogadishu base for the government-supported militant group.

However, Sheikh Shuriye, spokesman for the Ahlu Sunna Wal Jama militia, told CNN that his group retreated from the Mo'alin Nor base on Friday as a "military tactic" against Al-Shabaab, an al Qaeda-linked movement fighting against Somalia's transitional government.
Meanwhile, Somali Information Minister Abdirahman Omar Osman denied reports that African Union troops fought Al-Shabaab for nearly a week to maintain control of Mekke Al-Mukarama street -- a strategic roadway in the Somali capital and the only road connecting the presidential palace to the airport. Osman said the road has been in complete control of the government and the African Union forces.
Still, medical sources reported 10 fatalities from the fighting, including at least four civilians, and 20 others wounded.
Al-Shabaab, which has pledged allegiance to al Qaeda, controls much of southern Somalia and portions of Mogadishu. Ahlu Sunna Wal Jama, which follows the Sufi form of Islam, turned against it after Al-Shabaab fighters destroyed the tombs of several revered leaders of the Sufi Muslim group in 2008.
Earlier, a Somali official denied reports that Ethiopian troops had crossed into the country to help battle Al-Shabaab militants.
"I can confirm to you that no Ethiopian soldier has come to this town of Dolo," said Gov. Abdifatah Gesey of the Bay region in Somalia's southwest. "The reports which are saying so are mere rumors."
Gesey spoke to CNN on the phone Friday from Dolo, a Somali town bordering Ethiopia. Dolo is under the control of government forces, the governor said.
Attempts to reach Ethiopian officials Saturday were unsuccessful. However, Ethiopian Communications Minister Bereket Simon, in a mobile phone interview with Bloomberg, also denied the reports, saying "We have made no decision to intervene at this point.
Somali government officials warned Friday that Al-Shabaab may intensify attacks against civilians and security forces over the Ramadan period.
Osman, the Somali minister of information, said government and African Union forces are prepared for any assaults. He urged residents to be vigilant and remain indoors.
The African Union Mission in Somalia, known by the acronym AMISOM, has forces made up of troops mostly from Uganda and Burundi and is helping the Somali government fight the militants.
Al-Shabaab rebels have killed at least 70 civilians and wounded 200 others this week, the minister said
Government forces have killed 25 Al-Shabaab fighters since Monday, according to Osman.
The United States considers Al-Shabaab, which is al Qaeda's proxy in the country, a terrorist organization. Al-Shabaab is waging a war against Somalia's government in an effort to implement a stricter form of Islamic law known as sharia.
Somalia has not had a stable government since 1991, and fighting between the rebels and government troops has escalated the humanitarian crisis in the famine-ravaged country

Xod Xodashada Jabuuti+Shakiga Xag-jirnimo+Xiritaanka Safaarada Itoobia ee Hargeysa=Guusha Ismail Cumar

Ottawa-Canada-Waxa intii ka danbeeyay xil la wareegidii xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo soo baxayay shaki soo kala dhexgalay dawlada Itoobia iyo Somaliland kaas oo salka ku haya dhawr sababood oo ay u weyn tahay xubno uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay jagooyin muhiima oo xukuumadiisa tiir dhexaad u ah.
Intaa waxa weheliya in dawladaha Itoobia,Jabuuti iyo Masar ay siyaasiyan dagaalkii u dhexeeyay ay u soo rareen Somaliland,waxa iminka muuqda miisaan aaney hore dawlada Jabuuti ugu leheyn siyaasada Somaliland,kaas oo ka dhashay ka dib markii dawlada Itoobia ay isku dayday in ay kor u qaado isticmaalkeeda dekeda Berbera si ay halkaa uga dhoofsato shidaal dhawaan dalkeeda laga soo saari doono,sida lagu xusay warbixin ay dhawaan daabacday Barta Internetka ee Oil Price.com.

Dawlada Jabuuti oo kaashaneysa dalka Masar ayaa waxa ay is tustey in sida keliya ee dib loogu mideyn karo Somalia in ay tahay in marka hore la kala dilo dawladaha Somaliland iyo Itoobia taas oo Masar ay is tustay in ay tahay sida keliya ee ay u sii ahaan karto awooda keliya ee Mandaqada ka jirta.

Wasiirka arrimaha dibada ee Masar Axmed Abu Geyd ayaa shirkii Africa ee dhawaan ka dhacay Kampala ka cadeeyay sida ay dawladiisa uga go`an tahay dib u mideynta Jamhuuriyadii Somalia dhiig kasta oo ku daata.

Dawlada Jabuuti sida ay u xejisan karto suuqeedda Dekedeed waa iyada oo xeebta Somaliyeed ay ahaato mid ka caagan degenaansho,Berbera oo laga dhoofiyo shidaal Itoobia ay leedahay waxa ay ka dhigan tahay tartan ganacsi oo geeska uga furma.

Dawlada Itoobia ayaa iminka ilo wareedyo Hargeysa ku sugan noo xaqiijiyeen in Safaaradeedii ilbaabada loo laabay,safiirkiina uuba Adis ku noqdey ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo dheg jalaq u siin waayay cabashooyin ka soo yeerayay xukuumada Itoobia.

Dawlada Itoobia ayaa walaac ka muujisay xubno ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,jebhada SSC iyo dawlada Jabuuti oo kobcineysa fikir Somaliweyn oo hoy looga sameeyo Hargeysa.

Jawaaabtii madaxweyne Siilaanyo ee cabashooyinkaasi waxa ay noqdeen in uu faro gelin u arko ka hadalka xukuumadiisa,jabhada SSC oo meleeshiyadeeda la qarameeyo,ciidamada Somaliland oo dib loo doo raro iyo safarka u horeeya ee madaxweynaha oo uu Jabuuti ku tago.

Xeeldheereyaal badan oo hore u soo jeediyay in xisbiga Kulmiye uu damac siyaasadeed ee madaxdiisa uu u nugleeyay siyaasiyiin sal fudeyd siyaasadeed dartii ay isa seejiyeen dad badan,taas oo kol walba jawaabta Kulmiyena ay aheyd dalka anaga cid nooga lexajeclo badani ma jirto.
Waxa dad badani is weydiin karaan bacdamaa xubnaha tuhunka xag-jirnimo lala beegsanayo ay ahaayeen qaar hore uga tirsanaa Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadiniga Somaliyeed(SNM) ee xiriirka dhaw la lahaa dalka Itoobia waxa iminka isbdelay,waxa jirtay in Siyaasiyiinta tuhunku galay ee hore uga tirsanaa ururkii Qaran ay hore u shaaciyeen diidmadooda ku wejehneyd faro gelintii Itoobia ee Dalka Somalia xiligii Maxkamadaha isla markaana lagu shaabadeeya in ay lahaayeen fikirkii salaadiin Somaliland ahi ku sheegeen in ay isku xukumayaan shareecada Islamka.
Waxaan iyana cadeyn in Itoobia dhibsatey hadalo ka soo yeeray Wasiirada arrimaha Guddaha iyo Maaliyada oo u muuqdey qaar muujinaya in la gaarey xiligii wax laga qaban lahaa qoxootiga sharci daroda ku jooga Somaliland iyo Ganacsi labada wadan u wada cuntama oo la abuuro.


Dawlada Jabuuti oo dhawr jeer hore u mijo xaabisay dedaalo uu damacsanaa in uu hirgeliyo Madaxweynihii hore ee Cigaal ayaa iminka u muuqata in hagardaamadii u weyneyd ay la damacsan tahay Jamhuuriyada ictiraaf doonka ah ee Somaliland,qorshuhu waa in marka hore Somaliland laga soo xiro dhabaha qura ee siyaasiyan 20ka sano u furnaa ee Itoobia,taas oo Somaliland si tos ah u hoos geyneysa Jabuuti,dhabahana u xaareysa dib u Midawga Somalia.
Jabuuti ayaa waxa arrinkan Gacan weyn ka siiyay Ganacsato xiriir soke la leh oo gacan weyna ka geeystey guushii doorasho ee xisbiga Kulmiye,isla markaana fududeeyay ka mid noqoshada xukuumada Somaliland ee xubnaha shakiga xagjirnimo laga muujiyay.

Dawlada Itoobia ayaa kadib markii ay u soo baxdey in xukuumadii UDUB aaney ku soo bexeyn doorashooyinka ayay dib u soo celisay cilaaqaadkeedii dekedeed ee Jabuuti,sidoo kale cabsida Somaliweyn qabata Somaliland taladeedana waxa ay ku keentay in jabhadahii ka soo hor jeedey ay qaarna cagta mariso qaarna la heshiiso.

Isku soo wada duuboo isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay Somaliland waxa la filayay in uu noqonayo mid dardar geliya siina anba qaada dedaaladii iyo talaabooyinkii waqtiga faraha badan qaatay ee lagu soo caano maalay 20kii sano ee u danbeeyay,waxaase iminka dhici karta in ay laalanto guushii ugu weyneyd ee ay Somaliland gaartey mudadaas taas oo ah cilaaqaadka iy lawadagto Itoobia.

Saturday, August 28, 2010

heestii awdal oo barwaaqo ah iyo JARMAL

cadaalad laga dareemayo dawlada cusub ee somaliland

waxaa muddaba dawladu ku mashquulsantay magacaabida wasiiro, maareeyayaal, agaasimaal iyo xoghayno ay ku dhamaystireyso maamulka dawladeed ee loo igmaday . iyadoo dhankalena ay dawladu iska ilaalinayso sad bursiimo beelaha dhexdooda ah , xag kalena ku dadaalaysa in maamulku noqdo mid tayo leh oo la gaadhasiiyo dhamaanba beelaha iyo degaanada soomaaliland ayaa ilaa hada inta la magacaabay la is odhan karaa dawladu waxay ku qaybisay nidaam cadalad ku dhisan . Waxaanay dawladu taageero fara badan ka heshay dhamaanba beelaha somaliland wada dega.
Posted by Picasa

Friday, August 27, 2010

35KA MAS'UUL EE LA MAGACAABAY DAWLADA SOOMAALILAND IYO QAYBTA REER AWDAL

War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu maanta soo saaray Digreetooyin uu ku Magacaabay in ka badan 35 Masu’uul oo ka mid ah madaxda Dawlada. Waxanay kala yihin sidan soo socota:
Haydaha Madaxa Banaan:

 

1. Gudoomiyaha Baanka Dhexe (Chairman of the Central Bank) Cabdi Dirir Cabdi
2. Xeer-ilaaliyaha guud (Attorney General) Xasan Axmed Adan
3. Hantidhawrka guud ee Qaranka (Auditor General) Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim
4. Xisaabiyaha Guud (Accounting General) Ibraahin Aadan Qaalib(SAMAROON)
5. Madaxa Hay’ada Sirdoonka Qaranka Xuseen Xasan Rooble (Kenyaate)
6. Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha (Civil service commission) Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil (Chairman
7. Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Axmed Cali (Sulub)
8. DG: Agaasimaha guud ee Hay’ada shaqalaha Ibraahin X. Nuur Diiriye DG(SAMAROON)
Recruitment (Xubin ka tirsan hay;adda Cabdirashiid Ducaale Qambi
Establishment (Xubin Ka tirsan Hay’adda Axmed Cabdillaahi Ibraahim
9. Maareeyaha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Maxamed Muuse Cawaale
10. Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) Jamaal Caydiid Ibraahin
11. Maareeyaha Hay’adda Korontada Xasan Cusmaan Adan
12. Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka (Raod Authority) C/waaxid C/qaadir C/raxmaan
13. Gudoomiyaha Guddida Hay’ada Dibu habaynta shuruucda Xasan Aw Aadan Cabdi
Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha Cabdi Ibraahim Cabdillaahi
14. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahin Siyaad Yoonis
15. Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir
16. Maareeye-Xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac
17. Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal
Ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise Shiine
18. Gudoomiyaha Gudiga Qandaraaska Qaranka(National Tender Board) Aadan Nugaal X. Xasan
19. Xoghayaha Fulinta ee Komishanka Aidska ee SOLNAC ( AIDS Commission) Maxed Dahir Khayre
Director of Admin & Finance C/Kariin Axmed Xinif
Director of Capacity Building Maxamed Nuur Guruje
Director of Clinic Service Sahra Adan Yaanyo
National M&E Officer Aadan Jaamac Hoori

20. Gudoomiyaha Gudiga xuquuqal Insaanka (Human Rights Commission) Aamina C/laahi Axmed
21. Gudoomiyaha Gudiga Ilaalinta Tayada(Quality control Commission) Siciid Saleebaan Mire
22. Gudoomiyaha Gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa iyo illaalinta dawlad wanaaga (National Integrity Commission) Axmed Muxumed Madar
23. Gudoomiyaha Gudiga Diwaanka Sakada(National Charity Commission) Sh. C/laahi Cali Jawhar (SAMAROON)
24. ICT Commission Cali C/laahi Daahir
25. Diaspora Agency Saleebaan Maxamed Faarax


Taliyayaasha Ciidamadda:

1. Talyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani
2. Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Ibraahin Caydiid Dhabdhable
3. Taliyaha Ciidanka Police-ka Cilmi Rooble Furre (Kabaal)( SAMAROON)
4. Ku-xigeenka Taliyaha Police Cabdiraxaam Liibaan Axmed
5. Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane)
6. Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad
7. Taliyaha Ciidanka Bada Axmed Aw Cismaan


La Taliyayaasha Madaxweynaha:

1. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
2. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gobolada Bari Fuaad Aadam Cade
3. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur
La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada Cabdi najax Siyaad Aw Cabdi
4. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Nabadgelyada Saleebaan Cumar Kujoog


DG-yada:-

1. Agaasimaha Guud Wasaarada Maaliyada Jaamac Axmed Maxamed
2. Agaasimaha Guud Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed
3. Agaasimaha Guud Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori
4. Agaasimaha Guud Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Bada iyo Maamulka Dekedaha C/raxmaan Cawil Xasan
5. Agaasimaha Guud Wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Shiriif Libaax Muuse
6. Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada Siciid Cali Wayrax
7. Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax



Wakiiladda JSL ee Dibaddaha:


1. Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Maxamed Xasan
 Waxaana la filaya in la magacaabo agaasimayaal iyo maareyayaal kale .  

Monday, August 23, 2010

WAFTI UU HOGAAMINIYO SAFIIRKA INGIRIISKA U FADHIYA ITOOBIYA OO HARGEYSA SOO GAADHAY

Hargeysa (baki)- Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti saddex Xubnood ka kooban oo uu hogaaminaayo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa.


Weftigin oo u jeedada socdaalkoodu ahaa sii adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan ee somalialnd iyo Ingiriiska iyo u kuur-gelida waxyaalaha ugu haboon ee ay iska kaashan karaan labada dhinac.


Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigan si mug leh ugu faahfaahiyey Siyaasada Xukuumada Cusub ee Horumarinta Dhinacyada Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii la mida.

Madaxweynuhu wax auu ku nuux-nuuxsaday sida ay Xukuumadiisa uga go’antahay in ay Wadamada Deriska iyo Beesha Caalamkaba kala Shaqayso Adkaynta Nabadgelyada Gobolka iyo ka hortaga Argagixsada iyo Budhcad badeeda.






Waxa uu Madaxaweynuhu weftiga u xaqiijiyey in ay Somaliland u bisishahay in ay ku talaabsato Horu-marin isla markaana ay u baahantahay in ay beesha Caalamku gacan ka siiso.

Madaxa Weftiga Ambassador Mr. Norman ling oo ay wehelinayeen Matt Woods Ku xigeenka Xog-hayaha Safaarada Ingiriiska ee Ethiopia iyo Jonathan Hargeaves oo ah madaxa DFID ee Nairobi ayaa Somaliland iyo Madaxwaynahaba ku hambalyeeyey Doorashadii dalka ka qabsoontay 26 June ee Sannadkan.


Safiirku waxa uu sheegay in ay Doorashadaasi Somaliland Mustaweheeda kor u qaaday isla markaana ay indhaha Caalamka ku soo Jeedisay, Dawladiisa iyo Midawga Yurub-na ay diyaar u yihiin in ay ka teegeeraan Somaliland Dhinacyada Horu-marka Nabad-gelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Geedi socodka Dimiquraadiyada.



ALLAA MAHAD LEH



C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

AF-hayeenka Madaxtooyada JSL

Sunday, August 22, 2010

MAXAA DADKA REER AWDAL KA HORTAAGAN KA GANACSIGA KHAYRAADKA BADDA?

Inkasta oo aanay soomaaliduba ku fiicnayn gurashada khayraadka badda iyo waxsoosaarka ayaa kuwa ugu sii daran ay yihiin dadyowga degan goboladan Awdal iyo Salal. Dadyowgan oo haysta xeebo aad u dhaadheer , dekado iyo bad ay ka buuxaan noockasta oo kaluun ah ayaan gabi ahaanba xeebahan ka madhan yihiin dhaqaaq ganacsi, doonyo iyo maaraakiib ay leeyihiin dadka meeshan degani sobobta taas keentayna ilaa hadda dadbadan way ku adagtahay.

Hadaba ma dhaqankii soomaalinimo ee soo jireenka ahaa ayaa jiidanaya dadka oo ka hortaagan badda iyo khayraadkeeda mise dadka ayaan xirfad u lahayn farsamooyinka kala duwen ee badda loogu noolyahay mise waxaa jira duruufo hortaagan ka ganacsiga khayraadka badda ?. Marka laga reebo dadka aaminsan gabaygii ahaa " Nin qudhkale waayay ayaa badaa qaawanaan gala "



waxa jirta duruufo ku xeeran oo aan dadka u saamaxayn inay badda ka ganacsadaan sida, tababar la'aan iyo dekadihii oo burbursan. Waayo , tababaro ay helaan dhalinyarada degaanadan waxa ugu dambaysay tababaradii ay bixin jirtey hay'adii (FAO) ee cuntada iyo beeraha sanadiihii 80dii magaalada Saylac halkaas oo ay ka soobixi jirteeen dhalinyaro xirfad u leh badda iyo hawlaheeda kal duwen.



Wixii ka dambeeyay burburkii dawladii militerga ahayd, dhalinyaradu maysan helin tababaro iyo wax ku gacan siiya barashada xirfadaha kala duwen ee badda sida, hababka kala gedisan ee kaluumaysiga , sameynta shabakadaha , wadida doonyaha , jilaabka iyo qalabyo wixii ay badu u baahnayd intaba taasna waxaan odhan karaa waxay yaraysay dhaqaaqa dadka ee xagga bad-galista.



Mida labaad, goboladan AWDAL iyo SALAL malaha dekado fiican oo soo jiita ganacsatada kala duwen oo maalgashi ku samaysata doonyo ama maraakiib ay kaga shaqaystaan xeebahan iyadoo dadka qaarkiina aaminsan yahay inaysan haysan suuq ay u iibgeeyaan wixii ay kasoo saaraan badda. Isku wada geeyoo, dawlada cusub ee soomaaliland iyo siyaasiyiinta goboladan waxa looga fadhiyaa in ay dib u soo nooleeyaan tababaradii badda ee la siin jirey dhalinyarada taas oo dhaliyaro badan kaga badbaadi lahaaayeen tahriibka iyo shaqo laanta baahsan ee ku habsatay gaar ahaan goboladan Awdal iyo Salal.

yaasin m. geelle

zwolle, nederland

Saturday, August 21, 2010

MADAXDA UGU DAACADSAN GEESKA AFRIKA

 

 
labaatankii sanno ee u danbeeyey waxaa usoo joognay dhowr masuul oo jago sare ka qabtay dawladda somaaliland.iyadoo ay kala siyaasad duwanaayeen hadana way kala nasiib badnaayeen wayna kala daacadsanaayeen, weyna kala xumaayeen,weyna kala dadnimo duwanaayeen,taasina waxaa kuu cadaynaysa sida ay u kala duwan yihiin labada nin ee u dambeeyey ee xilka la kala wareegay.hadaan wax yar ka faaloono nimanka ka soo jeeda beelaha gadabuursi ee labaatankii sanno ee la soo dhaafay xilalka ugu sareeya dalka ka soo qabtay waxaa ka mid ah.1-cabdiraxmaan aw cali, 2-daahir rayaale kaahin,3-cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici.




saddexdan masuul ee samaroon mid kasta taariikhda ayaa qoraysa waxa ay qabteen,markaa hadaan wax ka taabtaabto labadii nin ee hore ,cabdiraxmaan aw cali wuxuu gadabuursi u qabtay waxay ahyd markii SNM dalka soo gashay oo uu isaaq u sheegay in gadabuursi loo garaaco oo edeb loogu yeelo si inta u hadhay noloshiisa uu gadabuursi kaga cabsiiyo sidii caruurta SNM tii ayaa soo socota, gaar ahaan wuxuu dhibaato xoogleh u geystay beelihii la dagaalami jiray snm sida reer nuur,reer maxamed,bahabarceli,bahabar aaden, bahabar abokor, abreyn, bahabarmuuse,bahabarcabdale,dhegaweyne,jibraacin,xeebjire,iyo celi beelahaas oo dhan dhulka ayuu la simay isagoo istimaalaya futo nin kale.



daahir rayaale wuxuu sameeyey xataa kuwii dhintay ayaa ka ooyaya oo waxa uu sameeyey qof damiir iyo dhiig iyo diin iyo dadnimo ay jirto ma yeelo,waxyaabihii uu sameeyey waxaa ka mid ah dhulkii samaroon hidaha iyo dhaqankoodu ku qotomay ee afrikaan iska dhaafe xataa gumeystaasha reer yurub ay gadabuursi ku tixgalinayeen ayuu beelo kale inay maamulaan ogolaaday isagoo ku badashay wax yar oo afarta cisho ee uu noolyahay uun anfacaysa .isagoo madaxweyne ah ayuu ku qasbay odayadii diiday inay qaataan 13ka xildhibaan taasoo ay beesha dhexe ogolaatay in gadabuursi qaato 33 xildhibaan isaga ayaa iska hor taagey.gobolka uu ka soo jeedo wali dhagax kor ugama qaadin, waxaa laga faaiiday isku dir kaladil, isku dhufo,isku dhirbaax,jaajuusnimo,cadaawad aad u xun ayuuna dhex dhigay beelaha samaroon.



cabdiraxmaan saylici wuxuu xafiiska joogaa muddo bil ka yar iyadoo la arkayo durba sida uu tolkii ula dhaqmay ,dawlad wanaag,is ixtiraam,amniga oo la sugo ,dadka oo la walaaleeyo,awoodii gobolka oo uu wali u daayey inay kuwii shalay caayey ee gurigiisa shiidaayey ay sii fadhiyaan ,beelaha awdal ioyoselel oo iskugu mid ah inagoo ogsoon ilaa maanta in aan qof bahabarceli ah aan jago loo magacaabin inkasta oo labadii nin ee ka horeeyeyt markay xukunka koreen ay dhamaan jufadooda maamulka gobolka ay ku wareejiyeen. saylici inuu daacad yahay way inoo muuqataa ee waa in aan aad u taageero oo aan cadhada ka ilaalino hadii kale wuxuu yeeli sidii ragii hore…

labaatankii sanno ee u danbeeyey waxaa usoo joognay dhowr masuul oo jago sare ka qabtay dawladda somaaliland.iyadoo ay kala siyaasad duwanaayeen hadana way kala nasiib badnaayeen wayna kala daacadsanaayeen, weyna kala xumaayeen,weyna kala dadnimo duwanaayeen,taasina waxaa kuu cadaynaysa sida ay u kala duwan yihiin labada nin ee u dambeeyey ee xilka la kala wareegay.hadaan wax yar ka faaloono nimanka ka soo jeeda beelaha gadabuursi ee labaatankii sanno ee la soo dhaafay xilalka ugu sareeya dalka ka soo qabtay waxaa ka mid ah.1-cabdiraxmaan aw cali, 2-daahir rayaale kaahin,3-cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici.




saddexdan masuul ee samaroon mid kasta taariikhda ayaa qoraysa waxa ay qabteen,markaa hadaan wax ka taabtaabto labadii nin ee hore ,cabdiraxmaan aw cali wuxuu gadabuursi u qabtay waxay ahyd markii SNM dalka soo gashay oo uu isaaq u sheegay in gadabuursi loo garaaco oo edeb loogu yeelo si inta u hadhay noloshiisa uu gadabuursi kaga cabsiiyo sidii caruurta SNM tii ayaa soo socota, gaar ahaan wuxuu dhibaato xoogleh u geystay beelihii la dagaalami jiray snm sida reer nuur,reer maxamed,bahabarceli,bahabar aaden, bahabar abokor, abreyn, bahabarmuuse,bahabarcabdale,dhegaweyne,jibraacin,xeebjire,iyo celi beelahaas oo dhan dhulka ayuu la simay isagoo istimaalaya futo nin kale.



daahir rayaale wuxuu sameeyey xataa kuwii dhintay ayaa ka ooyaya oo waxa uu sameeyey qof damiir iyo dhiig iyo diin iyo dadnimo ay jirto ma yeelo,waxyaabihii uu sameeyey waxaa ka mid ah dhulkii samaroon hidaha iyo dhaqankoodu ku qotomay ee afrikaan iska dhaafe xataa gumeystaasha reer yurub ay gadabuursi ku tixgalinayeen ayuu beelo kale inay maamulaan ogolaaday isagoo ku badashay wax yar oo afarta cisho ee uu noolyahay uun anfacaysa .isagoo madaxweyne ah ayuu ku qasbay odayadii diiday inay qaataan 13ka xildhibaan taasoo ay beesha dhexe ogolaatay in gadabuursi qaato 33 xildhibaan isaga ayaa iska hor taagey.gobolka uu ka soo jeedo wali dhagax kor ugama qaadin, waxaa laga faaiiday isku dir kaladil, isku dhufo,isku dhirbaax,jaajuusnimo,cadaawad aad u xun ayuuna dhex dhigay beelaha samaroon.



cabdiraxmaan saylici wuxuu xafiiska joogaa muddo bil ka yar iyadoo la arkayo durba sida uu tolkii ula dhaqmay ,dawlad wanaag,is ixtiraam,amniga oo la sugo ,dadka oo la walaaleeyo,awoodii gobolka oo uu wali u daayey inay kuwii shalay caayey ee gurigiisa shiidaayey ay sii fadhiyaan ,beelaha awdal ioyoselel oo iskugu mid ah inagoo ogsoon ilaa maanta in aan qof bahabarceli ah aan jago loo magacaabin inkasta oo labadii nin ee ka horeeyeyt markay xukunka koreen ay dhamaan jufadooda maamulka gobolka ay ku wareejiyeen. saylici inuu daacad yahay way inoo muuqataa ee waa in aan aad u taageero oo aan cadhada ka ilaalino hadii kale wuxuu yeeli sidii ragii hore…
 YAXYA GUULEED
  BOORAME

Friday, August 20, 2010

videoga maanta:yaasiin oo afsoomaali ku hadlayaa

dad badan waxay aaminsan yihiin in afsoomaaligu yahay luqada aad u adag ama aan la barin karin ! taas waxaa beeniyaay wiilkan cadanka ah ee madowga iyo cadaanku iska dhaleen  magaciisana ku sheegay YAASIN

CIIDAMO DADKA U ADEEGAYA BISHA RAMADAAN

lowyacado.com)Cutubyo ka tirsan ciidamada amniga Boorama ayaa markii u horreysay muddo sannado lagu arkayey suuqyada magaalada iyaga oo sugaya amniga guud,



wakhtigan bisha barakaysan ee ramadaan suuqyada magaalada ay camireen dadweyne u badan dhallinyaro.






Ciidamada amniga oo u kala qayb sanaa kuwa xabsiyada, kuwa milatariga iyo kuwa Booliiska ayaa raxanraxan u joogay suuqyada magaalada taasoo dad badan dib usoo xusuusisay jiritaanka astaamaha maamulka dawladeed.






Dadkaasi habeenkii usoo baxa suuqyada ayaa sidoo kale isweydiinayey arrimaha dheeraadka ah ee keenay in sidan oo kale amniga guud ee magaalada loo sugo, isla markaana indhaha gaarka ah ku eegayey sawaxanka iyo buuqa kooxaha dhallinyarada ah ee marmarka qarkood looga bartay inay iyagu iska horyimaaddaan amniga magaaladana khalkhalka geliya.






Ciidamadan suuqyada gaafwareegaya ayaa sidoo kale aad ugu baahsan qaybaha magalada ee ka fog faras magaalaha, waxayba dad badani arrimahan ilaalinta amniga ee dheeradka ah xusuusisay jiritaanka Astaamihii dowladeed, halka kuwo kalena ku sifeeyeen ku lagaga hortegeyo in dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah xukuumadda cusub ee Somaliland.

Thursday, August 19, 2010

QADHQADH IYO WABERI

YAA U COD WANAAGSAN FANAANIINTAN ISKU TIMID?

TALAALKA CUDURKA KANEECADA (DUUMADA) OO LA HELAY

Saynisyahanada wadan Holland ayaa shaaca ka qaaday inay dhici karto helitaanka talaal looga hortagi karo cudurka kaneecadu keento ee loo yaqaan malaria. aqoonyahanada ku hawlan talaalkan oo xaruntoodu tahay cisbitaalka loo yaqaan umc st.Radboud ee magaalada NIJMEGEN ayaa tijaabadooda oo qoraal ah ku soo bandhigi doona wargeyska loo yaqaan The new england journal maanta oo jimce ah.waana mid aduunyadu aad u dhowrayso in wargeyskani daabaco tijaabadan oo ay ka qayb qaateen 15qof oo dhamaan caafimaad qabta.

10 ruux oo kamida 15qof ee tijaabada kaqayb gashay ayaa la qaniinsiiyay 40jeer kaneecada sida parasiteka keena xanuunka malariyada.dadkan,kahor tijaabada dhamaantood waxay qaateen daawada chloriquine oo disha parasiteka malariyada.kadib midkoodna laguma arag malario ama maysan qadin.5tii qof ee kalena waxa la qaniinsiiyay kaneeco aan ahayn mida xanuunka gudbisa.Bil kadib ayaa dhamaan 15kii ruux ee tijaabada waday marlabad la qaniinsiiyay kaniicada gudbisa xanuunka iyaga oo aan midkoodna la siin daawada ka hortaga ee chloriquine.

5 qof aya qaaday xanuunkii malaariyada, 10kii kalena ma qaadin.10ka ruux ee aan qaadin xanuunku waa kuwii qaatay chloriquineta wajigii hore ee tijaabada jidhkooduna waxa uu samaystay difaaca uu kaga hortagi karo xanuunkan isaga ah.

saynisyahanka hogaaminaayay tijaabadan oo ay la yaab ku noqotay ayaa waxa uu yidhi´dadka afrikaanka ah ee ku nool meelaha xanuunka malaariyadu ka jiro waxay ku qaadataa jidhkoodu inuu difaac samaysto 5 ilaa 10sano.

markaas faraqa u dhaxeeya afrika iyo tijaabadan lagu sameeyay NIJMEGEN waa xadaynta daawadan chloriquinetu ay xadaynayso xanuunka malaariyada dhibaatadiisa iyo awooda ay siinayso jidhka inuu difaac samaysto. waayo qofku marka uu malaariyo qaado isaga oo aan qaadan daawadan chloriquine xanuunku waa ka xoog bataan difaaca jidhkuna wuu is damiyaa. hadaba tijaabooyinkan lagu sameeyay NIJMEGEN waxay xooga saaraysaa soo saarida talaal kaneeco oo looga hortagi karo dulinka keena xanuunka malariya kaas oo laga soo saari doono ugxanta xanuunsidaha kaniicada dhaliya kadibna dadka lagu mudu doono isaga ooaan dhibaato badan u gaysanayn qofka.

Wednesday, August 18, 2010

MUSTAQBALKA DAWLADA SHEEKH SHARIIF IYO CAQABADAHA HORTAAGAN

Gudoomiyihii hore isbaahaysiga dib u xoreynta soomaaliyeed SH. SHARIIF SH. AXMAD ayaa ku soo baxay doorasho madaxweyne oo mustaqbalka soomali yeelato isaga oo kaga guulaystay 293 cod MASLAX MAXAMAD SIYAAD oo ahaa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee soomaaliya.



SHARIIFKA ayaa maanta oo bishu tahay 31.01.2008 lagu caleemo saaridoonaa magalada jabuuti oo baryahaynba ololuhu ka socday .balse suaasha qofkastaa is waydiiyaa waxay tahay, maxay kaga duwanaan doontaa dawladani kuwii ka horeyay?ama shariifku muxuu kaga duwan yahay CALI MAHDI, CABDIQAASIM, CABDILAAHI YUUSUF IYO dhamaanba wixii madax soomaliyeed sheegtay?

aan ka bilowna caqabadihii hortaagnaan jirey dawladihii ka horeeyay;

mucaaradka gudaha

dhibka ugu weynaa ee dawladkasta oo la soo dhisaa ka shaqayn wayday waxa uu aha mucaaradka dalka gudihiisa jooga oo aan marnaba ku qancin wixii la so dhiso kuwas oo kala ah ,PUNTLAND, SOMALILAND, HOGAAMIYE KOOXEEDO iyo canaasiirta muqdisho.dawladana waxaa la saadaalinaya inay wajihi doonto mucaaradkii hore iyo kuwa cusub oo dardar iyo nidaam diineed wata oo aan ku qancayn waxkale ilaa loogu dhaqmo aayadaha quraanka iyo axaadiista sida ay iyagu u macneeyeen waliba.waxaana dhici karta inay dawladan cusub wiiqaan dagaalo ku salaysan dariiqooyi iyo firqofirqo diineed.



beesha caalamka iyo itoobiya

beesha caalamku dawladihi hore ee soomaaliya loo dhisay qaarna way la shaqeeyeen qaarna lama aanay shaqayn tusaale ,dawladii CARTA EE CABDIQAASIM beesha caalamku way ka hortimid halka dawladii CABDILAAHI YUUSUF ay ciidan iyo lacagba siiyeen.hadaba dawladan sh.SHARIIF oo lagu tuhmayo inay tahay dawlada culimo hogaanka u hayso ayaan waxbadan laga filayn beesha caalamka inay laqabato dawladan iyada oo taageerada caalamku ku xidhnaan doonto kolba sida uu shariifku iskaga fogeeyo ALSHABAB oo lagu tuhmayo inay gacansaar la leeyihiin SHABAKADA AL-QAACIDA. taasna waa mid u taal dawlada cusub



dhaqaalaha



dhaqaala xumo waa mida sadexaad ee wiiqday dawladihii tan ka hore. dhaqaaluhu inta badan waxa uu ka yimaadaa dawladaha reer galbeedka iyo dawlada yar oo caraba laakiin taas marwalba waxay ku xiran tahay xaalad ,taas oo ah fulinta barnaamijyada ay kaa rabaan dawladaha dhaqaalaha bixinayaa .waxaa laga yaabaa in dawlada SHARIIFKU dhaqaala yar oo kooban ka hesho dawladu yar oo caraba laakiin dawladaha reer galbeedku marwalba waxay ku xiraan doontaa shuruudo iyo imtaxaano la soo hordhigi doono dawlada cusub waana la eegi doonaa inay ku dhacdo iyo in kale.

hadaba isku wada geeyoo shariifka iyo dawladiisu ma yihiin kuwo ka dabaalan kara intaas oo mushkaladood ee aan soo sheegnay mise waxaan sugnaa bilowga isreereebka dagaalo dariiqo diineed ku salaysan oo ay isla galaan alshabaab , sune wa jameeca ,akhwan muslimiin,mujaahidiinta raaskaambooni,ehlu suufi iyo magac iman doonta.



Yassin M. Geele

Hardenberg, Holland

BOQORADA DALKA HOLLAND OO LA WEERARAY DUHUR CAD

Boqorada wadankan holland, BEATREX WILHELMINA ayaa lagu weeraray baabuur magaalada APELDOORN 30kii bishan abril mar ay boqoradu ka qaybgalaysay dabaaldeg loo sameeyo xuska maalinkii ay la wareegtay xilka boqortooyo ee wadankan.

Boqoradan oo mudaba ahayd haweenay dad badan la dhacsan yihiin ayaa waxa jacaylkaas suaal galey nin magaciisa lagu sheegay KARST TATES markii uu boqorada ku weerarey baabuur xaweere sare ku socda halkaasna uu ku galaaftay 6ruux iyo isagii. ninka weerarka gaystay oo ay ku adkaatay inuu kirada gurigiisa iska bixiyo ka dibmarkii laga fadhiisiyay shaqadii, ayaa lagu sheegay dadiisa 38jir hollandis ah.



Arinkan oo amarkaag iyo layaab ku noqday dad badan oo hoollandis ah ayaan hadana dhanka kale, indhaha laga qarsan karin sida ay isku soo tarayso nacayb iyo xumaan ka dhalatay shaqo laaan iyo dhaqaalaha oo xumaaday.

dhaqaala ahaan boqortooyada waxa ku baxa lacag gaaraysay ilaa 29.7 milyan oo ay ku kala bixiyaan 5.6 milyan oo ku baxda boqorada iyo wiilka dhaxalka boqortooyada leh ee WILLEM-ALEXANDER, 22.6 oo ku baxda xafladaha iyo bandhig faneedyada iyo casha sharafeedyada la sameeyo marka xaflado jiraan ,71.7 ayaa ku baxda guriga boqortooyada kaligiis lacagtaas oo keentay in suaalo badan la iska waydiiyo mudooyinkan danbe.gabagabadii, ninkasta oo cuna ama ku raaxaysta xoola aanu lahayn maalin ayuu la kulmayaa wax aanu ka raali ka ahayn.



Taasina waxay cashar u tahay madaxda soomaaliyeed ee ku tagri fasha cashuurta iyo xoolaha ummada laga qaado .



Yassin Maydhane

ENG. CABDIRAXMAAN (SAYLICI) OO HANTAY MASKAXDA IYO TAAGEERADA BEELAHA SAMAROON

Muddo waxa lagu muransanaa inta ay leeg tahay taageerada uu xisbiga kulmiye ka haysto gobolada Awdal iyo Salal iyo dhamaanba beelaha Samaroon taasi oo culeyska weyni uga imanayay madaxweynaha maanta jooga xafiiska oo ka soo jeeda beeshan iyo gobolkan . dad badana ay ku adkayd inay fahmaan barnaamijka xisbiga kulmiye .



Hadaba maxaa keenay in beesha iyo gobolkuba dhamaan mar kaliya u jeestaan xagaa iyo xisbiga kulmiye? waxaynu ku soo koobaynaa laba sabobood inay soo dedejisey taageerada loo hayo xisbigan iyo Eng.Cabdiraxmaan laftiisa.



Ummad isbedel doona oo degaanadan ku nool iyo hogaamiye daacadnimo, karti iyo wanaag ka muuqdo ayaa la is odhan karaa xisbiga way u soo jiiday beesha.



Beelaha ku dhaqan goboladan Awdal iyo Salal oo ah umad dimuquraadi ah asal ahaan , ka hufan qabyaalad-wax-ku-doorasho, ninjeclaysi. umad u haraadan hogaamiye ka turjuma baahidooda, dadyowgan ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal oo aad odhan karto waxay aad uga maskax iyo aqli. furan yihiin umadaha kale ee gobolada ama deganada Somaliland la degan taasna ay u keentay sida la aaminsan yahay waxbarashada ay culayska saareen. Hadaba fahankaas dheeraad ka waxa uu u keenay in reer Awdal/Salal inay dhegaystaan fikradaha kale ee ka duwan kuwii hore kuwaasi oo ay wataan hogaamiye-yaasha xisbiga kulmiye.



Umadu waxay doorataa barnaamij siyaasadeed oo ka turjuma baahideeda Dhaqaale , Degaameed, Waxbarasho iyo guud ahaanba waxyaabaha aasaasiga nolosha u ah. Suaalaha ay dadkan is weydiiyeen ayaa ahaa xisbigii UDUB ma ka haynaa intaas mudadii ay joogeen? Jawaabta u soo baxdayna waa MAYA. Mida labaad Xisbigan udub oo dadyowga ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal ay u haysteen in ay wax ka leeyihiin mar hadii UDUB imika Daaher Riyaale hogaamiye u yahay in uu noqdo mid dabooli doona baahidooda siyaasadeed taasina ay waji gabax ku noqotay dadkii sidaasi ku taageersanaa.



Sobobta labaad ee xisbiga kulmiye u jiiday beelaha gobolada Awdal/Salal waxay noqon kartaa hogaamiyeyaasha gobolkan ugu jira ololaha doorasha oo ah kuwo aad uga firfircoon , daacadsan kana hawlkarsan marka la barbar dhigo kuwa ololaha ugu jiraa xisbiyada kale ee UDUB ama UCID.



Waxaynu ka xusi karaa Musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye Eng. C/raxmaan Saylici oo ah nin aad u firfircoon, sumcad faro badana ku leh degaanadan iyo dadka ku dhaqan wuxuu awood u helay inuu umadan ku qanciyo barnaamijka xisbigiisa kulmiye iyo sida ay uga go’an tahay horumar iyo barwaaqo uu gaarsiiyo gobolkan iyo guud ahaan ba Somaliland.



Eng.Saylici waa nin bulshada reer Awdal/Salal aamini karaan waayo? Eng.Saylici waxa muddo aad u badan ku noolaa kana shaqeynayay goboladan hadii ay noqoto xag bulsho iyo xag siyaasadeedba, Eng.Saylici waa nin ay aamini karaan dadka reer Awdal/Salal waxqabadkiisa iyo kartidiisa oo mudo hore ayay tijaabiyeen.



Eng.Saylici waa hogaamiye ka hufan qabyaalad iyo nin jeclaysi waa nin ay umadu u siman tahay. waa hogaamiye dhegaysta dayarta iyo duqaydaba…… Waa nin dadka reer Awdal/Salal ku dooran karaan barnaamijkiisa iyo shaqadiisa qof ahaaneed ee dhisme iyo dhaliil la’aan.



Eng.Saylici waa nin u dhuun daloola baahida gobolka iyo dadkaba taasina waxay u keentay injineerka taageero aan loo kala hadhin oo uga timaada gobolka iyo dadkiisaba.



Isku soo wada geeyoo Arrimahaas aan korku soo xusnay waxay xisbigan kulmiye u keentay taageerayaal fara badan oo uga yimaada beel weynta Samaroon iyo guud ahaan ba Somaliland oo dhan .

MADAXWEYNE SIIILAANYO OO MAGACAABAY GUDDI

LOWYACADO.COM in NewsMadaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu magacaabay Guddi ka soo tala bixisa Su’aasha Gobolada Bari, Waxaanu madaxwaynuhu Guddidaasi uu Magacaabay

faray in ay ka soo talo bixiyaan soona qiimeeyan, isla markaana soo darsan Duruufaha ka taagan iyo qorshe Nabadeedkii lagu Xalin lahaa Aaga Bariga ee Gobolada Sool iyo Sanaag Bari.



Xubnaha Guddidan Madaxwaynuhu uu magacaabay waxa uu Gudoomiye uga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane: Dr: Maxamed Cabdi Gaboose.



Waxanay kala yihiin Xubnaha Guddidu : -



1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose



2. Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhiga

Mudane: Axmed X. Cali Cadami



3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada

Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi



4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska

Mudane: Cabdirisaaq Khaliif Axmed



5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane: Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed



6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane: Cismaan Garaad Soofe



7. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda

Mudane: Baashe Maxamed Faarax iyo



8. Mudane: Fu’aad Aadan Cadde

Tuesday, August 17, 2010

Monday, August 16, 2010

SHIRWEYNAHA BEELAHA SAMAROON EE DEN HAAG

SHIRWEYNAHA BEELAHA SAMAROON EE  DEN HAAG



Shirweyne aad loo agaasimay oo ay isku yimaadeen beelaha samaroon maalintii sabtidii ee bishan August 7, 2010 ka dhacay magaalada DEN HAAG ee carligan Holland ayaa beeshu ku lafo gurtey qodobo dhawr ah .Qodobadas oo aad u badnaa aadna muhiim u aha ayaa markii dambe beeshu isku raacday



taageerada shirarkii TOLKA ee CANADA IYO shirkii ARDAA ee london, iyo balaadhinta , taageerada iyo ka qaybgalka shirarkaas.

Waxaa kale oo ka qaybgalayaashu isku raaceen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen,ka qaybgalka horumarinta gobolada iyo degaanada kala duwan ee beeeshu degto.in la joogteeyo kulan ka beesha oo bishii ama sanadkii mar la qabto iyo in guddi la magaacaabo ka shaqaysa isku xidhnaanta iyo waxwada qabsiga beesha oo mudadan ay naafeeyeen arimo siyaasadeed oo ka socday wadanka gudihiisa .



gebogebadii waxa la doortay guddi ku meel gaar ah iyadoo la gu balamay in shirkan kiisa xiga la qaban doono ramadaan ka dib. Halkaas oo lagu dhisi doono xubno firfircoon oo u hawlgali doona mideynta muruqa iyo maskaxda beesha oo aan muddo shirar iskugu iman, ay kaga tashanayso ama ka hadlayso arimaheeda gaarka ah .

waayo taariikh ahaan , shir samaroon u dhan yahay waxa ugu dambaysay sanadihii 1988 shirkii QULJEED oo lagaa hadlay nabadgelyada gobolka iyo difaaca dhulka hooyo marka laga reebo shirar kala goongooni ah oo jufooyinku qabsadaan .