Tuesday, December 14, 2010

caruurta halaga ilaasho baaruuda :vuurwerk 2010



Sida aynu ognahay waxaa sii dhamaanaya sanadkii 2010. waxana wadamadan reer galbeedka iyo caalamka intiisa badan laga ciida labo ciidood oo kala ah chrismas iyo sanadka cusub. dad badan waxay soo gataan oo qarxiyaan ama shidaan barood kala nooc ah. baaruudaas waa farxad waana khatar. sanad walba baaruudaas waxay dhibaato u gaysataa dad faro badan waxaana waajib ah in qofku ogaado ama barto sida loo shido.

baaruuddu xagay ka timid?

dadka shiinaha ayaa baaruudan isticmaali jirey muddo laga joogo 2000 sano. waxay aaminsanaayeen inay jirto ruux ama nafo cadhaysan oo hawada ku jirta markaa si ay uga baxsado qaraxa baaruudo samaynayso ayay u isticmaali jireen . inkasta oo baaruudu samayso midabyo kala duwan oo ay qurxiso hawada haddana waxaa dhibka keenay waa qaraxa xoogan oo dhib ku haya dad faro badan.

waa maxay sharciga ka yaala wadankan holland baaruuda?

qofkasta oo dadiisu tahay 16 sano waa uu iibsan karaa baaruud taas oo la ogolyahay marka ay bishu tahay 29, 30, iyo 31 ka december. waliba waa in baaruudani tahay mid sharciga waa faqsan , tusaale waa in ay baaruudan ku qoran tahay sida loo isticmaalo oo afkan nederlaadiska ah. waxaana qarxiska baaruuda la bilaabi karaa 31ka december 10 subaxnimi ilaa 2da habeenimo .

baaruudan oo dhibaato faro badan ku haysa dad iyo duunyaba waa in caruurta iyo dadku ka digtoonaadaan baaruudo qarxiskeeda kaas oo dhibaatooyin ku keena kara . halka ka eeg dhibka ay gaysan karto baaruudu





No comments:

Post a Comment