Tuesday, August 31, 2010

kulanka Daahir iyo Meles sanawi iyo shakiga dawlada Siilaanyo

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay kulanka Magaalada Addis ababa ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland


Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo wax laga weydiiyay kulanka Addis ababa ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya waxay kala socdaan wuxuu yidhi “Waxaanu ka maqalay Saxaafadda in Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan xukuumadiisii ay ku sugan yihiin Addis ababa, laakiin arrintaasi waa arrin iyaga u gaar ah haddii ay booqasho ku marayaan Itoobiya. Hawlo xukuumaddan ay kaga wakiil yihiin oo ay u hayaana ma jirto. Laakiin waa muwaadiniin xor ah oo mari kara dalalka jaarka. Laakiin arrin aanu isku ognahay ma jirto. Anagu waxaanu rajaynaynaa in Madaxweynihii hore ee Somaliland waa nin masuul ah oo dalkan xil illaa Madaxweyne ka hayay. Waxaanu filaynaa haddii uu fursad u helo inuu masuuliyiin kale oo wadamo aynu jaar nahay ama kuwo kale uu la kulmo inuu kollayba danaha qaranka wax waxtar u leh kala hadlayo oo ku saabsan sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka labada geesood.”
“Waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya in mad madow soo galay warkaasi wuxuu ka imanayay ilo-wareedyo aan rasmi ahayn. Warkani kama uu soo bixin dawlada Itoobiya iyo Somaliland-ba. Labada dawladoodba arrintan way ka hadleen oo way beeniyeen. Waxa jiray warar qolooyin isku sheegayay inay warbixino ka soo saaraan arrimaha Somaliland iyo Geeska Afrikaba oo meel loogu hagaago iyo cidday yihiin aanay jirin ayaa warkaasi keenay. Warkaasi war jirra ma aha xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya halkiisii iyo meel ka sii wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanay labada geesoodba diyaar u yihiin inay sii balaadhiyaan xidhiidhkaasi,”ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu sii xumaanayo.
Wasiirka oo saaka u waramayay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, waxa la weydiiyay in arrinta Kaybalka isgaadhsiinta ee badda hoostiisa la marinayo ay ka dambeeyaan dawlado shisheeye waxaanu isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ma jiraan dawlado kale oo ku lug leh arrinta kaybalka isgaadhsiinta badda hoosteeda la marinayo ee Somaliland laga hirgalinayo, ganacsigu sidiisaba waa xor Somaliland waxaanay dawladeenu ku dhaqantaa Ganacsiga suuqa xorta ah, oo Ganacsatadu ay suuqa dhexdiisa ku dhex tartanto. Arrintan kaybalka waxa u taallaa ganacsatada iyo dawlada Somaliland.”

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete