Sunday, October 31, 2010

yaan la iloobin saacaddii la amaahday xaggaagii!

maanta oo Axad ah bishuna tahay 31 oktoober 2010 ayaa wakhtigii jilaalku ka bilaami doonaa dhamaanba wadamadan yurub guud ahaan .Sida la ogyahay wakhtigaas waxa uu isbadal ku ridi doonaa saacadaha kuyaal computerada iyo dhamaanba meelaha aynu wakhtiyada kala socono. haddaba 3da galabnimo ee maanta oo axada ayaa saacadaha dib loo soo celi doonaa hal saac tusaale.marka ay 3dii galabnimo tahay sacadaadu ayad waxad ku soo celin doontaa 2dii galabnimo. Wakhtigan jiilaalka oo ka bilaabanaya maanta ayaa socon doona ilaa iyo 5bilood. waxaana la filayaa inuu wakhtigan ku dhamaan doono bisha MAARSO Axadda ugu dambaysa sanadka 2011ka markaas oo aynu marlabad saacad ku darsan doono wakhtigeenii caadiga ahaa. haddaba siaynu ugu habsaamin shaqooyinkeena , iskuuladda , meheradeheena waa in aynu xasuuusnaano goorsheegta dhudhunkeena iyo derbiyadda sudhan . berrito oo maalin isniina ah ayaa wakhtigan jiilaalku dhaqan gali doonaa .

No comments:

Post a Comment