Monday, August 23, 2010

WAFTI UU HOGAAMINIYO SAFIIRKA INGIRIISKA U FADHIYA ITOOBIYA OO HARGEYSA SOO GAADHAY

Hargeysa (baki)- Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti saddex Xubnood ka kooban oo uu hogaaminaayo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa.


Weftigin oo u jeedada socdaalkoodu ahaa sii adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan ee somalialnd iyo Ingiriiska iyo u kuur-gelida waxyaalaha ugu haboon ee ay iska kaashan karaan labada dhinac.


Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigan si mug leh ugu faahfaahiyey Siyaasada Xukuumada Cusub ee Horumarinta Dhinacyada Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii la mida.

Madaxweynuhu wax auu ku nuux-nuuxsaday sida ay Xukuumadiisa uga go’antahay in ay Wadamada Deriska iyo Beesha Caalamkaba kala Shaqayso Adkaynta Nabadgelyada Gobolka iyo ka hortaga Argagixsada iyo Budhcad badeeda.






Waxa uu Madaxaweynuhu weftiga u xaqiijiyey in ay Somaliland u bisishahay in ay ku talaabsato Horu-marin isla markaana ay u baahantahay in ay beesha Caalamku gacan ka siiso.

Madaxa Weftiga Ambassador Mr. Norman ling oo ay wehelinayeen Matt Woods Ku xigeenka Xog-hayaha Safaarada Ingiriiska ee Ethiopia iyo Jonathan Hargeaves oo ah madaxa DFID ee Nairobi ayaa Somaliland iyo Madaxwaynahaba ku hambalyeeyey Doorashadii dalka ka qabsoontay 26 June ee Sannadkan.


Safiirku waxa uu sheegay in ay Doorashadaasi Somaliland Mustaweheeda kor u qaaday isla markaana ay indhaha Caalamka ku soo Jeedisay, Dawladiisa iyo Midawga Yurub-na ay diyaar u yihiin in ay ka teegeeraan Somaliland Dhinacyada Horu-marka Nabad-gelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Geedi socodka Dimiquraadiyada.



ALLAA MAHAD LEH



C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

AF-hayeenka Madaxtooyada JSL

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete