Wednesday, October 27, 2010

Cabdiraxman Cabdishakur oo is casilay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Guddoominaya Wasiirrada Carabta
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuu is casilay.
Iscasilaaddani waxay ku soo beegantay maaliin uun ka dib markii 3 Wasiir oo kale ay xilalkoodii iska casileen.
Maxamed Cabdullaahi Omaar, oo hadda ka hor soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda, kana soo jeeda qoys caan ah oo ladan, ayaa shalay is casilay.
Yusuf Siyaad Indhacadde, oo ah ninka ugu magaca weyn ee mucaaradka ka soo galay, isla markaana hawlaha militeriga ee Maxkamadihii, muqaawamadii iyo dowladdamba meel muuqata uga jiray, ayaa isaguna iska casilay Wasiiru Dowlaha Difaaca.
Xasan Macallin, oo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, laguna tiriyo ragga ugu dhow dhow Shiikh Shariif ee xogta iyo taladaba la wadaaga, ayaa isaguna shalay is casilay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiinta ugu sarreeyay Isbahaysiga ARS, ee ay ka soo jeedaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku.
Wuxuuna ahaa mas'uulkii ARS u hoggaaminayay wadaxaajoodkii ay la galeen dowladda TFG.
Markii wadahadalka la soo gebagebeeyay Cabdiraxmaan waxaa uu gacan saar siyaasadeed oo dhow uu la lahaa Ra'iisal Wasaaraha, Cumar Cabdirashiid.
Intii uu xilka hayay Cabdiraxmaan waxaa uu dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiskii qabyada ahaa (ka dibna la diiday) ee ay dowladda Soomaaliya la gashay Kenya.
Arrintaas waxaa dhaliil badan ugu soo jeediyay dad badan oo Soomaaliyeed, taas oo keentay in fagaare lagu soo dhoweynayay Raiisal Wasaaraha Soomaaliya oo London yimid, uu Wasiirku ka sheego in amarka heshiiska lagu saxiixay uu bixiyay Ra'iisal Wasaaruhu.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu masraxa siyaasadda ka soo muuqday markii ciidammada Ethiopia ay Soomaaliya galeen, wuxuuna ka mid ahaa dadkii bannaanbaxyada looga soo horjeedo tallabadaas ka abaabuli jiray London oo uu markaa degganaa.
Mansab siyaasadeed oo aan Soomaalida waayadan soo marin ayaa uu magaca Soomaaliya ku matalayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka dib markii uu shir Guddoomiye ka noqday Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta.
Cabdiraxmaan waxaa uu wax ku soo bartay dalalka Sudan iyo Malaysia.

No comments:

Post a Comment