'Bin Laden zit in Pakistan'
(lowyacado.com) - Osama binu laden , hogaamiyaha ururka argagixisada ee ALQACIDA,ayaa lagu sheegay in uu ku nool yahay waqooyi-galbeed ee pakistan. Isaga iyo ku xigeenkiisa labaad ee, Ayman al-Zawahiri,ayaa ku kala nool yihiin laba guri  oo aan sidaa u kala fogeyn sida uu cadeeyay wariye ka tirsan wakaalada wararka ee CNN oo ka soo xigtay warar qarsoodi ah ka soo baxay URURKA NATO.
Bin Laden iyo Al-Zawahiri ayaa ku kala nool guryo caadi ah oo aan ahayn godad. Labadan nin ayaa sanadahan ugu dambeeyay digo rogashadoodo badnayd iyaga oo ka soo guurey meel aan sidaa uga fogayn uga soo guurey meesha ay hada degan yihiin.
Sida uu wariyuhu ku doodayo labadan nin ayaa aad ugu kalsoon ilaalada dadka degaanka degan iyo sirdoonka wadanka PAKISTAN oo la shaqeeya,taas oo dawlada paakistaan dhowr jeer iska fogeysay eedayntaas loo soo jeediyay.