Wednesday, October 27, 2010

dood ku aadan somaliya iyo somaliland

Holland 25.Okt.20010: Hayáda lagu magacaabo Lux Global oo ku taala magaalada Nijmegen ee waddanka Holland ayaa waxa ka dhacay fiidnimadii Isniinta ee shalay dood loogu talo galey in lagu falanqeeyo faraqa u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Barnaamijkan qabashadiisa waxa ka wada shaqeeyay ama iska kaashadey ururka SDO(Somaliland Development Organisation) iyo Lux Global oo ah goob caalami ah oo lagu soo bandhigo barnaamijyada doodaha ee khuseeya dunida, filimada iyo dhaqanada kala duwan. Ujeeddada laga lahaa qabashada barnaamijka ayaa waxay aheyd in lagu falanqeeyo faraqa u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta aanay waxba isugu jirin. Barnaamijkana waxa marti u ahaa:
- Mudane Maxamed Yoonis Cawaale (Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga
- Sjoera Dikkers oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Dowladda Holland
- Cabdi Cabdillahi oo ah Guddoomiyaha Ururka SSE oo ah dallad ay ku bahoobeen ururada reer Somaliland ee Yurub
- Andrew Swan oo ka socdey hayáda UNPO
- Dorothé Appels oo ah Agaasimaha hayáda COS oo ah hayád caalami ah.
Habsami socodka barnaamijka waxa daadihinayay Rik Delhaas oo ah qoraa iyo suxufi isla markaana ah qoraaga buugga magiciisu ahaa Pechvogelsen gelukzoekers,leven in de Afrikaanse stad. Ugu horreyntiiba waxa uu ku soo dhoweeyay Anneleen Tilburgh oo ah taariikhyahan. Waxay si faahfaahsan uga warbixisay taariikhda dalka Soomaaliyeed iyo marxaladihii uu soo maray iyo xaaladda uu maanta waddanku ku suganayahay ee ah nabadgalyo iyo xasilooni la’aanta ka jirta. Sidoo kale waxay ku soo bandhigtay goobta sawwiro naxdin leh oo muujinaya dhibka haysata dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo ah wakhti aan ka yareyn labaatan sanno. Intaa ka dib waxay ka warbixisay Somaliland iyo heerarka ay soo martay. Xasiloonida iyo nabadgelyada ka jirta iyo weliba doorashooyinka ka hirgalay. Ugu dambeyntii waxay gunaanad ku muujisay in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin labo meelood oo ku kala sugan duruufo iyo xaalado kala duwan.

Intaa ka dib waxa lagu soo dhoweeyay madasha mudane Maxamed Yoonis Cawaale oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga. Wasiirku wuxuu si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda Somaliland iyo inay hore u aheyd dowlad gaara, ka dib markii ay xorriyada ka qaadatay dowladda Ingiriiska sannadkii 1960kii, 26 Juun. Sidii ay Soomaliya ugu biirtay iyo qaabkii loogu hungoobay iyo wakhtigii adkaa ee dadka Somaliland ay la kulmeen intii ay ku jireen midnimada ayuu wasiirku si faahfaahsan madasha uga warramay. Somaliland iyo waxyaabaha ku kalifay inay ka noqoto midnimadii, halka uu waddanku marayo ilaa hadda iyo weliba waxyaabaha uu waddanku gaadhay iyo waxa uu mustaqbalka higsanyo ayuu sidoo kale ka warbixiyay. Intaa ka dib su’aalo aan tiro yareyn ayaa wasiirka la weydiiyay, kuwaasoo taabanayay mawduucyo tiro badan isla markaana su’aalaha qaar ay ka imanayeen dad ka socdey ururo Soomaaliyeed iyo Puntland. Wasiirku si faahfaahsan ayuu su’aalaha uga jawaabay, taasoo ay ku dheehnayd xirfad iyo aqoon.
Qaybtii labaad ee barnaamijka waxa lagu soo dhoweeyay Andrew Swan oo ka socdey hay’ada UNPO iyo Sjoera Dikkers oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Holland. Andrew waxa uu sheegay in Somaliland ay xubin ka tahay hay’ada UNPO isla markaana ay u arkaan inay Somaliland tahay goob xasilan oo gaadhay waxyaabo badan oo horumar ah oo ay u dambeysay doorashooyinka si nabadgelyo ah uga dhacay isla markaana caalamku ay tahay inay fiiro gaar ah u yeeshaan. Xildhibaanka ayaa iyaduna taabatay siyaasada guud ee dowladad Holland eek u wajahan gobbolka geeska Afrika iyo inay jeclaan lahaayeen inay arkaan gobbol nabad ah. Sidoo kale waxay ka hadashay doorka iyo kaalinta dumarka iyo in loo baahanyahay in doorkooda la siiyo, taasoo wasiirku uu xusay in Golaha wasiirada ee Somaliland ay ku jiraan saddex dumar ah oo ah markii ugu horreysay taariikhda Somaliland haween intaa leeg oo soo gala Golaha Wasiiradda. Xildhibaanka ayaa iyaduna ugu jawaabtay in dowladda Nederland lafteeda ay saddex dumar ahi ku jiraan golaha wasiirada.
Qaybtii ugu dambeysay kulanka waxa lagu soo dhoweeyay Cabdi Cabdillahi Jibriil oo ah guddoomiyaha ururka SSE iyo Dorothé Appels oo iyaguna ka warbixiyay kaalinta ururada samofalka. Guddoomiyaha ayaa si gaara uga hadlay kaalinta qorbo jooga Somaliland iyo sida ay gacan uga geystaan dhinacyada kala duwan ee horumarka dalka. Sida ay lagama maarmaan u tahay in qurbo joogu ku xidhnaado dalka Somaliland iyo sida ay lagama maarmaan u tahay isku xidhnaanta iyo isku duubnida qurbo joogg. Sidoo kale waxa uu xusay in sidoo kale ururada reer Somaliland ay yihiin qaar ku wajahan muujinta qaranimada iyo jiritaanka dalka iyo dadka reer Somaliland.Waxa kale oo uu si kooban uga hadlay taariikhda ururka oo maanta ay xubno ka yihiin 45 urur oo ku baahsan 10 waddan oo Yurub ah. Dorothé Appels ayaa iyaduna si qoto dheer uga hadashay kaalinta mahuraanka ah ee ururada kaalmada caawimadu ay kaga jiraan Soomaaliya iyo Somaliland. Waxay ka warbixisay xaaladaha kala duwan ee hay’adahaasi ay la kulmaan marka ay ku shaqaynayaan deeggaano kala duwan marka laga eegayo dhinacyada nabadgelyada iyo xasiloonida. Ugu dambeyntii waxay xustay in Somliland ay tahay tusaale fiican oo Soomaaliyada kale ay wax ka baran karaan. Kulanku waxa uu ku dhacay jawi fiican, waxaana ka soo qayb galey hay’ado iyo dad tiro badan oo aad u xiiseeyay kulankan oo run ahaantii ahaa mid si cilmiyaysan loo soo abaabulay.
Faahfaahinta kulanka waxa lagu soo gudbin doonaa warbixin tifaftiran.
Fatma Ali

No comments:

Post a Comment