Thursday, October 28, 2010

madaxweyne ku xigeenka somaliland cabdiraxmaan cabdilaahi saylici oo furey terminal cusub

Berbera-(lowga)-Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici], ayaa gaadhay magaalada Berbera ee xaruunta Gobolka Saaxil.

Weftigan oo u jeedadiisa lagu sheegay inuu xadhiga ka jaro dhismayaal dayactir lagu sameeyey oo ka mid ah madaarka caalamiga ah ee diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Berbera, waxa ku wehelinayey Wasiirada Warfaafinta Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Aamina X Maxamuud Jire [Aamina Waris].

Markii uu weftigu gaadhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera waxa uu xadhiga ka jaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Terminalka labaad ee garoonka diyaaradaha ee ay dadku ka dhoofaan oo isagu dunsanaa tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday.

Md Saylici oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta furo Terminalka labaad ee madaarka Berbera, isagoo ugu mahadceliyey Wasiirka Duulista iyo Hawada oo uu sheegay inuu aad ugu dadaalay sidii u furi lahaa Terminalkan oo aad ay ugu baahnaayeen dadka madaarkaas ka dhoofa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici], ayaa waxa kale oo sheegay in xukumada cusub ee Somaliland ay soo bandhigi doonto wax qabadkeeda marka ay dhammaadaan 100 cisho ee ay qabsatay, wakhtigii ay xilka dalka la wareegtay.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in markii uu arkay dadka ka dhoofa madaarka Berbera oo isku meel kaliya wada maraya uu go’aansaday inuu dayactiro Terminaalka labaad ee ay adeegsadaan dadka ka dhoofaya madaarka, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu furitaanka terminalkani uu ka mid ahaa siyaasada xukumada cusub, maadaama oo xidhnaa mudo ku siman 20 sannadood.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], iyo Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamuud Jire [Aamina Waris].

Intaas ka dib waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu xadhiga ka Terminalka labaad ee madaarka Berbera. Sidoo kale waxa uu Md Saylici furay Tower weyn oo isgaadhsiineed oo laga hirgaliyey gudaha dakeda Berbera, kaasoo lagu ogaandoono wixii maraakiib ama doonyo ah ee soo gala biyaha Somaliland iyagoo meel aad u durugsan mar

No comments:

Post a Comment