Sunday, January 9, 2011

Siyaasiyada Gabrielle Giffords ayaa madaxa laga toogtay


Gabrielle Giffords oo ka tirsan Aqalka Kongareska Mareykanka ayaa xaalad khatar ah u jirta, ka dib markii madaxa laga toogtay iyadoo joogtay munsaasabad ay dad kula hadleysay gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.
Ugu yaraan shan qof oo kale oo ay ku jirto gabar sagaal jir ah ayaa la dilay mar ay haweyneydan oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ee madaxweyne Obama ay kula kulmeysay dad degan deegaanka laga soo doortay goob ganacsi.
Dad goob joog ah ayaa sheegay in nin sitay qori daran doori u dhaca uu xabado furay, haddana ninkaasi uu ku jiro gacanta boliiska.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uusan aqoonin sababta keentay toogashadaasi, waxuuna ku tilmaamay toogashadaasi in tahay arrin murugo u ah dalka oo dhan.

No comments:

Post a Comment