Monday, July 11, 2011

SHIRKA BEELAHA BAHABER CELI (MAXAMED CASE) EE YURUB

                       



Shir aad u balaadhan , oo ay ka soo qayb galeen bulshoweynta ku abtirsada beesha ugu faca iyo taariikhda weyn gobolada awdal iyo salal ee  Bahaber Celi ee ku dhaqan wadamada Netherland, belgium iyo Sweden ayaa maalintii shaley ee 9kii july 2011 shir ku  qabsaday magaalada Amersfoort ee wadanka boqortooyada  Nederland. Shirkan oo nuxurkiisu ahaa wadashi xaga arimaha dhaqaalaha , siyaasada, joogtaynta isku xidhnaanta beesha dibadda iyo guddaha, iyo ansixinta guddi hawlwadeena oo beeshu yeelato ayaa ku bilaamay warbixino dhaadheer oo  ku saabsan xaga waxbarasha , siyaasada, dhaqaalaha iyo  xogwareysiyo xaalada guud ee  degaanada beeshu ay degto. 

Barnaamijka shirka oo ay hagayeen indheergaradyo kala duwan oo beesha ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa caaqil Muuse Ducaale oo ka hadlay taariikhda guud ee beelaha bahaber celi ay ku leedahay degaanada somaalida iyo caalamkaba isaga oo tilmaamay inay magacaa weyn iyo taariikhdaas bahaberceli ay ku gaadhay wadatashi , isku xidhnaan iyo siyaasad wanaag ay kula dhaqanto beelaha kale ee markaas walalahood ah dadkii ka soo qaybgalayna ku booriyay inay tusaalahaas qaataan. Waxa kale oo shirka ka hadlay madaxa hay'ada ADO(awdal development organisation), Xasan Giire oo ka hadlay xaalada guud ee degaanada beesha si ay tahay waxbarasha, biyaha , ururada samafalka ee ka hawlgala degaanada, iyo guubaabo aad u qiiro badnayd oo uu  kaga hadlay macnaha weyn ee ay 

ledahay walaaltinimada , xidhiidhka iyo istaageersigu. 
Waxa iyaguna markooda hadalka qaatay martidii kala duwaneyd ee  ka kala timid wadamada Sweden iyo Belgiun , Cabdillahi Daauus oo ku hadlayay magaca martida Sweden ayaa madasha ka akhriyay warbixin dheer oo ku saabsan degaanada beesha xaga tayo galinta waxbarashada , dugsiyada , ceelasha, iyo xaalada guud ee degaankaas  isaga oo muddo kala soo shaqeeyay hay'adii samafalka  ee GTZ ee ka hawlgalaysay gobolka awdal iyo salal. Rooble iyo xuseen barkhad oo ka yimid Belgium ayaa iyaguna ka hadlay iskuxidhnaanta beesha belgiumka degan , waxqabkooda iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dhexdooda.

gebogabadii, waxa la isku raacay in la magacaabo guddi dhalinyaro oo hawlwadeena ah oo ka kooban 5 qof , gudidaas oo ka shaqayn doonta isku xidhka , barnaamishyada iyo soo diyaarinta mawduucyada shirarka laga hadlayo iyaga oo la tashanaya duqayda beesha ee hore u talin jirtey.
   
       guddida la magacaabay

1- Yaasin maydhane geelle 
2- muxiyadiin ibraahim ducaalle
3-cumer ibraahim cader
4-maxamuud xasan colhaye
5- khadiir cismaan axmed( biyokunaax)  

waxaa shirka ka soo qaybgalay

1- caaqil muuse ducaale
2-xasan giire
3-cilmi nuur kaadiye
4-cabdirashiid barkhad macaane
5-xuseen barkhad
6-abdalle ibraahim
7-xuseen muuse
8-xuseen barkhad
9- maxamed cumer nuur
10-xasan cusmaan
11-saciid muuse dixood
12-ibraahim rooble
13-mustafa ibraahim ducaale
14-cabdilaahi maxame ( daauus)
15- cabdilaahi giire
16- maxamuud xasan colhaye

No comments:

Post a Comment