Friday, November 19, 2010

xafladii ciidal odxa ee lagu qabtay magaalada Hardenberg, holland

waxaa maalinkii ciidal od-xada ee 16 nov. 2010 lagu qabtay magaalada Hardenberg, Holland xaflad aad loo soo agaasimay oo loogu tala galay soo dhawaynta iyo farxadda ciida odxa . xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro somali ah iyaga oo la kaashanaya xafiiska taageerada qaxootiga ee loo yaqaan WVN iyo dawlada hoose ee degmadan Hardenberg ayaa lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwen sida, kuwa hidaha iyo dhaqan ah iyo muusiko aad u macaan oo ay ku ladhayeen cod macaan fanaaniin somaliyeed oo aad u cod macaan . hadaba , xafladan oo ah tii igu horeysey ee laga qaban qaabiyo magaaladan oo muslimintu ku yar yihiin ayaa noqotay mid dadku hadal hayaan sida loo soo agaasimay iyo wacdaraha ay ka dhigeen dhalinyarada somaliyeed ee qurbo joogta ahi. waxa la yaab lahaa markii meesha lagu arkay dhalinyaro xidhan dharka hiddaha iyo dhaqan oo ku qaadaysa heelooyinka hidaha iyo dhaqanka ee soomaalidu ku faanto. waxaa kale oo halkaas joogay madax ka socota dawlada holland iyo dadyow aad u faro badan oo iskugu jira hollands iyo dadyowga ka soo haajiray wadamadoodii. gabogabadii , waxa halkaas lagu kala tagay iyada oo qofwalba oo somali ahi dareemayo ciid odxa , wajiyadoodana ay farxad iyo rayrayn ka muuqato.

No comments:

Post a Comment