Wednesday, November 17, 2010

Prince William oo guursanaya Kate Middleton


Prince William, amiirka qofka labaad ah ee leh dhaxaltooyada boqornimada dalkan Britain, Prince William iyo Kate Middleton oo u doonan, ayaa sheegay in ay is guursanayaan.
Waxaa ka hadleen qorshahooda guurka saacado kadib markii ay is doonteen.
Waxaa aad saxaafaddu u hadal haysay ku talogalkooda muddo sanado ah, iyadoo Amiirka William uu waqti qabsaday si uu ugu soo bandhigo guurka isla markaana u ogolaado in ay ka laaban karto hadii fikradda boqortooyada ay ku adkaato Kate Middleton.
Miss Middleton, oo wixii hadda ka dambeeya loogu yeeri doono Catherina ayaa sheegtay in arrinta ku saabsan boqortooyonimada ay madax xanuun leedahay, balse waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay si dhaqso ah u barato.
Lamaanaha ayaa sanadka soo socda is guursanaya.
Dabaaldegyada arooskooda, ayaa saraakiisha dalxiisku ay leeyihiin wuxuu si wayn sare ugu qaadi doonaan dhaqaalaha dalka Britain.

No comments:

Post a Comment