Wednesday, November 10, 2010

boqol cish, boqol wax qabad iyo dheeraad

JAMHUURIYADDA SOMALILAND XAFIISKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND‘BOQOL CISHO, BOQOL WAX QABAD IYO DHEERAAD’
Balan-qaadkii Xukuumadda ee boqolka Maalmood ee ugu horeeya:
Hawlaha wax-qabad ee xukuumada laga doonayo boqolka maalmood (100) ee ugu horeeya oo la soo koobayA) Nabad gelyadda:-1) In la sii xoojiyo arrimaha Khuseeya Nabad gelyada, Dadweynahana laga qayb galiyo
2) Kala dirista Guddiga Nabad gelyada iyo dadkii u xidhnaa oo si degdeg ah maxkamad loo hor keeno
3) In la dhamaystiro lana hawl galiyo xabsiga dhexe
4) In Madaxweynuhu soo saaro baaq nabadeed oo ku wajahan gobollada bariB) Dhaqaalaha:-1) In xukuumaddu xoojiso oo dardar galiso dakhli ururinta Qaranka , si loo helo kharashkii lagu hir gelin lahaa qorshaha shaqo ee boqolka maalmood ee ugu horeeya.2) In la bixiyo Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada 3) In amar lagu siiyo Xisaabiyaha guud iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe in aanay bixin wax lacag ah oo dhaaf siisan mushaharka Shaqaalaha, Raashinka Ciidamada, Cisbitaalada, Agoomaha iyo Shidaalka.4) In la dhamaystiro Biriijka labaad ee Caasimada ee qabyada ah ($300,000)na loo baahan yahay5) In lagu daro wadada Dilla /Boorama 4-5 km ($300,000) ayaa loo bahanyahay
6) In la hawl geliyo Guddida la dagaalanka musuqmaasuqa 7) In la hawl galiyo hay’adda ilaalinta Tayada Cuntada iyo Daawooyinka8) In la dayactiro lana dhamaystiro Terminalka 2aad ee Magaaladda BerberaC) Arrimaha Bulshada:-1) In la qaado olole nadaafadeed oo joogto ah oo ku wajahan Bilicda, Nadaafada iyo fayo dhowrka Magaalooyinka dalka.2) In la dhaqan galiyo saacadaha Shaqada.3) In la soo celiyo ololihii iskaa wax u qabso ee dib-u-dhiska dalka, si ay dadweynuhu ugu qayb qaataan dib-u-dhiska dalka.D) Arrimaha Sharciga:-1) In heshiisyada caalamiga ah ee aan weli la hor geyn Golayaasha Sharci Dejinta si deg deg ah loo hor keeno.2) In la dhamaystiro xeerkii Mushaharka masuulyiinta Qaranka, lana diiwaan galiyo hantidooda gaarka ah.E) Siyaasadda Arrimaha Dibadda:-1) In Madaxweynuhu safar ugu baxo wadamada deriska sida, Ethiopia ,Djibouti, Kenya iyo wadamada IGAD.2) In la diyaariyo qoraalo ku wajahan urrurada ay ka midka yihiin IGAD, AU, Arab league, Islamic league, Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee caalamiga ah, iyadoo loo cadaynayo siyaasadda Dawladda cusub.3) In Wasaradda Khaarajigu dardar geliso hawlaha diblomaasiyadeed ee caalamka loogu sharaxayo qaddiyadda Somaliland.4) In la dhamaystiro dhismayaasha cusub ee Wsaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee xukuumadu ku talabsatay.Wax-qabadkii Xukuumadda Boqolkii Cisho ee ugu horeeyey:- TirsigaWaxa La fuliyey1a) Waxaa la dhamaystiray markiiba dhismihii Xukuumadda Cusub, oo ah sidii balanqaadku ahaa Xukuumad tiro yar oo tayo badan, taas oo ka kooban 26 Wasaaradood oo leh 6 Wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tirada yarayd intii ay Somaliland jirtay, si aqooni ku jirto ayaana loo suurto geliyey inaanu isbedelku saamayn taban ku yeelan wada shaqayntii Golayaasha iyo laamaha Dawladda oo dhan. b) Hay’addo hore u hoos iman jiray Madaxtooyada ayaa lagu celiyey meelihii ay mudnaayeen sida Tvga Qaranka oo la hoos geeyey Wasaaradda Warfaafinta, Laanta Socdaalka oo la hoos geeyey Wasaardda Daakhiliga, Xooga Korantada oo la hoos geeyey Wasaaradda hawlaha Guud iyo Wakaaladaha Biyaha oo la hoos geeyey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha iyo kuwo kale. c) Waxaa markii ugu horeeyey si madaxbanaan u hawlgalay Hanti dhawrka Qaranka.1.A) Arrimaha Amniga:-Waxaa la Xoojiyey Arrimaha Khuseeya Nabadgelyada iyo ka qayb galinta dadweynahana:A) Waxaa la sameeyey gudiyo nabadgelyo, heer qaran, heer gobol iyo ilaa heer xaafadeedB) Waxaa laga hawl galay 300 oo askari oo hubaysan oo Ereteria lagu soo tababaray, una gudbayey dalka Ethiopia, iyagoo ka soo degay Buula-caddo oo ku taala xeebta Galbeed ee dalka, iyadoo layska kaashaday Dawladda Ethiopia.C) Ciidanka Booliska, Ilaalada Xeebaha ee Gobollada Saaxil, Maroodi Jeex iyo Togdheer ayaa gebi ahaanba fashiliyey xadhig ay maleegaysay Argagixisadu oo lagu khalkhal galanayay Amaanka Nabadgelyada Dalka, waxaana Shacabka loo soo bandhigay Hubkii laga qabtay.2Waxaa la kala diray Guddigii Nabadgelyada ee dadka ku xukumi jirtay awood aan Sharci ahayn, waxaana saamaxaad Madaxweyne lagu sii daayey Maxaabiistii siyaasadeed ee ku xidhnaa amarkooda.3Waxaa la dardar geliyey dhamaystirka xabsiga dhexe ee Hargaysa oo uu haatan dhismihiisu gabo gabo marayo.4Madaxwaynuhu waxa uu soo saray baaq nabadeed oo ku wajahan gobollada Sool iyo Sanaag bari Khudbadiisii ugu horeysay.A) Wuxuu Madaxweynuhu magacaabay guddi heer Qaran ah oo baqaas fulisa.B) Waxaa Baaqaas iyo xidhiidhadii ay gudgidu samaysay ka soo jawaabay Garaaddo iyo Madax dhaqameedyo kale.C) Guddidaas waxay todobaadkan ka soo laabteen shir ay madaxdhaqameedyada kula yeesheen WidhWidh.D) Sidoo kale Wufuud kale oo hawsha gudidan la xidhiidha ayaa safaro ku tegay Gobolka Sool B.Dhaqaalaha1.Waxaa la xakameeyey in aanay muddada kala guurka ee xilka lala kala wareegayo iyo maalmaha xigta toona aanay dhicin Musuqmaasuq iyo Hanti lunsi, isla markaana waxaa la amray Xisaabiyaha Guud iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe in aanay bixin lacag ka baxsan Mushaharka shaqaalaha, Raashinka Ciidamada, Cisbitaalada, agoomaha iyo Shidaalaka, Waxaana la sameeyey Guddi daba-gasha Amarkan Madaxweynaha.2 Waxay dar dar gelisay Xukuumaddu dakhli ururinta Qaranka , si loo helo kharash ku filan hawlaha Dowlada, ilaa imikana wuxuu kordhay 24%.3Waxaa la bixiyey deyntii Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo dhamayd muddo 5 bilood.3 Si loo dhamaystiro Biriijka 2aad ee Caasimadda Hargeysa oo qabyo ahaa, waxaana la bixiyey lacagtii loo baahnaaA) Waxaa ilaa hadda dhamaystiran ilaa 85%B) Guddida iyo farsamayaqaanada dhismihiisa gacanta ku haya, waxay xaqiijiyeen in sababta dib u dhaca yar keentay tahay mid dabiici ah(Roobab), C) Hawsha Biriijku hadda waxay u socotaa si xawli ah, dhakhsana way u dhamaanaysaa insha allaah.4Waxaa la bilaabay oo hawsheedu socotaa Waddada isku xidha Dilla/Boorama oo ah ilaa 4KM. 5Waxaa la abuuray markii ugu horeysay Komiishanka La dagaalanka Musuqmaasuqa.6Waxaa la dhisay oo la hawl geliyey ha’yadda Dhawrista Tayada (Quality Control Agency)A) Waxaa la sameeyey Sharciyadda Hay’adda oo dhowaan la horgeynayo Golayaasha Qaranka.B) Hay’addu waxay samaysay heer agab iyo anfac aynaan hore u lahayn oo lagu dabaqay heerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Cuntada iyo Daawada. C Arrimaha Bulshada 1 Waxaa la qaaday laba olole nadaafadeed oo ku wajahan bilicda, nadaafadda iyo fayadhawrka magaaloooyinka2Waxaa la kordhiyey oo la dhaqangeliyey saacadaha shaqada, iyadoo haatan la shaqeeyo min 7:00 ilaa 2:00.3Waxaa la dhiiri geliyey Barnaamijka Iskaa wax u qabso, si dadweynuhu uga qayb qaataan dib u dhiska dalka, kaasoo suurto geliyey in magaalooyinka waaweyn laga sameeyo Jidad laami ah.DArrimaha Sharciga1Waxaa la abuuray Hay’adda Dib u habaynta Shuruucda.ESiyaasadda Arrimaha Debedda 1Waxa uu madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silanyo, safar ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynaha iyo wefdigiisa ku soo dhoweysay maqaamkii ugu sareeyay abid ee Somaliland kala kulanto caalamka, Socdaalkaas oo madaxweynuhu kasoo hooyey guulo la taaban karo, waxaanu madaxweynuhu safar kaas la mid ah ku tegayaa Dalka Ethiopia ee aan deriska nahay iyo Kenya oo uu marti qaadyo ka helay.2Waxaa la diyaariyey qoraalo cadaynaya qadiyadda Somaliland iyo Siyaasadda Dawladda Cusub, kuwaas oo loo kala diray ururada ay ka mid yihiin EGAD, Arab LEAGUE, Islamic LEAGU, Qaramada midoobay, iyo ururada kale ee Caalamiga ah.3 Waxaa la dhamaystiray dhismaha cusub hay’adaha madaxbaaan4 Siyaasadda Khaarijiga ee Somaliland iyo hawlaha Diplomaasiyeed ee ay Caalamka la leedahay ayaa 100 ka maalmood gaadhay heerkii ugu sareeyey.Wax-qabadka Kale ee Xukuumadda JSLMaaliyaddaXaaladdii qasnada dawlada ee lagala wareegay xukuumaddii hore.Sida laga wada warqabo xukuumaddii hore waxa lagala wareegay Qasnad madhan oo lagu leeyahay Dayn dhan 46,853,598,632/=, gaar ahaanna dayntani waxay ahayd Mushaharooyinkii Shaqaalaha Goboladda oo ah April-July 2010 iyo Mushaharkii Shaqaalaha Gobolka Hargeysa oo ahaa May-July 2010, iyo sidoo kale Mushaharka iyo Raashinka Ciidamadda ee Bisha july 2010, waxa kale oo iyana aan waxba laga bixin kharashaadkii hawl socodsiinta ee Jan-July sida Shidaalka, Stationery-ga , Dayactirka Gaadiidka iwm, xaaladdaa dhaqaaale ee adage e ay la kulantay xukuumada cusubi ayaana kaliftay in Ganacsatadda laga soo daynsado Dayn dhan $2,350,000, si loo xaqiijiyo hawsha ..Waxyaabaha ka qabsoomay Qabsoomay dhinaca maaliyada.1) Bixinta Mushaharkiii Shaqaalaha Dawladda ka maqnaa iyo kharashaadkii hawl-socodsiinta.Waxa balan-qaadkii Xukuumadda ee 100 Cisho ku jiray in Mushaharka Shaqaalaha mudadda dheer ka maqnaa ee la bixiyay kaas oo shaqaalaha qaarkood ka maqnaa April-july 2010, mushaharooyinka iyo Kharashaadka aanu bixinayna waa sidan:-A) Mushaharka iyo Kharashaadka aanu bixinay ka soo jeeda Jan-July. 2010. 38,862,462,807B) Mushaharka iyo Kharashaadka aanu bixinay ka soo jeeda Aug-Oct. 2010. 58,240,157,367C) Kharashka aanu bixinay 1-7 Nov. 2010. wuxuu dhan yahay. 5,807,261,196Isugaynta Kharashka aanu bixinay 100 Cisho. 102,909,871,370Dhinaca Kharashka,ka sokow Khasnada Madhan ee la dhaxlay waxaa la ogyahay in Dadkii Ganacsatadda ahaa ee Dawladda wax ka iibin jiray iyagana aan la siinin wax kharash ah Jan-July 2010, taas oo wer wer badan ku keentay Ganacstadda oo ah Lafdhabarta Dawladda Somaliland, sidaa awgeed xil gaar ah ayaa la iska saaray in la bixiyo Kharashaadkaas kor ku xusan oo iskugu jiray Raashinkii Ciidamadda, Shidaalkii, Qalabka Xafiisyadda, Dayactirka Baabuurta, iwm.2) Fulinta Mashaariic Horumarineed.waxa jirtay in balanqaadkii 100 maalmood ay ku jirtay in Biriishka Hargeysa iyo Wadda Boorama la dhisi doono, arrintaas waxaanu bixinay qaadhaankii ku soo hagaagay Wasaaradda Maaliyadda oo dhan $150,000.Mashaariicda horumarineed ee aanu ka qaybqaadanay waxa ka mid ah inaanu 100 cisho ee aanu xilka haynay aanu xil dheeraad ah iska saarno Habaynta Dakhligii 2% ahaa ee loo qaadi jiray Goboladda Bariga taas oo aanu Xisaabteedii Baanka uga furnayd ugu tagnay iyadoo madhan, Dakhligii soo galay Jan-July 2010, iyo wixii ka horeeyayba lala baxay isla markaa waxaanu xooga saarnay in laga bilaabo Aug. 2010, Dakhligoodu si habsami ah ugu dhaco Xisaabtooda Baanka ka furan, waxaanan ka bixinay Mashaariic horumarineed sida mashaariicdan:-Ø Kawaanka Gowraca Laascaanood oo ay ku baxday $137,440Ø Sariibadda Laascaanood. $140,114Isugayn. $277,554Waxa kale oo Mudane, Madaxweyne jirtay in Dawladaha hoose loo qaadi jiray 12.5%, oo ah Kabka Dawladaha Hoose, taas oo xisaabi uga furnayd Baanka Dhexe nasiib darro Dakhligii soo galay Jan-July 2010, wax laga siiyey Dawladaha hoose ma jirto waxaanan xisaabtoodii ugu tagnay iyadoo madhan, waxaanan culayska saarnay inaanu u habayno Dakhligoodii siinana wixii u soo galay Aug-Oct. 2010, taas oo ay ku fuliyeen Mashaariic horumarineed sida Degmadda Hargeysa oo laga fuliyey dib u dhiska iyo Dayactirka Wadooyinka lacagta aanu siinay Dawladdaha Hoose waxay dhan tahay 2,491,421.567.3) Kobcinta Dakhliga.Dakhliga ina soo galay Aug-7 Nov. 2010, wuxuu dhan yahay 105,838,376,666/=. Mudane, madaxweyne waxaanu xooga saarnay sidii Dakhliga kor loogu qaadi lahaa anaga oo meelaha qaarkoodna 193%, kordhinay sida kastamka kala baydh waxa kale oo aanu xooga saarnay Dakhliga Cashuuraha Berriga, taas oo aanu Diiwaan-gelin Guryaha tiradda aanu diiwaan-gelinayna waa sidan:-1) Hargeysa. = 37,194 Guri.2) Boorame. = 8,210 Guri.3) Gabiley. = 2,367 Guri.4) Wajaale. = 635 Guri.5) Arabsiyo. = 342 Guri.6) Burco. = 8,100 Guri.Total: = 56,848 Guri.Taas oo waliba Burco iyo Boorame ay weli Diiwaangelinti u socoto, goboladd kalena aanu doonayno inaanu dhakhso uga bilowno.anaga oo ku tallo jirna in Sannadka 2011-ka Dakhliga Cashuuraha Berrigu halkii joogay kor uga qaadno 100%, waxa kale oo aanu xooga saarnay sidii khasnadda Dawladda loogu shubi lahaa Lacagayowgii barbar mari jiray ee aan ku dhici jirin Khasnadda Dawladda, sida Dakhligii Maxjarka Xoolaha oo aanu xaraynay, Dakhligii Shirkadda Total oo aan qaar xareynay, kuwa kalena daba socono, Dakhligii Faa’iidadda Sarifka Dollarka oo aanu xareynay iyo sidoo kale Dakhligii Dawladda Dhexe ay lahayd ee ay qaadi jirtay Dekedda Berbera oo la kala xadeeyey oo aanu si dhakhso ah ugu soo shubi doono Khasnadda Dawladda.4) Toosinta Maamulka.Waxaanu xooga saarnay in Kharash aan Xafiiska Xisaabaadka Guud soo marin ka bixin Khasnadda Dawladda iyadoo meesha laga saaray wax loogu yeedhi jiray Horumarin (Advance), sidoo kale iyanna waxaanu meesha ka saarnay laba Buugaag oo kala duwan oo yaalay Kastamadda Dalka kuwaas oo ah Buugaagta Qiimaynta Beedaddaha soo dega (Customs Evaluation Book), kuwaas oo ay Ganacsatadda Cadaalad darro badan ay ka tirsanayeen.Isla markaas waxa kale oo aanu isbedel ku sameynay Shuruucda Wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo aanu si dakhso ah u keeni doono Golaha Wasiiradda si loogu gudbiyo Golaha Wakiiladda, meelaha kale ee aanu wax ka toosinay waxa ka mid ah waxaanu qabanay tababar la xidhiidha Nidaamka Sameynta Miisaaniyadda oo heer caalami ah kaas oo aanu u qabanay Agaasimayaasha Guud, Gudoomiyayaasha Hay’addaha Dawladda, Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta kaas oo wax weyn ka badali doona Habka loo Maamulo Miisaaniyadaha iyo qaabka loo Maamulo, waxa kale oo aanu sameynay Buug tilmaamaya Qorshaha Sadexda Sanno ee Miisaaniyadda (Medium Term Fiscal Frame Work), kaas oo ku tallo galkeedu yahay inaanu ku hagno Miisaaniyadda 3 Sanno ee soo socda.5) Toosinta Shaqaynta Hay’addaha Dawladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah.Waxa jirtay in Xidhiidhka Baanka Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyaddu uu ahaa mid bur bur ah, kaas oo ay Wasaaradda Maaliyaddu kalsoonidii ka qaaday Baanka markii ay amartay inaanay Ganacsataddu toos u gayn Lacagta Cashuurta Baanka, wax Xawilaad ahna aan laga sameysan karin, taasina ay tahay ta sababtay inay Sumcadii Baanku hoos u dhacdo.Sidaas awgeed, waxaanu Dadaal fiican ka galnay sidii aanu u dib ugu soo celin lahayn Kalsoonidii Baanka, waxaanan dib u amarnay in Ganacsataddu lagactooda soo dhigtaan Baanka, isla markaan ay ka soo qaataan Jeeg, Jeegaas oo ay maamulayaasha Kastamadduna aqbali doonaan. Waxa kale oo aanu xidhiidh la yeelanay Hay’addaha Caalamiga ah sida, Baanka Adduunka, UNDP, IOM iyo UNHABITAT, si ay noogala shaqeeyaan Isbedelka aanu ka wadno dhinaca Cashuuraadka, Tababaradda Shaqaalaha iyo Shuruucda Maaliyadda, taas oo meel fiican noo maraysa.Biyaha1Waxa la kiciyey oo laga shaqaysiiyey Mashiin fadhiyey oo ah VOLVO pent 16300 500 KVA2Waxa la dayac tiray dhamaan mishiinada kale ee biyaha loona soo iibiyey qalab cusub qiimihiisuna dhan yahay 338,931,460 waxana dib looga shaqaysiiyey 3 ceel oo hore ugu cadilnaa daynabooyin3Waxa la dhamaystiray sharcigii Wakaalada biyuhu ku shaqayn lahayd markii ugu horaysay4Waxa sare loo qaaday dakhliga Wakaalada Biyaha Dhaqanka iyo Sportiga 1Waxaa la dhamaystiray siyaasadda dhalinyarada ee Qaranka ee shanta sano ee soo socda2Waxaa si fiican u hirgalay qabashadii koobka Ramadaanta ee dalka oo dhan3Waxaa si fiican u qabsoomay tartankii orodada 5-ta KM ee xuska maalinta Shuhadada SNM4Waxaa sahan lagu sameeyey xaaladda ururada dhalinyarada ee dalka oo dhan, iyadoo kaashanaysa dalladda Dhalinyaradda ee SONYO.5Waxaa markii ugu horeysay loo diyaariyey tababar koox dhalinyaro ah in lagu soo tababaro dalka UK.Kalluumaysiga1Waxaa kor loo qaaday wax soo saarka kaluumaysiga oo la soo xareeyey dakhli dhan $16,180 boqolkii cisho ee ugu horeeyey2Waxaa la gaadhsiiyey goobaha kaluunka lagu iibiyo ilaa Toban goobood3Waxaa dayactir lagu sameeyey mid ka mid ah EX Nec Fish Berbera, loona sameeyey xarun tababar iskaashatada Gobolka Saaxil.Dekedda1Waxa la xalilay mushkilad muddo dheer macaamiisha Dekedda ee ganacsatada ka haysataday halkaasi, taasi oo ahayd habka ay dadku wax u cashuuranayaan oo dhibaato badani ka haysatay, iyadoo ay kala fog fogaayeen xafiisyadu, waxaana lagu soo ururiyay hal xafiis oo kaliya.2Waxa la hawl galiyay Raadaar cusub oo Dekedda u fududaynaya in lala socdo dhaq-dhaqaaqa Maraakiibta ee badda cas oo dhan.3Waxa markii ugu horeysay dekedda laga furay goob caafimaad, waxana Maraakiibta loo fududeeyay biyo siinta, iyadoo loo sameeyay kaalmo ay Maraakiibtu Biyaha toos uga qaadan karaan.Shaqada iyo Arimaha Bulshada1Waxa la bilaabay sharcigii Saqalaha Rayidka, si loo ilaaliyo xuquuqda uu leeyahay qofka shaqaalaha ahi, oo la shaqeeyo 7 sacaadadood maalintii.2Waxaa dib loo dhisay garoonkii kubadda Koleyga ee timacadde.3Waxaa la soo rogey nidaam cusub oo loogu fududaynayo shaqaalaha Ajaanibka ah ruqsadda dal ku galka (Visas)

No comments:

Post a Comment