Sunday, November 21, 2010

SHIRKA JAALIYADAHA SAMAROON EE AMSTERDAM, HOLLAND

Shirweyne aad loo soo agaasimey oo lagu ansixiyey guddi ka kooban 15 xubnood oo ay yeeshaan jaaliyada samaroon ee degan wadanka holland markii ugu horeysay ayay beeshu ku qabsatey magaalada Amsterdam ee carligan holland maalinkii sabtida ee bishu ahayd 20 nov 2010. gudidan ayaa ka hawl gali doonta wadanka Holland, iyaga oo isku xidhnaan, iyo iskaashi la yeeelan doonaa gudida ururka TOL ee beel weynta samaroon ee ku kala baahsan daafaha dunida. Shirkan oo daba socday shirar kala duduwan oo beeshu ku qabsatay mudooyinkii ugu dambeeyey meelo kala duwan oo wadankan holland ah ayaa lagaga hadlay arimo faro badan oo u badnaan dhiirigalin ku saabsan waxwada qabsi , istaageersi iyo isku xidhnaan qoomiyada dhexdeeda. Hadaba Guddida la doortay oo dhamaantood laga soo xulay beelaha kala duwan ee ku abtirsada qoomiyada samaroon ayaa looga fadhiyaa inay adkeeyaan xidhiidhka , istaageersiga , waxwada qabsiga xag dhaqaale iyo xag bulshaba oo qoomiyadu yeelato gudaha iyo dibadaba iyo sida ugu degdeg badanna oo ay u doortaan gudoomiyahooda . guddida la doortay ayaa magacdoodu kala tahay sidan:
1- axmad cabdi xudhuun
2- muuse aadan ducaale
3- xuseen faahiye
4- rashiid barkhad hande
5- faadumo cabdi
6- saalax maydhane
7- cabdiraxmaan cawaale xuseen
8- cabdiqani yuusuf cige
9- axmed cali bulaale
10- hanaan jaamac xasan
11- mustafe xasan cabdi
12- cusmaan muumin
13- fuaad maxamed afgeed
14- cumer awsaciid colow
15- khadiija xaamud

No comments:

Post a Comment