Wednesday, November 17, 2010

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta booqasho rasmi ah ugu kicitimi doona dalalka Itoobiya iyo Ingiriisk

London (lowga)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo iyo Wefti uu horkacayo ayaa lagu wadaa in ay maanta booqasho rasmi ah ugu kicitimaan waddamada Itoobiya iyo Ingiriiska.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu magaalada Addis Abbaba kullamo kula yeelan doonaa maalinta barri ah caasimada Itoobiya ee Addis Abbaba Raysal wasaaraha dalkaasi Melese Zinaawi iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, iyagoo ka wada hadl;i doona sii xoojinta xidhiidhka labada ee deriska ah iyo guud ahaanba arrimaha gobolka.
Weftiga madaxweynaha waxa ka sii horeeyay oo dalka Itoobiya muddo dhawr cishi ahba ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo u sii gogol xaadhayay booqashada weftiga. Waxaanu wasiirku kullamo hordhac la sii yeeshay dhigiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, ahna raysal wasaare xigeenka dalkaasi Mr. Haile Mariam.
Weftiga Madaxweynaha waxa lagu wadaa marka ay dhamaystaan booqashada ay Itoobiya ku joogaan in ay u soo dhaafi doonaan dhanka Dalkan Boqortooyada Ingiriiska oo ay kullamo kula yeelana doonaan dowladda Ingiriiska iyo Jaalliyada reer Somaliland ee UK.

No comments:

Post a Comment