Monday, August 15, 2011

M/weyne ku xigeenka oo shacbiga ugu baaqay inay ka qeyb qaataan taakulada abaaraha Soomaaliya


Xukuumada ayaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ugu baaqday inay ka qeyb galaan gurmadka lagu samato-bixinayo dadka abaaraha iyo macaluushu ku habsadeen ee koonfurta dalka qalalaasuhu ka jiro ee Soomaaliya.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C./Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumaddu Guddi heer wasiirro ah u saartay sidii qaran ahaan looga qayb qaadan lahaa taakulaynta abaaraha iyo macaluusha ka jirta Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay shirkaasi jaraa’id waxa uu yidhi “Waxaanu shirkan jaraa’id u qabanay anagoo ka adkaysan kari waynay dhibaatada ummada Soomaaliyeed ku haysata koonfur ee dabiiciga ah, taasi oo ay u dheer tahay ta ay gacmahooda ku kas badeen ama dadka isku haya maamulka ama xukunada Soomaaliya ay sii xumaysay arrinta macaluusha iyo abaaraha, anagoo taa u adkaysan kari waynay, anagoo og umada Somaliyeed in ay tahay ummad islaam ah, ummada Soomaaliyeed oo jiidhku isugu keen yaalo, waxaanu garanay ama dareenay ama aanu go’aan ku qaadanay in aan ka qayb qaadano wixii itaal ka yaga ah in taakulaynta umada macaluushu ku habsatay wixii itaal keena ah aan ku taakulayno haddii aan reer Somaliland nahay.”
“Sidaad la socotaan waxaanu u xil saarnay ama aanu samaynay guddi heer wasiiro ah oo farsamo ahaan ka soo talo bixisa sida ugu haboon ee aan ku taakulayn karno ama aan wax ugu qaban karno ummadaa Soomaaliyeed, waxaa kale oo aan hore u sheegnay ummadaha caalamka ee taakulada u fidinaya umada Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay in ay u furan tahay marinka dekadeena Berbera, wixii fududayn ahna aanu diyaar u nahay in aanu samayno,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Md. C/raxmaan Saylici waxa uu uu baaq u diray shacbiga Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan halkan baaq culus uga jeedinaya ummada reer Somaliland guddo iyo dibadba in ay walaalahooda dhibaatadu ku habsatay aanay gacmaha ka laaban ee uu nin walba wixii uu ku tari karo aduun iyo arin uu ku taro oo arintaasina ay maanta tahay mid siyaasad ka madax banaan, oo mid bini aadanimo ah, waxaan ka codsanaynaa ummada reer Somaliland, haddii aanu xukuumada Somaliland nahay waxaanu ugu baaqaynaa in ay meelkasta oo ay joogaan wixii lagu taakulaynayo ummadaa Soomaaliyeed ee macaluushhu ku habsatay in aanay gacmaha ka laaban meel ay joogaanba.”

Madaxweyne ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anaguna xukuumad ahaan sidaan horeba u sheegay waxaanu diyaar u nahay wixii itaalkeena ah, xukuumad iyo shacbiba in aanu ku caawino dadkaasi ay macaluusha iyo abaaruhu ku habsadeen, iyadoo ay jirto duruuf wadan walba guddihiisa ah, wadan walba dhibaatadiisa iyo duruuftiisu way jirtaa, inaga qudheena abaaruhu dalkeena way jiraan meelo badan oo goboladeena ka mid ah abaartu way ka jirtaa laakiin halka ay maanta gaadhay abaarta iyo macaluusha Soomaaliya maynaan gaadhin, iyadoo ay teenu inoo gaar tahay oo awalba aynu isku tashan jirnay oo aynu kaga soo baxnay biyo dhaamiskii iyo dhibaatadii ka dhacday roob la’aantii jiilaalkii aynu kaga soo baxnay inagoo isku tashanay runtii la inagu amaanay sida aynu u maamulanay inagu oo maamul wanaaga iyo kala danbaynta maanta ka jirta Somaliland ay wax badan oo ay dhibaatada abaartu sii xumaan lahayd ay wax ka tartay runtiina caalamku inagu amaanay, wixii inoo gaar ah waa inoo gaar laakiin kama adkaysan karno dhibaatada ka jirta Somaliya ee wixii aynu ka tari karno in aynu ka tarno ayaynu u soo diyaar garawnay taasaanan ummada reer Somaliland guddo iyo dibadba meel ay joogaanba aanu ugu baaqaynaa in aanay gacmaha ka laaban”.

No comments:

Post a Comment