Friday, August 19, 2011

Maxaa sababay Dr. Gaboose in uu iska casilo xilkii uu hayay?


Hargeysa 19, August 2011 (Qurbejoog.com)- Wasiirkii Daakhiliga Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo.
Dr Gaboose oo galabta warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ee caasimadda Hargeysa, waxa uu iftiimiyay sababaha uu iskaga casilay xilkii wasiirnimo ee xukuumadda xisbiga KULMIYE.
Maxamed Cabdi Yuusuf oo loo yaqaano ‘Gaboose’, waxa uu xilkaas hayay muddo sannad ah, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay xubinta ugu miisaanka culus xukuumadda hadda jirta, isla markaana doorka ugu firfircoon ka ciyaaray guushii xisbiga KULMIYE ka gaadhay doorashadii 26 June 2010, marka laga hadlayo siyaasiyiinta ku jira xisbigaas. “Waxaan doonayaa in aan umadda reer Somaliland u sheego in maanta aan iska casilay xilkii wasiirnimo ee wasaaradda Arrimaha Gudaha,” ayuu Dr Gaboose hadalkiisa ku bilaabay.
Waxa uu sheegay in ujeedada ugu wayn ee iscasilaadiisu la xidhiidho sidii uu uga midho-dhalin lahaa hamigiisa siyaasadeed ee hoggaaminta Somaliland, hase yeeshee waxa uu si dadban u muujiyay ismaandhaaf huursanaa oo muddooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo. “Inkastoo tabashooyin hoose jiraan, haddana waxaan doonayaa in aan u madaxbanaanaado hamigayga siyaasadeed iyo furashada urur siyaasadeed,” ayuu yidhi.
Inkastoo uu sheegay in aanu jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, haddana erayga tabashada hoose ee uu carabka ku dhuftay, waxa uu daaha ka fayday khilaafkooda. “Waxaan caddaynayaa in aanu jirin khilaaf noo dhexeeya aniga iyo Madaxweynaha,” ayuu yidhi Dr. Gaboose oo ah siyaasi aqoonyahan ah oo ku takhasusay daawaynta Caafimaadka dadka, gaar ahaan cudurada Neerfaha.
Hase yeeshee, siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/qurbejoog.com, muddooyinkii u dambeeyay waxa jiray khilaaf isaga soo tarayay iyo ismaandhaaf u dhexeeyay wasiirka iyo Madaxweynaha.
Siday xoguhu tibaaxeen, ismaandhaafkan waxa hurantooda iyo sii dhaqdhaqaajintooda ka shaqaynayay xubno ka mid ah wasiirada ay iskugu dhawdhaw yihiin Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan kuwa garab booda socdaal kasta oo uu dalka kaga baxo, isla markaana isku hawla inay sii shiilaan go’aamada uu Axmed-Siilaanyo qaadanayo.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Madaxweynaha iyo Dr. Gaboose isku maandhaafeen arrimo ay ka mid yihiin rabshado dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay ka dhacay caasimadda Hargeysa oo ka dhashay khilaafka u dhexeeya dhinacyada xisbiga UCID iyo qaabka wasiirku uga hawlgalay maaraynta arrintaas. Sidoo kale, waxa la sheegay in Madaxweynuhu wasiirka ku canaantay eedaymo uu dhowaan Suldaanka guud ee Somaliland Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir u jeediyay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo. “Madaxweynuhu waxa uu ku canaantay Dr. Gaboose eedaynta uu Suldaanku isaga u jeediyay, arrimahaa ku xidhiidhsanaa ee eedaymuhu ka dhasheen iyo arrimo kale, sababtoo ah Madaxweynuhu waxa uu wasiirka u tirinayaa nin aan reer ahaan (Garxajis) kaga hawlgeli arrintaa,” sidaa waxa yidhi masuul dawladda ka tirsan oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. “Kollay waxyaabo kale oo ay isku maandhaafsanaayeena way jiraan, arrintana waxa isku-dirkeeda ka shaqaynaya niman wasiiro ah,” ayuu raaciyay.
Ka sokow arrimahan, wasiir Gaboose ma sii sagootiyay weftigii Madaxweyne Siilaanyo ee dhowaan u baqoolay dalalka Itoobiya iyo Shiinaha. Sidoo kale, ma soo dhawaynin markii weftiga Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu maanta ku soo laabteen caasimadda Hargeysa, taasina waxay muujinaysaa qarada uu leeyahay khilaafka u dhexeeyaa.
Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in ismaandhaafkoodu gaadhay heer uu Siilaanyo qorshaystay in marka Shiinaha ka soo laabto uu ku dhawaaqo xil-ka-qaadistiisa, sidaa aawadeedna ay uu Dr Gaboose dhinaciisa dedajiyay ku dhawaaqista iscasilaadiisa.
Si kasta ahaatee, iscasilaada Dr Gaboose oo ay golaha kula jiraan xubno ay hoggaankii urur-siyaasadeedkii Qaran isku ahaayeen, waxay Madaxweyne Siilaanyo ku noqonaysaa hal-xidhaale cusub oo soo wajahay, waxayna sababi kartaa inuu isku-shaandhayn ku sameeyo golaha xukuumadda, si uu u kala-hufo, uguna meel-dayo xubno la filayo inuu salaanka xukuumaddiisa ka tuuro. Laakiin, waxa indhaha lagu hayaa sida uu Madaxweyne Siilaanyo uga jawaabo iscasilaada mid ka mid ah garabada uu ku duulayay oo loo ridinayo inuu lahaa cududa ugu wayn ee guushiisa Madaxtinimada saamaxday.
Haddaba, akhriste halkan ka dhegayso codka iscasilaadii Dr Gaboose, fikirkaagana ka dhiibo sida aad u aragto shaqo-ka-tegiska wasiirkii Daakhiliga Somaliland, adigoo ku qoraya halkan hoose ee bogan.

No comments:

Post a Comment