Sunday, May 22, 2011

XAFLADII SOMALILAND EE WADANKA BOQORTOOYADA NEDERLAND


 Xafladaha xuska sanadguurada 20 aad ee dib ula soonoqoshada qaranimada somaliland oo beryahan ka socda dalka iyo dibadaba ayaa habeenkii xaley ee bishu ahayd 21 may 2011 lagu qabtay wadankan boqortooyada Nederland. Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa ku bilaabatay taariikhdii dheeray ee loo soo maray qaranimadan  iyo nabadayntii beelaha somaliland iyada oo ay halkaas joogeen waayeelo haween iyo rag ba leh oo wax ka bildhaaminayay taariikhdaas. waxa kale oo madasha joogey fanaaniin aad u faro badan ooo aan ka xusi karno fanaanada weyn ee SAHRA HALGAN  iyo ISMAACIIL DULCAD oo habeenkii xalay ahayd wacdaro ka muujisay stageka. Waxa kale oo xaflada ka dhexmuuqday dhalinyaro  hidaha iyo dhaqanka loo tobobaray oo si aad u heersaraysa u soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee soomaliland laga ciyaaro sida SAYLICI, DHAANTO , BATAR iyo SADEXLEY. xaflada  waxa habaynteeda iyo isku dibu ridkeeda iska lahaa ururada NOMAD IYO URURKA HOOYO WAA LAMA HURAAN  oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha haweenka ee somaliland guud ahaan. Madasha oo ay buux dhaafiyeen dadweyne  ka kala yimid wadamada belgium , germany iyo luxenburg ayaa waxa dadka wajiyadooda ka dheehan  kareysay farxada, raynraynta iyo wanaaga ay u qabaan dadkoodii iyo dalkoodii intaba. Dadweynaha somaliland oo ku caano maalay wada tashi iyo nabad mudadaas 20ka sano ah ayaa waxay soo jiidatay dareenka caalamka iyada oo somaliland ay maanta kaliya u baahan tahay citiraaf ay ka hesho dunida inteeda kale.










No comments:

Post a Comment