Sunday, August 22, 2010

MAXAA DADKA REER AWDAL KA HORTAAGAN KA GANACSIGA KHAYRAADKA BADDA?

Inkasta oo aanay soomaaliduba ku fiicnayn gurashada khayraadka badda iyo waxsoosaarka ayaa kuwa ugu sii daran ay yihiin dadyowga degan goboladan Awdal iyo Salal. Dadyowgan oo haysta xeebo aad u dhaadheer , dekado iyo bad ay ka buuxaan noockasta oo kaluun ah ayaan gabi ahaanba xeebahan ka madhan yihiin dhaqaaq ganacsi, doonyo iyo maaraakiib ay leeyihiin dadka meeshan degani sobobta taas keentayna ilaa hadda dadbadan way ku adagtahay.

Hadaba ma dhaqankii soomaalinimo ee soo jireenka ahaa ayaa jiidanaya dadka oo ka hortaagan badda iyo khayraadkeeda mise dadka ayaan xirfad u lahayn farsamooyinka kala duwen ee badda loogu noolyahay mise waxaa jira duruufo hortaagan ka ganacsiga khayraadka badda ?. Marka laga reebo dadka aaminsan gabaygii ahaa " Nin qudhkale waayay ayaa badaa qaawanaan gala "



waxa jirta duruufo ku xeeran oo aan dadka u saamaxayn inay badda ka ganacsadaan sida, tababar la'aan iyo dekadihii oo burbursan. Waayo , tababaro ay helaan dhalinyarada degaanadan waxa ugu dambaysay tababaradii ay bixin jirtey hay'adii (FAO) ee cuntada iyo beeraha sanadiihii 80dii magaalada Saylac halkaas oo ay ka soobixi jirteeen dhalinyaro xirfad u leh badda iyo hawlaheeda kal duwen.



Wixii ka dambeeyay burburkii dawladii militerga ahayd, dhalinyaradu maysan helin tababaro iyo wax ku gacan siiya barashada xirfadaha kala duwen ee badda sida, hababka kala gedisan ee kaluumaysiga , sameynta shabakadaha , wadida doonyaha , jilaabka iyo qalabyo wixii ay badu u baahnayd intaba taasna waxaan odhan karaa waxay yaraysay dhaqaaqa dadka ee xagga bad-galista.



Mida labaad, goboladan AWDAL iyo SALAL malaha dekado fiican oo soo jiita ganacsatada kala duwen oo maalgashi ku samaysata doonyo ama maraakiib ay kaga shaqaystaan xeebahan iyadoo dadka qaarkiina aaminsan yahay inaysan haysan suuq ay u iibgeeyaan wixii ay kasoo saaraan badda. Isku wada geeyoo, dawlada cusub ee soomaaliland iyo siyaasiyiinta goboladan waxa looga fadhiyaa in ay dib u soo nooleeyaan tababaradii badda ee la siin jirey dhalinyarada taas oo dhaliyaro badan kaga badbaadi lahaaayeen tahriibka iyo shaqo laanta baahsan ee ku habsatay gaar ahaan goboladan Awdal iyo Salal.

yaasin m. geelle

zwolle, nederland

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete