Monday, September 17, 2012

Madaxweyne Ku xigeenka oo ka qeyb galay Kulan dhex maray Baanka adduunka Iyo Ganacsatada dalka




Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay shir dhex-marayey baanka Adduunka iyo ganacsatada Somaliland kulankaas oo ku saabsan sida loo horumarin karo ganacsiga Somaliland.
wasiirka wasaaradda ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo furitaankii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay barnaamijkan maanta kulankan lagaga hadlayo oo ah mid lagu kobcinayo dhaqaalaha ganacsatada Somaliland lana gaadhay xiligii waxqabadka oo uu soo dhamaaday xiligii daraasadaynta mashruucan o ah mid uu soo diyaariyey Baanka adduunku.
Md. C/Risaaq Khaliif waxa uu sheegay inuu barnaamijkani saamaynayo dhamaan noocyada ganacsatada oo ay qayb ka yihiin ganacsatada danyarta ah, halka sidoo kalena uu tibaaxay barnaamijyo kale oo ay wasaarad ahaan iska kaashanayaan wasaaradda Maaliyadda iyo Xeer ilaalinta guud ee qaranka.
Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil saylici oo isna la hadlay ka soo qayb galayaashii kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu u aragto barnaamijyada Baanka adduunku ka taageero Somaliland kuwo muhiim ah hadii ay tahay hawsha dekedda Berbera ama mashruucan ay ku kobcinayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Md. Saylici waxa uu sheegay in ummadda Somaliland ay hiddo u leedahay ganacsiga sidaas darteed mashruucan baanka adduunku uu dhiirrigelinayo in ganacsiga dalka uu si casriyaysan u socon doono.
Kulanka oo sidoo kale uu ka hadlay Isuduwaha Baanka adduunka ee Somaliland waxaa kaloo ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha Maaliyadda, kaluumaysiga, Deegaanka, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo wasiirul Dawlaha maaliyadda.
Dhinaca kale Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebisay jaamacada Hope University ee caasimada hargaysa.
Gudoomiyaha Jaamacada Hope Prof Najiib Sh.C.kariin oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ardaydani barteen Maamulka,Maaraynta,IT-ga iyo culuun kale oo ay ku maarayn karaan sida uu yidhi noloshooda.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan Saylici ayaa ugu baaqay in ardaydani waxbarashada ay dhamaysteen ay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkiisaba,waxaanu ku amaanay maamulka jaamacadaasi dadaalka ay la yimaadeen.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Maaliyada .


No comments:

Post a Comment