Monday, September 17, 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo Balan-qaaday inuu sii wadayo wada hadaladii u socday Somaliland




Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxtinimadda dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in wada hadaladii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya ay halkoodii ka sii socon doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay inuu ahmiyad weyn siin doono sidii loo sii ambo qaadi lahaa wada hadaladii u bilaabmay Somaliland iyo dawladii hore ee Sh. Shariif.
Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlayay wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaaliya, waxa uu yidhi “Kama shaqeyn doonno midnimo jajuub ah ama xoog dulamaasiyadeed ku timaadda. Waxaan sii ambo-qaadi doonaa wada hadalkii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya. aad iyo aadna waan u soo dhawaynayaa in la helay fursad lagula hadlo Somaliland.”
Xasan Sh. Maxamuud waxa kale oo uu tilmaamay inaanay jirin wax midnimo ah oo xoog ku iman kartaa aanay jirin.
Madaxweynaha dalkaas Soomaaliya waxa uu sheegay inuu soo dhisi doono dawlad tayo leh, isla markaana ay awooda saari doonaan dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ka mid ah qarramadda guul-daraystay ee caalamka.
Xasan Sh. Maxamuud waxa kale oo uu beesha caalamka ka dalbaday inay la shaqeeyaan dawladiisa.

No comments:

Post a Comment