Sunday, August 29, 2010

Xod Xodashada Jabuuti+Shakiga Xag-jirnimo+Xiritaanka Safaarada Itoobia ee Hargeysa=Guusha Ismail Cumar

Ottawa-Canada-Waxa intii ka danbeeyay xil la wareegidii xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo soo baxayay shaki soo kala dhexgalay dawlada Itoobia iyo Somaliland kaas oo salka ku haya dhawr sababood oo ay u weyn tahay xubno uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay jagooyin muhiima oo xukuumadiisa tiir dhexaad u ah.
Intaa waxa weheliya in dawladaha Itoobia,Jabuuti iyo Masar ay siyaasiyan dagaalkii u dhexeeyay ay u soo rareen Somaliland,waxa iminka muuqda miisaan aaney hore dawlada Jabuuti ugu leheyn siyaasada Somaliland,kaas oo ka dhashay ka dib markii dawlada Itoobia ay isku dayday in ay kor u qaado isticmaalkeeda dekeda Berbera si ay halkaa uga dhoofsato shidaal dhawaan dalkeeda laga soo saari doono,sida lagu xusay warbixin ay dhawaan daabacday Barta Internetka ee Oil Price.com.

Dawlada Jabuuti oo kaashaneysa dalka Masar ayaa waxa ay is tustey in sida keliya ee dib loogu mideyn karo Somalia in ay tahay in marka hore la kala dilo dawladaha Somaliland iyo Itoobia taas oo Masar ay is tustay in ay tahay sida keliya ee ay u sii ahaan karto awooda keliya ee Mandaqada ka jirta.

Wasiirka arrimaha dibada ee Masar Axmed Abu Geyd ayaa shirkii Africa ee dhawaan ka dhacay Kampala ka cadeeyay sida ay dawladiisa uga go`an tahay dib u mideynta Jamhuuriyadii Somalia dhiig kasta oo ku daata.

Dawlada Jabuuti sida ay u xejisan karto suuqeedda Dekedeed waa iyada oo xeebta Somaliyeed ay ahaato mid ka caagan degenaansho,Berbera oo laga dhoofiyo shidaal Itoobia ay leedahay waxa ay ka dhigan tahay tartan ganacsi oo geeska uga furma.

Dawlada Itoobia ayaa iminka ilo wareedyo Hargeysa ku sugan noo xaqiijiyeen in Safaaradeedii ilbaabada loo laabay,safiirkiina uuba Adis ku noqdey ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo dheg jalaq u siin waayay cabashooyin ka soo yeerayay xukuumada Itoobia.

Dawlada Itoobia ayaa walaac ka muujisay xubno ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,jebhada SSC iyo dawlada Jabuuti oo kobcineysa fikir Somaliweyn oo hoy looga sameeyo Hargeysa.

Jawaaabtii madaxweyne Siilaanyo ee cabashooyinkaasi waxa ay noqdeen in uu faro gelin u arko ka hadalka xukuumadiisa,jabhada SSC oo meleeshiyadeeda la qarameeyo,ciidamada Somaliland oo dib loo doo raro iyo safarka u horeeya ee madaxweynaha oo uu Jabuuti ku tago.

Xeeldheereyaal badan oo hore u soo jeediyay in xisbiga Kulmiye uu damac siyaasadeed ee madaxdiisa uu u nugleeyay siyaasiyiin sal fudeyd siyaasadeed dartii ay isa seejiyeen dad badan,taas oo kol walba jawaabta Kulmiyena ay aheyd dalka anaga cid nooga lexajeclo badani ma jirto.
Waxa dad badani is weydiin karaan bacdamaa xubnaha tuhunka xag-jirnimo lala beegsanayo ay ahaayeen qaar hore uga tirsanaa Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadiniga Somaliyeed(SNM) ee xiriirka dhaw la lahaa dalka Itoobia waxa iminka isbdelay,waxa jirtay in Siyaasiyiinta tuhunku galay ee hore uga tirsanaa ururkii Qaran ay hore u shaaciyeen diidmadooda ku wejehneyd faro gelintii Itoobia ee Dalka Somalia xiligii Maxkamadaha isla markaana lagu shaabadeeya in ay lahaayeen fikirkii salaadiin Somaliland ahi ku sheegeen in ay isku xukumayaan shareecada Islamka.
Waxaan iyana cadeyn in Itoobia dhibsatey hadalo ka soo yeeray Wasiirada arrimaha Guddaha iyo Maaliyada oo u muuqdey qaar muujinaya in la gaarey xiligii wax laga qaban lahaa qoxootiga sharci daroda ku jooga Somaliland iyo Ganacsi labada wadan u wada cuntama oo la abuuro.


Dawlada Jabuuti oo dhawr jeer hore u mijo xaabisay dedaalo uu damacsanaa in uu hirgeliyo Madaxweynihii hore ee Cigaal ayaa iminka u muuqata in hagardaamadii u weyneyd ay la damacsan tahay Jamhuuriyada ictiraaf doonka ah ee Somaliland,qorshuhu waa in marka hore Somaliland laga soo xiro dhabaha qura ee siyaasiyan 20ka sano u furnaa ee Itoobia,taas oo Somaliland si tos ah u hoos geyneysa Jabuuti,dhabahana u xaareysa dib u Midawga Somalia.
Jabuuti ayaa waxa arrinkan Gacan weyn ka siiyay Ganacsato xiriir soke la leh oo gacan weyna ka geeystey guushii doorasho ee xisbiga Kulmiye,isla markaana fududeeyay ka mid noqoshada xukuumada Somaliland ee xubnaha shakiga xagjirnimo laga muujiyay.

Dawlada Itoobia ayaa kadib markii ay u soo baxdey in xukuumadii UDUB aaney ku soo bexeyn doorashooyinka ayay dib u soo celisay cilaaqaadkeedii dekedeed ee Jabuuti,sidoo kale cabsida Somaliweyn qabata Somaliland taladeedana waxa ay ku keentay in jabhadahii ka soo hor jeedey ay qaarna cagta mariso qaarna la heshiiso.

Isku soo wada duuboo isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay Somaliland waxa la filayay in uu noqonayo mid dardar geliya siina anba qaada dedaaladii iyo talaabooyinkii waqtiga faraha badan qaatay ee lagu soo caano maalay 20kii sano ee u danbeeyay,waxaase iminka dhici karta in ay laalanto guushii ugu weyneyd ee ay Somaliland gaartey mudadaas taas oo ah cilaaqaadka iy lawadagto Itoobia.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete