Wednesday, August 18, 2010

MADAXWEYNE SIIILAANYO OO MAGACAABAY GUDDI

LOWYACADO.COM in NewsMadaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu magacaabay Guddi ka soo tala bixisa Su’aasha Gobolada Bari, Waxaanu madaxwaynuhu Guddidaasi uu Magacaabay

faray in ay ka soo talo bixiyaan soona qiimeeyan, isla markaana soo darsan Duruufaha ka taagan iyo qorshe Nabadeedkii lagu Xalin lahaa Aaga Bariga ee Gobolada Sool iyo Sanaag Bari.



Xubnaha Guddidan Madaxwaynuhu uu magacaabay waxa uu Gudoomiye uga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane: Dr: Maxamed Cabdi Gaboose.



Waxanay kala yihiin Xubnaha Guddidu : -



1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose



2. Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhiga

Mudane: Axmed X. Cali Cadami



3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada

Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi



4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska

Mudane: Cabdirisaaq Khaliif Axmed



5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane: Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed



6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane: Cismaan Garaad Soofe



7. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda

Mudane: Baashe Maxamed Faarax iyo



8. Mudane: Fu’aad Aadan Cadde

No comments:

Post a Comment