Monday, August 16, 2010

SHIRWEYNAHA BEELAHA SAMAROON EE DEN HAAG

SHIRWEYNAHA BEELAHA SAMAROON EE  DEN HAAG



Shirweyne aad loo agaasimay oo ay isku yimaadeen beelaha samaroon maalintii sabtidii ee bishan August 7, 2010 ka dhacay magaalada DEN HAAG ee carligan Holland ayaa beeshu ku lafo gurtey qodobo dhawr ah .Qodobadas oo aad u badnaa aadna muhiim u aha ayaa markii dambe beeshu isku raacday



taageerada shirarkii TOLKA ee CANADA IYO shirkii ARDAA ee london, iyo balaadhinta , taageerada iyo ka qaybgalka shirarkaas.

Waxaa kale oo ka qaybgalayaashu isku raaceen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen,ka qaybgalka horumarinta gobolada iyo degaanada kala duwan ee beeeshu degto.in la joogteeyo kulan ka beesha oo bishii ama sanadkii mar la qabto iyo in guddi la magaacaabo ka shaqaysa isku xidhnaanta iyo waxwada qabsiga beesha oo mudadan ay naafeeyeen arimo siyaasadeed oo ka socday wadanka gudihiisa .



gebogebadii waxa la doortay guddi ku meel gaar ah iyadoo la gu balamay in shirkan kiisa xiga la qaban doono ramadaan ka dib. Halkaas oo lagu dhisi doono xubno firfircoon oo u hawlgali doona mideynta muruqa iyo maskaxda beesha oo aan muddo shirar iskugu iman, ay kaga tashanayso ama ka hadlayso arimaheeda gaarka ah .

waayo taariikh ahaan , shir samaroon u dhan yahay waxa ugu dambaysay sanadihii 1988 shirkii QULJEED oo lagaa hadlay nabadgelyada gobolka iyo difaaca dhulka hooyo marka laga reebo shirar kala goongooni ah oo jufooyinku qabsadaan .

No comments:

Post a Comment