Thursday, August 19, 2010

TALAALKA CUDURKA KANEECADA (DUUMADA) OO LA HELAY

Saynisyahanada wadan Holland ayaa shaaca ka qaaday inay dhici karto helitaanka talaal looga hortagi karo cudurka kaneecadu keento ee loo yaqaan malaria. aqoonyahanada ku hawlan talaalkan oo xaruntoodu tahay cisbitaalka loo yaqaan umc st.Radboud ee magaalada NIJMEGEN ayaa tijaabadooda oo qoraal ah ku soo bandhigi doona wargeyska loo yaqaan The new england journal maanta oo jimce ah.waana mid aduunyadu aad u dhowrayso in wargeyskani daabaco tijaabadan oo ay ka qayb qaateen 15qof oo dhamaan caafimaad qabta.

10 ruux oo kamida 15qof ee tijaabada kaqayb gashay ayaa la qaniinsiiyay 40jeer kaneecada sida parasiteka keena xanuunka malariyada.dadkan,kahor tijaabada dhamaantood waxay qaateen daawada chloriquine oo disha parasiteka malariyada.kadib midkoodna laguma arag malario ama maysan qadin.5tii qof ee kalena waxa la qaniinsiiyay kaneeco aan ahayn mida xanuunka gudbisa.Bil kadib ayaa dhamaan 15kii ruux ee tijaabada waday marlabad la qaniinsiiyay kaniicada gudbisa xanuunka iyaga oo aan midkoodna la siin daawada ka hortaga ee chloriquine.

5 qof aya qaaday xanuunkii malaariyada, 10kii kalena ma qaadin.10ka ruux ee aan qaadin xanuunku waa kuwii qaatay chloriquineta wajigii hore ee tijaabada jidhkooduna waxa uu samaystay difaaca uu kaga hortagi karo xanuunkan isaga ah.

saynisyahanka hogaaminaayay tijaabadan oo ay la yaab ku noqotay ayaa waxa uu yidhi´dadka afrikaanka ah ee ku nool meelaha xanuunka malaariyadu ka jiro waxay ku qaadataa jidhkoodu inuu difaac samaysto 5 ilaa 10sano.

markaas faraqa u dhaxeeya afrika iyo tijaabadan lagu sameeyay NIJMEGEN waa xadaynta daawadan chloriquinetu ay xadaynayso xanuunka malaariyada dhibaatadiisa iyo awooda ay siinayso jidhka inuu difaac samaysto. waayo qofku marka uu malaariyo qaado isaga oo aan qaadan daawadan chloriquine xanuunku waa ka xoog bataan difaaca jidhkuna wuu is damiyaa. hadaba tijaabooyinkan lagu sameeyay NIJMEGEN waxay xooga saaraysaa soo saarida talaal kaneeco oo looga hortagi karo dulinka keena xanuunka malariya kaas oo laga soo saari doono ugxanta xanuunsidaha kaniicada dhaliya kadibna dadka lagu mudu doono isaga ooaan dhibaato badan u gaysanayn qofka.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete