Wednesday, August 18, 2010

MUSTAQBALKA DAWLADA SHEEKH SHARIIF IYO CAQABADAHA HORTAAGAN

Gudoomiyihii hore isbaahaysiga dib u xoreynta soomaaliyeed SH. SHARIIF SH. AXMAD ayaa ku soo baxay doorasho madaxweyne oo mustaqbalka soomali yeelato isaga oo kaga guulaystay 293 cod MASLAX MAXAMAD SIYAAD oo ahaa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee soomaaliya.



SHARIIFKA ayaa maanta oo bishu tahay 31.01.2008 lagu caleemo saaridoonaa magalada jabuuti oo baryahaynba ololuhu ka socday .balse suaasha qofkastaa is waydiiyaa waxay tahay, maxay kaga duwanaan doontaa dawladani kuwii ka horeyay?ama shariifku muxuu kaga duwan yahay CALI MAHDI, CABDIQAASIM, CABDILAAHI YUUSUF IYO dhamaanba wixii madax soomaliyeed sheegtay?

aan ka bilowna caqabadihii hortaagnaan jirey dawladihii ka horeeyay;

mucaaradka gudaha

dhibka ugu weynaa ee dawladkasta oo la soo dhisaa ka shaqayn wayday waxa uu aha mucaaradka dalka gudihiisa jooga oo aan marnaba ku qancin wixii la so dhiso kuwas oo kala ah ,PUNTLAND, SOMALILAND, HOGAAMIYE KOOXEEDO iyo canaasiirta muqdisho.dawladana waxaa la saadaalinaya inay wajihi doonto mucaaradkii hore iyo kuwa cusub oo dardar iyo nidaam diineed wata oo aan ku qancayn waxkale ilaa loogu dhaqmo aayadaha quraanka iyo axaadiista sida ay iyagu u macneeyeen waliba.waxaana dhici karta inay dawladan cusub wiiqaan dagaalo ku salaysan dariiqooyi iyo firqofirqo diineed.



beesha caalamka iyo itoobiya

beesha caalamku dawladihi hore ee soomaaliya loo dhisay qaarna way la shaqeeyeen qaarna lama aanay shaqayn tusaale ,dawladii CARTA EE CABDIQAASIM beesha caalamku way ka hortimid halka dawladii CABDILAAHI YUUSUF ay ciidan iyo lacagba siiyeen.hadaba dawladan sh.SHARIIF oo lagu tuhmayo inay tahay dawlada culimo hogaanka u hayso ayaan waxbadan laga filayn beesha caalamka inay laqabato dawladan iyada oo taageerada caalamku ku xidhnaan doonto kolba sida uu shariifku iskaga fogeeyo ALSHABAB oo lagu tuhmayo inay gacansaar la leeyihiin SHABAKADA AL-QAACIDA. taasna waa mid u taal dawlada cusub



dhaqaalaha



dhaqaala xumo waa mida sadexaad ee wiiqday dawladihii tan ka hore. dhaqaaluhu inta badan waxa uu ka yimaadaa dawladaha reer galbeedka iyo dawlada yar oo caraba laakiin taas marwalba waxay ku xiran tahay xaalad ,taas oo ah fulinta barnaamijyada ay kaa rabaan dawladaha dhaqaalaha bixinayaa .waxaa laga yaabaa in dawlada SHARIIFKU dhaqaala yar oo kooban ka hesho dawladu yar oo caraba laakiin dawladaha reer galbeedku marwalba waxay ku xiraan doontaa shuruudo iyo imtaxaano la soo hordhigi doono dawlada cusub waana la eegi doonaa inay ku dhacdo iyo in kale.

hadaba isku wada geeyoo shariifka iyo dawladiisu ma yihiin kuwo ka dabaalan kara intaas oo mushkaladood ee aan soo sheegnay mise waxaan sugnaa bilowga isreereebka dagaalo dariiqo diineed ku salaysan oo ay isla galaan alshabaab , sune wa jameeca ,akhwan muslimiin,mujaahidiinta raaskaambooni,ehlu suufi iyo magac iman doonta.



Yassin M. Geele

Hardenberg, Holland

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete