Wednesday, August 18, 2010

BOQORADA DALKA HOLLAND OO LA WEERARAY DUHUR CAD

Boqorada wadankan holland, BEATREX WILHELMINA ayaa lagu weeraray baabuur magaalada APELDOORN 30kii bishan abril mar ay boqoradu ka qaybgalaysay dabaaldeg loo sameeyo xuska maalinkii ay la wareegtay xilka boqortooyo ee wadankan.

Boqoradan oo mudaba ahayd haweenay dad badan la dhacsan yihiin ayaa waxa jacaylkaas suaal galey nin magaciisa lagu sheegay KARST TATES markii uu boqorada ku weerarey baabuur xaweere sare ku socda halkaasna uu ku galaaftay 6ruux iyo isagii. ninka weerarka gaystay oo ay ku adkaatay inuu kirada gurigiisa iska bixiyo ka dibmarkii laga fadhiisiyay shaqadii, ayaa lagu sheegay dadiisa 38jir hollandis ah.



Arinkan oo amarkaag iyo layaab ku noqday dad badan oo hoollandis ah ayaan hadana dhanka kale, indhaha laga qarsan karin sida ay isku soo tarayso nacayb iyo xumaan ka dhalatay shaqo laaan iyo dhaqaalaha oo xumaaday.

dhaqaala ahaan boqortooyada waxa ku baxa lacag gaaraysay ilaa 29.7 milyan oo ay ku kala bixiyaan 5.6 milyan oo ku baxda boqorada iyo wiilka dhaxalka boqortooyada leh ee WILLEM-ALEXANDER, 22.6 oo ku baxda xafladaha iyo bandhig faneedyada iyo casha sharafeedyada la sameeyo marka xaflado jiraan ,71.7 ayaa ku baxda guriga boqortooyada kaligiis lacagtaas oo keentay in suaalo badan la iska waydiiyo mudooyinkan danbe.gabagabadii, ninkasta oo cuna ama ku raaxaysta xoola aanu lahayn maalin ayuu la kulmayaa wax aanu ka raali ka ahayn.



Taasina waxay cashar u tahay madaxda soomaaliyeed ee ku tagri fasha cashuurta iyo xoolaha ummada laga qaado .



Yassin Maydhane

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete