Friday, August 20, 2010

CIIDAMO DADKA U ADEEGAYA BISHA RAMADAAN

lowyacado.com)Cutubyo ka tirsan ciidamada amniga Boorama ayaa markii u horreysay muddo sannado lagu arkayey suuqyada magaalada iyaga oo sugaya amniga guud,



wakhtigan bisha barakaysan ee ramadaan suuqyada magaalada ay camireen dadweyne u badan dhallinyaro.






Ciidamada amniga oo u kala qayb sanaa kuwa xabsiyada, kuwa milatariga iyo kuwa Booliiska ayaa raxanraxan u joogay suuqyada magaalada taasoo dad badan dib usoo xusuusisay jiritaanka astaamaha maamulka dawladeed.






Dadkaasi habeenkii usoo baxa suuqyada ayaa sidoo kale isweydiinayey arrimaha dheeraadka ah ee keenay in sidan oo kale amniga guud ee magaalada loo sugo, isla markaana indhaha gaarka ah ku eegayey sawaxanka iyo buuqa kooxaha dhallinyarada ah ee marmarka qarkood looga bartay inay iyagu iska horyimaaddaan amniga magaaladana khalkhalka geliya.






Ciidamadan suuqyada gaafwareegaya ayaa sidoo kale aad ugu baahsan qaybaha magalada ee ka fog faras magaalaha, waxayba dad badani arrimahan ilaalinta amniga ee dheeradka ah xusuusisay jiritaanka Astaamihii dowladeed, halka kuwo kalena ku sifeeyeen ku lagaga hortegeyo in dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah xukuumadda cusub ee Somaliland.

No comments:

Post a Comment