Wednesday, August 18, 2010

ENG. CABDIRAXMAAN (SAYLICI) OO HANTAY MASKAXDA IYO TAAGEERADA BEELAHA SAMAROON

Muddo waxa lagu muransanaa inta ay leeg tahay taageerada uu xisbiga kulmiye ka haysto gobolada Awdal iyo Salal iyo dhamaanba beelaha Samaroon taasi oo culeyska weyni uga imanayay madaxweynaha maanta jooga xafiiska oo ka soo jeeda beeshan iyo gobolkan . dad badana ay ku adkayd inay fahmaan barnaamijka xisbiga kulmiye .



Hadaba maxaa keenay in beesha iyo gobolkuba dhamaan mar kaliya u jeestaan xagaa iyo xisbiga kulmiye? waxaynu ku soo koobaynaa laba sabobood inay soo dedejisey taageerada loo hayo xisbigan iyo Eng.Cabdiraxmaan laftiisa.



Ummad isbedel doona oo degaanadan ku nool iyo hogaamiye daacadnimo, karti iyo wanaag ka muuqdo ayaa la is odhan karaa xisbiga way u soo jiiday beesha.



Beelaha ku dhaqan goboladan Awdal iyo Salal oo ah umad dimuquraadi ah asal ahaan , ka hufan qabyaalad-wax-ku-doorasho, ninjeclaysi. umad u haraadan hogaamiye ka turjuma baahidooda, dadyowgan ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal oo aad odhan karto waxay aad uga maskax iyo aqli. furan yihiin umadaha kale ee gobolada ama deganada Somaliland la degan taasna ay u keentay sida la aaminsan yahay waxbarashada ay culayska saareen. Hadaba fahankaas dheeraad ka waxa uu u keenay in reer Awdal/Salal inay dhegaystaan fikradaha kale ee ka duwan kuwii hore kuwaasi oo ay wataan hogaamiye-yaasha xisbiga kulmiye.



Umadu waxay doorataa barnaamij siyaasadeed oo ka turjuma baahideeda Dhaqaale , Degaameed, Waxbarasho iyo guud ahaanba waxyaabaha aasaasiga nolosha u ah. Suaalaha ay dadkan is weydiiyeen ayaa ahaa xisbigii UDUB ma ka haynaa intaas mudadii ay joogeen? Jawaabta u soo baxdayna waa MAYA. Mida labaad Xisbigan udub oo dadyowga ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal ay u haysteen in ay wax ka leeyihiin mar hadii UDUB imika Daaher Riyaale hogaamiye u yahay in uu noqdo mid dabooli doona baahidooda siyaasadeed taasina ay waji gabax ku noqotay dadkii sidaasi ku taageersanaa.



Sobobta labaad ee xisbiga kulmiye u jiiday beelaha gobolada Awdal/Salal waxay noqon kartaa hogaamiyeyaasha gobolkan ugu jira ololaha doorasha oo ah kuwo aad uga firfircoon , daacadsan kana hawlkarsan marka la barbar dhigo kuwa ololaha ugu jiraa xisbiyada kale ee UDUB ama UCID.



Waxaynu ka xusi karaa Musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye Eng. C/raxmaan Saylici oo ah nin aad u firfircoon, sumcad faro badana ku leh degaanadan iyo dadka ku dhaqan wuxuu awood u helay inuu umadan ku qanciyo barnaamijka xisbigiisa kulmiye iyo sida ay uga go’an tahay horumar iyo barwaaqo uu gaarsiiyo gobolkan iyo guud ahaan ba Somaliland.



Eng.Saylici waa nin bulshada reer Awdal/Salal aamini karaan waayo? Eng.Saylici waxa muddo aad u badan ku noolaa kana shaqeynayay goboladan hadii ay noqoto xag bulsho iyo xag siyaasadeedba, Eng.Saylici waa nin ay aamini karaan dadka reer Awdal/Salal waxqabadkiisa iyo kartidiisa oo mudo hore ayay tijaabiyeen.



Eng.Saylici waa hogaamiye ka hufan qabyaalad iyo nin jeclaysi waa nin ay umadu u siman tahay. waa hogaamiye dhegaysta dayarta iyo duqaydaba…… Waa nin dadka reer Awdal/Salal ku dooran karaan barnaamijkiisa iyo shaqadiisa qof ahaaneed ee dhisme iyo dhaliil la’aan.



Eng.Saylici waa nin u dhuun daloola baahida gobolka iyo dadkaba taasina waxay u keentay injineerka taageero aan loo kala hadhin oo uga timaada gobolka iyo dadkiisaba.



Isku soo wada geeyoo Arrimahaas aan korku soo xusnay waxay xisbigan kulmiye u keentay taageerayaal fara badan oo uga yimaada beel weynta Samaroon iyo guud ahaan ba Somaliland oo dhan .

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete