Dhismaha dawlada ka kooban 18 wasiir oo ay kubohoobeen laba xisbi ee VVD iyo CDA oo xaga midigta u janjeedha ayaa looga dhawaaqay maanta oo bishu tahay 14 oktoober 2010 wadankan holland. dawlada oo uu hogaamin doono raysal wasaare MARK RUTTE oo noqonaya raysal wasaarihii ugu dada yaraa ee waliba ka socda xisbigan liberaalka oo ay talada dalku ugu dambaysay sanadkii 1918kii ayaa ah dawladii ugu tirada yarayd ee abid so marta dalkan holland. Dhaliilaha durba dawladan loo soo jeediyay ayaa ah dumerka oo ku yar wasaaradaha iyo xisbiyada laga tiro badan yahay oo aan cid lagaga darin .mida labaad dawladan waxay heshiis iskaashi oo xaga baarlamaanka la saxeexatay xisbiga xag jirka ah ee PVV ee uu hogaamiyo ninka ay ku wayn tahay cabsida iyo nacaybka islaamka ee GEERT WILDER. magacda Golaha wasarada iyo xisbiga ayka soo jeedaan ayaa kala sidan:
Edith Schippers (wasiirka caafimaadka, iskaashiga iyo Spoortiga, VVD), Melanie Schultz van Haegen (degaanka iyo daayactirka , VVD), Jan Kees de Jager (maaliyada, CDA), Piet Hein Donner (arimaha dibada iyo xidhiidhka boqortooyada, CDA), Marja van Bijsterveldt (waxbarashada, dhaqanka en sayniska, CDA), Hans Hillen (difaaca, CDA), Henk Kamp (arimaha bulshada iyo shaqada, VVD), Gerd Leers (socdaalka iyo magangalyo doonka, CDA). Uri Rosenthal (arimaha dibadda, VVD), Mark Rutte (raysal wasaare, VVD), Maxime Verhagen (arimaha dhaqaalaga, beeraha iyo dibuhabaynta, CDA), Ivo Opstelten (nabadgelyada iyo cadaaladda, VVD).
No comments:
Post a Comment