Waxaan shaki ku jirin goaankan adag ee ay ku dhawaaqday gudidii loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan suurtogalnimada furashada xisbiyo siyaasadeed inay naxdin iyo welwel ku abuurto xisbiyo siyaasadeed oo maanta jira, qabiilo iyo degaano kala duwan oo ku yaal jamhuuriyada Somaliland.
Waxaynu markiiba maqalay afkaarta kala duwen ee ka soo yeedhaysa xisbiyadii jirey ee saddexda ahaa oo ku kala aragti duwan natiijadan lagu dhawaaqay oo kala ah diidmo ay ka muujiyeen xisbigii talada laga tuurey ee UDUB iyada oo magacooda uu ku hadlayo gudoomiye ku xigeenkii udub Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa sidoo kale oo welwel ka muujiyay , mugdi iyo horseed jaahwareer ku tilmaamay goaankaas gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, xisbiga kaliya ee ilaa hada taageeray goaankan ayaa ah xisbul xaakimka Kulmiye isagana ay qasab ay kaga dhigtay fulinta balantii uu qaaaday markii ay ku jireen ololihii doorashooyinka madaxtinimo ee jamhuuriyada somaliland inkasta oo aan ilaa hadda siyaasiyiin faro badan aanay ka hadal goaankan.
SI kastaba ha ahaatee ,aynu u daadegno khasaaraha iyo faaiidada ugu jiri karta goboladdan Awdal iyo Salal furashada xisbiyo siyaasadeed oo ka soo jeeda goboladan iyo suurtogalnimada xisbi ay ku mideysan yihiin umaddaha degan goboladan.
Waxa la isku raacsan yahay inay Boorame ka soo bixi doonaan xisbiyo ku salaysan qabaaiil guud aahaan sida laga filaya gobolada iyo degmooyinka kale ee somaliland ba . Waayo ilaaa hadda Reer Awdal ma aanay sameysan ilaa hada xisbi qaran oo ka turjuma ama ay feker ahaan ku mideysan yihiin xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo waliba xag bulsho intaba.Xisbiyadaas Boorame ka dhalan doonaa mustaqbalka, waxay marwalba u baahnaan doonaan taageerada xisbiyada kale ee laga dhisi doono hargeysa iyo nawaaxigeeda, sobob dhaqaale iyo tiro awgeed iyada oo cadka ama qaybta ay helaan noqon doonto waxa uu uu soo gooyo xisbigaas daciifka ee qabiilka ku salaysan ee aan taageero badan heli karin . Waxa taas ka sii daran, murano xoogan oo ka dhici doona xadadka degmooyinka lakala degan yahay, dhalashada iyo kala sheegasho dhul imikaba lagu muransanyahay ka codeyntiisa.
Intaas waxaa gadaal socon doona xisbiyo Diin ku qadhaabta oo ay waxiskugu urursadaan kuwii muddoba u haraadanaa maamulka dalka, madaarista iyo maqaamyadana kaga xidhnaa siyaasada. Isku wada geeyoo ,aragti ahaan, waxa adag in la saadaaliyo qaabka urur-siyaasadeed reer Boorame oo ay ku mideysan yihiin dhamaan ama inta badan beelaha degaanka u leh Gobolada awdal iyo salal iyo gabiley iyo heshiiska ay la gali doonaan xisbiyada kale ee kadhalan doona somaliland inteeda kale.
Waxa kale oo adag, in saadaal laga bixiyo ku si ekaanshaha xisbiyada jira maanta iyo isbedelka ku dhici doonaa ?
la soco qaybaha kale waxaan ku eegi doonaa saadaasha qaabdhismeedka ay yeelan karaan xisbiyada somaliland ee soo socda iyo cida wax a heli karta!
No comments:
Post a Comment