Garabkii UDUB ee dhawaan isku shubay Xisbiga Kulmiye talada dalka haya ayaa shaaciyey in Xisbigoodii hore ay Sad-qeeyeen Madaxwaynihii hore Somaliland iyo Wasiirkiisii Duulista iyo Hawada ee uu dhawaan u Cumaamaday Musharaxnimadda Xisbigooda Daahir Rayaale Kaahin iyo Cali Maxamed Warancade, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay wakhti dheer ka soo shaqaynayeen burburka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB oo ahaa ka ugu Guunsan Axsaabta Siyaasada Somaliland.
Siyaasiyiintaas ayaa waxay sheegeen in Daahir Rayaale Labadii Maalmood ee ugu darnaa Xisbiga UDUB ee uu Khilaafka la daalaa-dhacayey inuu ka dhoofay, isla markaana markasta oo uu soo dhexgalo ismarin waagaas inuu dhinac la safanayey, balse markii ay arkaan sida loo Xabaalayo Xisbigooda ay go’aansadeen inay la midoobaan Xisbul Xaakimka Kulmiye oo ay tilmaameen inay iyagu dalbadeen ku biiritaankiisa.
Kooxdan Siyaasada isku Xulufada ku ahaa mudooyinkii ugu danbeysay ayaa waxay ka sanqadhiyeen in burburka UDUB looga gol lahaa si loo soo saaro Ururo Qabaa’il u badala, kuwaas oo loogu adeegsanayo hab beeleed, looguna talo galay si aanay cid danbe ugu aayin Xisbigaasi.
Sidoo kale Xubnaha Siyaasiyiinta ah oo dhamaantood Xilal kala duwan ka soo wada qabtay Xukuumadii Rayaale oo kala ahaa Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, kii Dhaqanka iyo Dalxiiska C/risaaq Waabari Rooble, Ganacsiga Abiil Xasan Filfil, Badhasaabkii Hore ee Maroodi Jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Maxamed Daahir oo ka mid ahaa Masuuliyiinta sarsare ee Xisbigaas Burburay ee UDUB iyo Xubno kale oo Xilal ka hayey Xisbigaas. Waxaanay sidaas ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hutelka Safaari ee Magaaladda Hargeysa. Ugu horayna Waxa Madashaas ka hadlay Maxamed Daahir oo ka mid ah Masuuliyiintii Sare-sare ee Qurbo jooga UDUB ee dhawaan ku biirtay Xisbul Xaakimka Kulmiye, kaas oo ka hadlay Burburka Xisbigaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Shirkan Jaraa’id ee aanu qabanay maaha mid aanu cid ku taageerayno ama aanu cid ku Haaraamayno, hase yeeshee ujeedadiisu waxa weeyi inaanu ku cadayno Sooyaalkii Taariikheed ee burburkii UDUB oo maalmahan danbe si khaldan Warbaahinta loogu baahinayey. Runtii bururkii Xisbiga UDUB waxa uu bilaambay bishii August 2010-kii maalintii Daahir Rayaale ka dhoofay Hargeysa isaga oo Xilka ka sii maqan Bil kaliya”. Maxamed Daahir isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey “Cali Warancade mar aanu kulanay oo uu isku kaaya keenay Cali Guray waxa aanu ku nidhi Xisbigii UDUB waanu kugu wareejinaynaa ee Xilkiisii la wareeg, waxa uu nagu yidhi iguma wareejinaysaan oo markaad igaga tagtaan xageen gaynayaa, waxa aanu nidhi hadaba Xaflad aynu samayno ee anaga nagu wareeji Xisbiga, markaas waxa uu yidhi idinku wareejin maayo oo dadkaygii waxa aan u sheegayey mudo 2 sanadood ah-ba inaan hayo UDUB markaa waan ka fara-madhanahay ma odhan karo, waxaananu goobtaas iskula qaadanay in Xisbigii sidaas ku dhinto oo sidaas lagu aaso. Mida kale waxaan la yaabanahay qolada leh Madaxwaynaha ayaa Xisbigii naga baabiiyey runtiina arintaasi waa mid aan Xaqiiqada ku salaysnayn oo aanay waxba ka jirin waana hadal Xaqiiqda ka fog”.
Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu maanta halkan ka cadaynaynaa inay iska hadleen Dadka Maanta yidhaahda dawladda Siilaanyo ayaa burburka UDUB ka danbaysay oo soo dhexgashay xataa Gacan Haadina ku dhehoo, run ahaantiina anagu markaanu Kulmiye ku biiraynay noomay gacan haadin oo anaga ayaa ku khasabnay inaanu ku biirno Xisbigaas si aanu hawlaha qaranka wixii nagaga soo hagaaga uga shaqayno. Waxaanu nidhi waar Xisbigayagii hadii uu burburay dad inay Qaran u shaqeeyaan u bartay ayaanu ahayn oo Ururo iyo Qabaa’ilo uma shaqaynkarnee maxaa inoo talo ah?, waxaananu Jeclaanay inaanu ku biirno Xisbigaas Talada Qaranka haya oo aanu waliba dagaal kula jirnay oo Cay iyo Aflagaado badan aanu u gaysanay”.
Maxamuud Siciid isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Maalintii uu Jamaal Cali Xuseen oo Musharax Xisbiga ahi yidhi wakhtibaa igu socda ee aanu ugu ducaynay UCID ayaanu nidhi waar ma Inanka ayeynu raacnaa mise Odayga ayeynu raacnaa markaas ayaa inta aanu is wada raacnay Intayadan iyo qaar kale oo badan ayaanu ku nidhi Daahir Rayaale, Guddoomiye waxa aanu doonaynaa inaanu Xisbiga Badbaadino, waxa uu nagu yidhi waxaanu u qaadan waynay oo wuxuu yidhi Isa soo wada Casila dhamaantiin oo Guddoomiye ku xigeenkuna ha isa soo Casilo. Maalintaas ayaananu garanay inaanu Kulmiye galno oo aanaan la sii Jaafaa-jirqin ilayn UDUB halkaas ayey ku dhimatay oo Rayaale ayaa dilaye. Mida kale marka la leeyahay Xisbiga Kulmiye qabyaalad ayey ragaasi ugu Biireen Xisbigaas waa Dacaayad runtiina way jiraan laba Nin oo ay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isku beel yihiin laakiin intayada kale ayaaba ka badnayd oo waxaanu ka koobanahay min Saylac ilaa iyo Ceelaayo, Kidaab ayaananu ka Maraynaa Kulmiye inaanu Shilin Lacag ah na siinin maanta ilaa maalintii aanu ku biirnay oo xataa Sooryo nalama siinin ee Mabda’a ayaanu ugu biirnay. Waxaanu Ognahay in Xisbiga UDUB loo tashay oo waxaan maqli jiray Hashii Geella Cuntay ee hadana Cabaaday, Raga Maanta Qaylinaya ee Leh Xukuumadda ayaa burburisay ee Reerahoodii dhawrka Urur u sameeyey ayaa u Tashaday oo markay Ururo kale reerkoodii ku hubsadeen idhi Kana yaan reer kale qaadanine ha la dilo. Waxa kale oo ay Alle ha u Naxariistee UDUB dhabtiisa ku Dhimatay Madaxwaynaheenii hore Daahir Rayaale oo aanu la soo shaqaynay isla markaana aan Aflagaado iyo Cay naga Istaahilin balse ku ceebaysan arintaas”.
Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadii hore C/risaaq Waabari Rooble oo isaguna ka mid ah Masuuliyiinta dhawaan ku biiray Xisbul Xaakimka Kulmiye, isla markaana ka hadlay Madashaas kana waramaya Burburka Xisbigaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xisbiga UDUB maanta muu burburin ee waxa uu burburay Shirwaynihii Hutelka Maansoor lagu qabtay 2009-kii ee Jeebadda Daahir Rayaale lagu riday dhamaan Xisbigii oo dhan, isla markaana anaga oo aan Golle dhexe lahayn aanu doorashadii ugu danbaysay galnay ee aanu halkaas ku guuldaraysanay oo waxaanu Doorashadaas galnay Xisbiga UDUB oo aan Gole dhexe lahayn. Mida kale marka la leeyahay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa ayaa UDUB burburiyey waa hadal la iska yidhi oo been aan sal iyo raad toona lahayn weeyi, dhinaca kale markii aanu aragnay in Xisbigii baaba’ayo anagaa isku garanay Kulmiye oo nidhi UDUB wataa Marxuum Cigaal ka daba tagtaye ina dhaafiya.”
Dhinaca kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, kaas oo deedefeeyey wararka sheegaya in xukuumadda Siilaanyo ay ka danbaysay burburka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB oo uu sheegay inay Sababta burburkiisa lahaayeen Daahir Rayaale iyo Garabkii Cali Warancade.
Wednesday, September 19, 2012
Monday, September 17, 2012
Madaxweyne Ku xigeenka oo ka qeyb galay Kulan dhex maray Baanka adduunka Iyo Ganacsatada dalka
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay shir dhex-marayey baanka Adduunka iyo ganacsatada Somaliland kulankaas oo ku saabsan sida loo horumarin karo ganacsiga Somaliland.
wasiirka wasaaradda ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo furitaankii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay barnaamijkan maanta kulankan lagaga hadlayo oo ah mid lagu kobcinayo dhaqaalaha ganacsatada Somaliland lana gaadhay xiligii waxqabadka oo uu soo dhamaaday xiligii daraasadaynta mashruucan o ah mid uu soo diyaariyey Baanka adduunku.
Md. C/Risaaq Khaliif waxa uu sheegay inuu barnaamijkani saamaynayo dhamaan noocyada ganacsatada oo ay qayb ka yihiin ganacsatada danyarta ah, halka sidoo kalena uu tibaaxay barnaamijyo kale oo ay wasaarad ahaan iska kaashanayaan wasaaradda Maaliyadda iyo Xeer ilaalinta guud ee qaranka.
Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil saylici oo isna la hadlay ka soo qayb galayaashii kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu u aragto barnaamijyada Baanka adduunku ka taageero Somaliland kuwo muhiim ah hadii ay tahay hawsha dekedda Berbera ama mashruucan ay ku kobcinayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Md. Saylici waxa uu sheegay in ummadda Somaliland ay hiddo u leedahay ganacsiga sidaas darteed mashruucan baanka adduunku uu dhiirrigelinayo in ganacsiga dalka uu si casriyaysan u socon doono.
Kulanka oo sidoo kale uu ka hadlay Isuduwaha Baanka adduunka ee Somaliland waxaa kaloo ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha Maaliyadda, kaluumaysiga, Deegaanka, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo wasiirul Dawlaha maaliyadda.
Dhinaca kale Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebisay jaamacada Hope University ee caasimada hargaysa.
Gudoomiyaha Jaamacada Hope Prof Najiib Sh.C.kariin oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ardaydani barteen Maamulka,Maaraynta,IT-ga iyo culuun kale oo ay ku maarayn karaan sida uu yidhi noloshooda.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan Saylici ayaa ugu baaqay in ardaydani waxbarashada ay dhamaysteen ay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkiisaba,waxaanu ku amaanay maamulka jaamacadaasi dadaalka ay la yimaadeen.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Maaliyada .
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Maaliyada .
Madaxweynaha Soomaaliya oo Balan-qaaday inuu sii wadayo wada hadaladii u socday Somaliland
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxtinimadda dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in wada hadaladii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya ay halkoodii ka sii socon doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay inuu ahmiyad weyn siin doono sidii loo sii ambo qaadi lahaa wada hadaladii u bilaabmay Somaliland iyo dawladii hore ee Sh. Shariif.
Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlayay wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaaliya, waxa uu yidhi “Kama shaqeyn doonno midnimo jajuub ah ama xoog dulamaasiyadeed ku timaadda. Waxaan sii ambo-qaadi doonaa wada hadalkii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya. aad iyo aadna waan u soo dhawaynayaa in la helay fursad lagula hadlo Somaliland.”
Xasan Sh. Maxamuud waxa kale oo uu tilmaamay inaanay jirin wax midnimo ah oo xoog ku iman kartaa aanay jirin.
Madaxweynaha dalkaas Soomaaliya waxa uu sheegay inuu soo dhisi doono dawlad tayo leh, isla markaana ay awooda saari doonaan dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ka mid ah qarramadda guul-daraystay ee caalamka.
Xasan Sh. Maxamuud waxa kale oo uu beesha caalamka ka dalbaday inay la shaqeeyaan dawladiisa.
Sunday, June 24, 2012
M/kuxigeenka Soomaliland C/raxmaan Saylici iyo Booqashadii Sweden
Booqashadii M/kuxigeenka ee Dalka Sweden Iyo Soodhaweyntii D Slideshow: by Geelle’s trip from Ethiopië to Zweden was created by TripAdvisor. See another Zweden slideshow. Create your own stunning free slideshow from your travel photos.
Friday, December 30, 2011
sawiradii ugu layaabka badnaa sanadka 2011
nederland, zwolle
The Netherlands
Thursday, October 27, 2011
Tuesday, September 6, 2011
Monday, August 29, 2011
Machtige mannen en hun fobieën
Julius Caesar: insecten, spinnen en katten
Je kunt het je bijna niet voorstellen, maar de man die ooit aan het hoofd stond van het machtige Romeinse rijk en die geen leger of oorlog uit de weg ging had wél problemen met… dieren. En dan geen gevaarlijke roofdieren zoals tijgers of leeuwen, nee; Julius Caesar werd helemaal panisch van insecten (entomofobie), spinnen (arachnafobie) en katten (ailurofobie). Van die laatste fobie hebben opvallend veel machthebbbers last gehad: ook Alexander de Grote, Dzjengis Khan, Napoleon en Eisenhower moesten niets van katten hebben.
Adolf Hitler: kleine én lege ruimtes
De Duitse dictator had last van twee fobieën, die beiden te maken hadden met ruimtes. Zo voelde hij zich helemaal niet op zijn gemak in kleine ruimtes. Toch werd hij met deze claustrofobie op het eind van de oorlog behoorlijk vaak geconfronteerd. Het Adelaarsnest, zijn chalet en schuilplaats hoog in de Beierse bergen, kon hij namelijk alleen bereiken via een smalle lift in een 124 meter hoge schacht. Om de pijn te verzachten liet hij er spiegels in plaatsen om een ruimtelijk effect te creëren. Daarnaast was der Führer ook nog eens bang voor lége ruimtes (kenofobie).
Keizer Augustus: duisternis, onweer en zee
Ook deze Romeinse machthebber was niet zonder angsten. Net als veel kleine kinderen was hij bang voor het donker (scotofobie). Het verhaal gaat dan ook dat hij elke nacht een bediende naast zijn bed had zitten die onmiddellijk het licht aan moest doen als de keizer 's nachts wakker werd. Maar dat is nog niet alles. Het liep Augustus ook dun door de broek bij onweer (keraunofobie) en hij moest absoluut niets hebben van reizen over zee (thalassofobie). Niet handig als je een rijk rondom de middellandse zee moet regeren…
Abraham Lincoln: mooie vrouwen en sociale contacten
Van deze fobieën had zijn latere collega Bill Clinton in ieder geval geen last, zo bewijst de Monica Lewinsky affaire. Maar de zestiende president van de Verenigde Staten had dus wél te maken met caligynefobie (van 'kallos' dat 'mooi' en 'ghiné' dat 'vrouw' betekent) en antrofobie (angst voor sociale contacten in het algemeen). Dat laatste zou je ook kunnen omschrijven als een ziekelijke vorm van mensenhaat. Was hij daarom misschien de eerste president van de Verenigde Staten die tijdens zijn ambtsperiode werd vermoord?
Benito Mussolini: bacillen en bacteriën
Deze fascistische, Italiaanse dictator had een grote angst voor onzichtbare 'beestjes': bacillen, bacteriën en andere micro-organismen. Hij was met andere woorden bacillofobisch. Mussolini was er zó bang voor dat men vermoedt dat dit de reden was dat hij de Romeinse groet (een voorloper van de Hitlergroet) herintroduceerde. Zo hoefde hij geen handen te schudden. Tijdgenoot Winston Churchill had overigens ook een hygiënefobie: hij had een angst voor vuil (rhypofobie). De Britse premier schijnt daardoor heel wat uurtjes in bad doorgebracht te hebben.
Je kunt het je bijna niet voorstellen, maar de man die ooit aan het hoofd stond van het machtige Romeinse rijk en die geen leger of oorlog uit de weg ging had wél problemen met… dieren. En dan geen gevaarlijke roofdieren zoals tijgers of leeuwen, nee; Julius Caesar werd helemaal panisch van insecten (entomofobie), spinnen (arachnafobie) en katten (ailurofobie). Van die laatste fobie hebben opvallend veel machthebbbers last gehad: ook Alexander de Grote, Dzjengis Khan, Napoleon en Eisenhower moesten niets van katten hebben.
Adolf Hitler: kleine én lege ruimtes
De Duitse dictator had last van twee fobieën, die beiden te maken hadden met ruimtes. Zo voelde hij zich helemaal niet op zijn gemak in kleine ruimtes. Toch werd hij met deze claustrofobie op het eind van de oorlog behoorlijk vaak geconfronteerd. Het Adelaarsnest, zijn chalet en schuilplaats hoog in de Beierse bergen, kon hij namelijk alleen bereiken via een smalle lift in een 124 meter hoge schacht. Om de pijn te verzachten liet hij er spiegels in plaatsen om een ruimtelijk effect te creëren. Daarnaast was der Führer ook nog eens bang voor lége ruimtes (kenofobie).
Keizer Augustus: duisternis, onweer en zee
Ook deze Romeinse machthebber was niet zonder angsten. Net als veel kleine kinderen was hij bang voor het donker (scotofobie). Het verhaal gaat dan ook dat hij elke nacht een bediende naast zijn bed had zitten die onmiddellijk het licht aan moest doen als de keizer 's nachts wakker werd. Maar dat is nog niet alles. Het liep Augustus ook dun door de broek bij onweer (keraunofobie) en hij moest absoluut niets hebben van reizen over zee (thalassofobie). Niet handig als je een rijk rondom de middellandse zee moet regeren…
Abraham Lincoln: mooie vrouwen en sociale contacten
Van deze fobieën had zijn latere collega Bill Clinton in ieder geval geen last, zo bewijst de Monica Lewinsky affaire. Maar de zestiende president van de Verenigde Staten had dus wél te maken met caligynefobie (van 'kallos' dat 'mooi' en 'ghiné' dat 'vrouw' betekent) en antrofobie (angst voor sociale contacten in het algemeen). Dat laatste zou je ook kunnen omschrijven als een ziekelijke vorm van mensenhaat. Was hij daarom misschien de eerste president van de Verenigde Staten die tijdens zijn ambtsperiode werd vermoord?
Benito Mussolini: bacillen en bacteriën
Deze fascistische, Italiaanse dictator had een grote angst voor onzichtbare 'beestjes': bacillen, bacteriën en andere micro-organismen. Hij was met andere woorden bacillofobisch. Mussolini was er zó bang voor dat men vermoedt dat dit de reden was dat hij de Romeinse groet (een voorloper van de Hitlergroet) herintroduceerde. Zo hoefde hij geen handen te schudden. Tijdgenoot Winston Churchill had overigens ook een hygiënefobie: hij had een angst voor vuil (rhypofobie). De Britse premier schijnt daardoor heel wat uurtjes in bad doorgebracht te hebben.
Saturday, August 27, 2011
Qadaafi oo Lagayaabo In uu ALjeeriya U Baxsado
Muammar Kaddafi, de verdreven dictator van Libië, heeft mogelijk de wijk genomen naar buurland Algerije. Dat meldde het Egyptische staatspersbureau MENA in de nacht van vrijdag op zaterdag.
MENA citeerde een bron binnen de Militaire Raad in de Libische stad Ghadames, die nabij de grens met Algerije ligt. De raad vormt het gezag in de regio.
Troepen van de nieuwe machthebbers in Libië zagen vrijdagmorgen hoe een konvooi van zes Mercedessen met pantserbekleding zich richting de grens met Algerije begaf. Ze slaagden er niet in de voertuigen te laten stoppen of te achtervolgen. Het konvooi zou bescherming hebben genoten van een militie van woestijnnomaden, die loyaal zou zijn aan Kaddafi.
Jacht op Kaddafi
Sinds dinsdag het hoofdkwartier van Kaddafi in de hoofdstad Tripoli in handen viel van de rebellen, maken zij jacht op Kaddafi. Van hem ontbreekt vooralsnog elk spoor. De verdreven dictator deed nog wel van zich spreken met enkele audioboodschappen, waarin hij aankondigde door te vechten tot de overwinning of het martelaarschap.
Volgens andere geruchten zou Kaddafi zich schuilhouden in zijn thuisbasis Sirte, circa 360 kilometer ten oosten van Tripoli. Sirte is nog altijd in handen van troepen die loyaal zijn aan de verdreven Libische leider. Strijders van het nieuwe bewind bereiden een aanval op de stad voor.
Ras Jdir
Vrijdagavond claimden de troepen van de nieuwe machthebbers dat ze de stad Ras Jdir aan de grens met Tunesië hebben veroverd op aanhangers van Kaddafi. Volgens een Tunesische functionaris vluchtten strijders van de oud-leider uit Ras Jdir toen circa 100 aanhangers van de Nationale Overgangsraad de stad binnentrokken. (ANP/Redactie)
Monday, August 22, 2011
Saturday, August 20, 2011
Friday, August 19, 2011
Maxaa sababay Dr. Gaboose in uu iska casilo xilkii uu hayay?
Hargeysa 19, August 2011 (Qurbejoog.com)- Wasiirkii Daakhiliga Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo.
Dr Gaboose oo galabta warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ee caasimadda Hargeysa, waxa uu iftiimiyay sababaha uu iskaga casilay xilkii wasiirnimo ee xukuumadda xisbiga KULMIYE.
Maxamed Cabdi Yuusuf oo loo yaqaano ‘Gaboose’, waxa uu xilkaas hayay muddo sannad ah, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay xubinta ugu miisaanka culus xukuumadda hadda jirta, isla markaana doorka ugu firfircoon ka ciyaaray guushii xisbiga KULMIYE ka gaadhay doorashadii 26 June 2010, marka laga hadlayo siyaasiyiinta ku jira xisbigaas. “Waxaan doonayaa in aan umadda reer Somaliland u sheego in maanta aan iska casilay xilkii wasiirnimo ee wasaaradda Arrimaha Gudaha,” ayuu Dr Gaboose hadalkiisa ku bilaabay.
Waxa uu sheegay in ujeedada ugu wayn ee iscasilaadiisu la xidhiidho sidii uu uga midho-dhalin lahaa hamigiisa siyaasadeed ee hoggaaminta Somaliland, hase yeeshee waxa uu si dadban u muujiyay ismaandhaaf huursanaa oo muddooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo. “Inkastoo tabashooyin hoose jiraan, haddana waxaan doonayaa in aan u madaxbanaanaado hamigayga siyaasadeed iyo furashada urur siyaasadeed,” ayuu yidhi.
Inkastoo uu sheegay in aanu jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, haddana erayga tabashada hoose ee uu carabka ku dhuftay, waxa uu daaha ka fayday khilaafkooda. “Waxaan caddaynayaa in aanu jirin khilaaf noo dhexeeya aniga iyo Madaxweynaha,” ayuu yidhi Dr. Gaboose oo ah siyaasi aqoonyahan ah oo ku takhasusay daawaynta Caafimaadka dadka, gaar ahaan cudurada Neerfaha.
Hase yeeshee, siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/qurbejoog.com, muddooyinkii u dambeeyay waxa jiray khilaaf isaga soo tarayay iyo ismaandhaaf u dhexeeyay wasiirka iyo Madaxweynaha.
Siday xoguhu tibaaxeen, ismaandhaafkan waxa hurantooda iyo sii dhaqdhaqaajintooda ka shaqaynayay xubno ka mid ah wasiirada ay iskugu dhawdhaw yihiin Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan kuwa garab booda socdaal kasta oo uu dalka kaga baxo, isla markaana isku hawla inay sii shiilaan go’aamada uu Axmed-Siilaanyo qaadanayo.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Madaxweynaha iyo Dr. Gaboose isku maandhaafeen arrimo ay ka mid yihiin rabshado dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay ka dhacay caasimadda Hargeysa oo ka dhashay khilaafka u dhexeeya dhinacyada xisbiga UCID iyo qaabka wasiirku uga hawlgalay maaraynta arrintaas. Sidoo kale, waxa la sheegay in Madaxweynuhu wasiirka ku canaantay eedaymo uu dhowaan Suldaanka guud ee Somaliland Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir u jeediyay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo. “Madaxweynuhu waxa uu ku canaantay Dr. Gaboose eedaynta uu Suldaanku isaga u jeediyay, arrimahaa ku xidhiidhsanaa ee eedaymuhu ka dhasheen iyo arrimo kale, sababtoo ah Madaxweynuhu waxa uu wasiirka u tirinayaa nin aan reer ahaan (Garxajis) kaga hawlgeli arrintaa,” sidaa waxa yidhi masuul dawladda ka tirsan oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. “Kollay waxyaabo kale oo ay isku maandhaafsanaayeena way jiraan, arrintana waxa isku-dirkeeda ka shaqaynaya niman wasiiro ah,” ayuu raaciyay.
Ka sokow arrimahan, wasiir Gaboose ma sii sagootiyay weftigii Madaxweyne Siilaanyo ee dhowaan u baqoolay dalalka Itoobiya iyo Shiinaha. Sidoo kale, ma soo dhawaynin markii weftiga Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu maanta ku soo laabteen caasimadda Hargeysa, taasina waxay muujinaysaa qarada uu leeyahay khilaafka u dhexeeyaa.
Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in ismaandhaafkoodu gaadhay heer uu Siilaanyo qorshaystay in marka Shiinaha ka soo laabto uu ku dhawaaqo xil-ka-qaadistiisa, sidaa aawadeedna ay uu Dr Gaboose dhinaciisa dedajiyay ku dhawaaqista iscasilaadiisa.
Si kasta ahaatee, iscasilaada Dr Gaboose oo ay golaha kula jiraan xubno ay hoggaankii urur-siyaasadeedkii Qaran isku ahaayeen, waxay Madaxweyne Siilaanyo ku noqonaysaa hal-xidhaale cusub oo soo wajahay, waxayna sababi kartaa inuu isku-shaandhayn ku sameeyo golaha xukuumadda, si uu u kala-hufo, uguna meel-dayo xubno la filayo inuu salaanka xukuumaddiisa ka tuuro. Laakiin, waxa indhaha lagu hayaa sida uu Madaxweyne Siilaanyo uga jawaabo iscasilaada mid ka mid ah garabada uu ku duulayay oo loo ridinayo inuu lahaa cududa ugu wayn ee guushiisa Madaxtinimada saamaxday.
Haddaba, akhriste halkan ka dhegayso codka iscasilaadii Dr Gaboose, fikirkaagana ka dhiibo sida aad u aragto shaqo-ka-tegiska wasiirkii Daakhiliga Somaliland, adigoo ku qoraya halkan hoose ee bogan.
Wednesday, August 17, 2011
Subscribe to:
Posts (Atom)